Kumanaan Gaadiid ah oo laga  Soobaxsaday  Dawlad Deegaanka Somalida  Itoobiya oo  Suuqyada Somaliland loosoo iibgeeyay!

Kumanaan Gaadiid ah oo laga  Soobaxsaday  Dawlad Deegaanka Somalida  Itoobiya oo  Suuqyada Somaliland loosoo iibgeeyay!

Kumanaan Gaadiid ah oo laga  Soobaxsaday  Dawlad Deegaanka Somalida  Itoobiya oo  Suuqyada Somaliland loosoo iibgeeyay!

Iyada oo Xaalad  Kala daadsanaan ahi ay  kataagantay   Magaalada Jigjiga iyo Deegaanada    Gobolka Somalida  Itoobiya  ayaa  waxa  Xoogaystay Biliqaysiga Hantida Dadwaynaha iyo   Gaadiidka  Dawladu lahayd kadib   markii Xilka Xoog lagaga   qaaday Madaxwaynihii hore  ee DDSI    Cabdi Maxamuud Cumar kaas oo ay Ciidamada  Milatariga Itoobiya  Xilka Xoog  kaga Xayuubiyeen kadib   markii   uu  Kahor yimi Dawlada  Dhexe  ee Itoobiya.

Maamul  la,aan baahsan ayaa  guud ahaa  kajirta Deegaanada  Somalida  Itoobiya  waxana  Meelaha  qaar  lahubeeyay Maleeshiyo  lagu baadhanayo Xafiisyada   Dawlada  iyo hantida  gaarka ah ee Dadku leeyay.

Kumanaan Baabuurta ay Dawladu lahayd oo  ay kujiraan  Anbalaasyo /Unbace    baabuurta  Dabdanbiska iyo  Baabuurta  Wasaarahada  iyo  kuwo Ciidan oo Tiradoodu gaadhayso Kumanaan ayaa  dhanka  Somaliland lolal baxsaday.

Sida  uu SomalilandLive Media  u Xaqiiyay Xubin sare oo kamida Ururka Dulmidiid   kusugan magaalada Addis Ababa oo  kamida  ururada Mucaaridka ah ee Xilka Xayuubintii Cabdi Ilay   Dabada  kariixaya”  Kumanaan Baabuurtii  Dawlad Deegaanku lahayd ayaa  lala Baxsaday Gaadhiskasta waxa lagoostay  Darawalkii waday, Xatoyada ugu baahan waxa  gaysanaya  Shaqaalihii Cabdi Ilay   iyo Jufada  Hoose  ee Reerka uu kasoo jeeday kuwaas oo inta badan Gacanta kuhayay Hantida  Dawladu leeday  ayaa  uu yidhi  Xubin Sare oo Dulmi diid kamida  kana Gaabsaday Baahinta Bagaciisa”

Isaga oo lahadlayay Heerka ay  gaadhsiisantay Xatoyada  Hantida  Dawlada ayaa waxa  uu Yidhi,  Baabuurta  laxadayo ee  lala Baxsanayaa  waa  kuwii  Dawlada   Noockasta oo ay yihiin,   waxa ay dhaafayaana majirto, Xataa Baabuurtii Gurmdka Degdeg ah  ee ay Cusbitaaladu Adeegsanjireen ayaa labililiqaystay oo   lala Baxsanaya  waxana  Dhamaantood  loola  talaabay Dhanka  Somaliland  waxa  aanu ugu Baaqanay Xukuumada  Somaliland iyo  Shacabkeedaba in  ay   kaqayb Qaataan  Joojinta  iyo kahortaga Bililiqaysiga Hantida Dadwaynaha    iyo  Gaadiidka Dawladu Deegaanku leeday ee lala soo galayo  Somaliland.

waxa  aanu kacodsanaynaa  walallahayo in aanay Gacansiinin Tuugada Xoolihii umada   ula soogashay,” ayuu yidhi

 

Waxa  suuqyada  Somaliland Buux dhaafiyay Gaadiid  lagala  soo goostay Dhanka   Jigjiga kuwaas oo Suuqyo Xaraash ah looga  raadinayo  Magaalooyinka Somaliland     ilaa iyo hada waxa Talaabo  ah oo Cad may qaadin Xukumada  Somaliland inkasta oo Dhowr Baabuur oo  lala soobaxsaday Meelo gaara lagu qabtay.

Click here to opt-out.

  SomalilandLive Media

Leave a Reply

*