MUXUU MUUSE BIIXI KA BARAN KARAA CABDI ILEY ?

MUXUU MUUSE BIIXI KA BARAN KARAA CABDI ILEY ?

Sida aynu ka warqabno waxaa dhawaanahan bulshada Soomaalida dhexdeeda aad u hadal haysay wararkii ka imanaayey dhinaca maamulka gobolka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, Halkaas oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay dawlada federaalka ah iyo maamulkii dawlad goboleedka Soomaalida ee uu hogaanka u hayey mudoba Cabdi Iley. Waxaanu khilaafkaasi sababay in ciidamada federaalka Itoobiya soo farogaliyaan maamulkiina laabaan madaxweynihiina xilka ka qaadaan walibana isna kaxaystaan, hadabay waxaynu qormadan isku waydiin doonaa suaalo dhawra oo ah maxaynu ka barankarnaa dhacdadaa guud ahaan hadaynu nahay Soomaali ? Maxayse kabaran karaan madaxda Soomaalidu gaar ahaan ? Maxayse uga dhigan tahay maamulada kala duwan ee Soomaali u taliya dhacdadani gaar maamulka Muuse Biixi ? Waxaynu kaloo eegi muxuu yahay waxa ay isku hayaan Cabdi Iley iyo Ahmed Abiy oo ah raysalwasaaraha Itoobiya ?

ISBARBARDHIGA MAAMULKII CABDI ILEY IYO MAAMULKA MUUSE BIIXI.

Cabdi iley
Nin salaan dheer u baxaba siibashaa xigi
Suurdaaro waa u halis ninkay rag isaseegaan.
waxay erayadaasi ahaayeen ereyo eynu ka soo dheeganay gabay uu lahaa gabyaagii waynaa ee Axmed Ismaciil diiriye Qaasin , waana ereyo lagu tilmaansado sunaha nolosha ee ah sareeye hooyee. Cabdi Iley oo tobanaankii sano ee u danbeeyey ka ahaa atooraha ugu caansan saaxada siyaasada Soomaali galbeed waxaa uu maanta ku sugan yahay xaalad aan hore loo saadaalin maantana lama yaqaan xaalkiisa dhabta wuxuu ku sugan yahay, se xaqiiqadu waxay tahay inuu yahay maxbuus gacanta ugu jira shalay ciduu u adeegaayey ee Itoobiya ahayd .

Wuxuu Cabdi iley xilka ku fuulay may ahayn rabitaanka dadkiisa balse wuxuu xilka ku fuulay rabitaanka maamulkii Itoobiya gaar ahaan Tigreegii dalka ka talinaayey. Waaxaana lagu xasuustaa intuu dadkiisa horjoogaha uga ahaa Itoobiya dhacdooyin murugo leh ha ugu horeyso cabudhin, xasuuq, dadkii oo coloobay sidoo kalena la isku diray waxaa intaa dheer eex qabiil iyo muqadasnimada hogaamintiisa halkaas oo la gaadhsiiyey inba loogu yeedho AABE sidii kaligii taliyihii Siyaad bare.

Markaynu wadciga maanta u nimaadno wuxuu ka dhashay midhihii shalay Cabdi ilay wuxuu si xad dhaafa ugu adeegay maamulkii Tigreega kaas oo u filiyey wax kasta oo ay ka dalbadeen sida laga soo wariyey wixii badi dalka ka dhacaayey inay madax sare oo Tigreeyi amri jireen dilalkii foosha xumaa ee loo gaysan jiray dadka Soomaalida ah, hase ahaatee maanta yaa ka aqbalaaya waxa badi kacdoon ka taagan yahay gebi ahaan geyigii Soomaali Galbeed kuwaas oo ka soo horjeeda xukunkiisii kalitaliska ahaa inyar oo dhiiga umada jaqaysay mooyee oo isaga ku hoos noolayd.

MAANTA IYO CABDI ILEY,DAWLADA ITOOBIYA IYO SHACABKA SOOMAALI GALBEED.

