Raaligelin: War laga Qoray Ganacsade Cismaan Kaahin.

Raaligelin: War laga Qoray Ganacsade Cismaan Kaahin.

Maamulka Warbaahinta Somalilandlive Media oo Raali-gelin Ka Bixinaaya Warar Been Abuur ah oo Si Khaldan Loogga Baahiyey Ganacsade Cismaan Kaahin

Maamulka iyo hawl-wadeenada Warbaahinta SomalilandLive Media, waxa ay raali-gelin ka bixinayaan warar been abuur ah oo si khaldan uga baxay shabadda Somalilandlive.com iyo barta Facebook-ga ee Somalilandlive Media, kuwaasi khuseeyey Ganacsade Cismaan Kaahin isla mar ahaantaana tilmaamayey in laga soo eryey shirka Nabadeynta Ceel-afweyn.

Warkan oo ciwaankiisu ahaa “Xasan Gaafaadhi iyo Ganacsade Cismaan Kaahin oo Laga Soo Eryey Madasha Shirka Nabadeynta Ceel-Afweyn.”. isla mar ahaantaana la baahiyey 18kii, July, 2018kii, ayaa waxa aanu baadhitaan dambe ka dib halkan ku caddeynaynaa in warkaa khuseeya Ganacsade Cismaan Kaahin uu yahay mid waxba kama jiraan ah, waxaana aanu soo oggaanay in Ganacsade Cismaan aanu marna ba tagin deegaanka Ceel-afweyn isla mar ahaantaana uu warkaasi si khaldan uga baxay Warbaahinta Somalilandlive Media.

Maamulka Warbaahinta Somalilandlive Media, waxa kale oo ay Ganacsade Cismaan Kaahin ka raali-gelinayaan warar iyagu na been abuur noqdey oo la xidhiidhey in Hotel Kaah ay yimaadeen ciidanka RRU isla mar ahaantaana lagu handadey dad halkaas ku shiraayey.

Hadda ba, Maamulka iyo Hawl-wadeenada Warbaahinta Somalilandlive Media, waxa ay mar kale raali-gelin siinayaan Ganacsade Cismaan Kaahin oo ah shakhsi xurmo iyo sharaf ba ka mudan qaranka Somaliland iyada oo sida oo kale na aanu akhristeyaasha na ka raali-gelinayno baahinta Warkaas oo si khaldan uga baxay Warbaahinta Somalilandlive Media.

Leave a Reply

*