Horey Soomaalidu ugu maahmaahday (taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa) maanta Cabdi iley markaynu ka nimaadno ma ay jirin maalin uu uga baahi badnaa umadiisii si ay u difaacaan isaga iyo xuquuqda dadka Soomaaliyeedba, hadiiba ay jirto sida la sheegay inuu Cabdi iley ka xanaaqay saami qaybsiga shiidaalka dhulka Soomaali galbeed laga helay oo dawlada dhexe tidhi degaanka Soomaalidu %5 shan qudha ayuu ka helayaa .

Nasiib darose umad uu kala dilay oo uu isku dilay uu isagu dilay maad ka sugi gargaar maalintay kugu ciirto? Hadii uu madiisa midnimadeeda iyo u adeegeeda ka shaqayn lahaa oo uu daryeelkeeda ku dadaali lahaa sidoo kalena isku dayilahaa dhaymaha dhamaan nabarada hambaabuqay ee uu isagu aysiidha ku sii shubay maanta xaalkiisu sidaa muu ahaadeen umadiisana sharafbuu u soo hoyn lahaa umadiisuna naftay dul dhigi lahayd sidii madaxweyna Erdogan kaarayaasha ay isugu dhigayeen si ay u difaacdaan masaalixdooda qawmiga ah iyo hogaamiyahooda ruuxiga ah.

Waxaa maanta cadaatay in magacyadii tirada badnaa sida Aabe Cabdi iley aanay ahayn kuwo dadku qalbiga iyo laabta ka odhan jireen balse uun ay ka ahayd inay kaga gabadaan seeftiisa afka waynayd, masiirka uu ku sugan yahay maanta waa tusaale fiican oo ay madaxda Soomaalidu ku taamilo qaataan ha ahaato cabudhinta dadkaaga iyo kala qaybintooda halka lagu gaadho inay tahay aakhirka adoo kali istaaga oo maalintaad u baahato garabkooda aad ka waydo garabkaaga. Waxa kale oo ka faaiidaysan karnaa odhaadii siyaasada caanka ku ah ee tidhaa (Siyaasada saaxiib joogto ah malaha ee maslaxo joogto ah bay leedahay ) wadamada jaarka iyo kuwo kalee siyaasada soomaalida faraha kula jiraana ninkastoo madaxi waa inuu ogaada in inta lagu danaysanaaya uu uu yahay wiil suuban maalinta se ay timaado inay masaalixda umadiisa iyo ta ajaanibku inay is khilaafaan inuu nin walba masiirkaa Cabdi ilay la marinaayo kolkaa hadalkoo dhan waa hoy madaxda soomaalidaay sidi sididiina mooyee dhul u dhiciina hubsada.

MUUSE BIIXI.

Muuse Biixi oo ah haatan madaxweyanaha Somaliland sifaduu ku yimina ilaa hada aanay kala cadayn oo muqdi badani ku jiro , midhihii natiijadii doorashada ka dhashayna ay noqotay maamulka Muuse midhihii maamulka Muuse ka dhashayna ay yihiin : kala qaybsanaan baaxad leh oo dhamaan dalkii ku baahday, eexqabiil, cadaalad daro, qabyaaladii oo dib u soo noolaatay oo waligeed gaadhin heerka maanta ay gaadhay , in nidaamkii wadanku noqday mid ka turjuma in Somaliland la kala leeyahay taasina ay ka dhalato kacdoon odhanaaya waxaanu raadinaynaa Somaliland la wada leeyahay. Waxay maanta maraysaa inay dadkii dareemaan inay ku xidhan yihiin jeel wayn waan halka maanta ereybixinta cusubi ka bilaabantay ee ah (HANDARAAB) oo ka tarjumaysa inay dhan walba ka xidhan yihiin.

Wuxuu maanta maamulka Muuse kala geeyey dadkii meelaanay waligood kala tagin, walow ay ardaagii weli ku midaysan yihiin waxay ka kala guureen uurkii waana mida ugu halista badan sidii hadhaw la iskugu soo celin lahaa, wuxuu Muuse shalay ku ololeeyey kala qaybinta umadan wuxuuse maanta u baahan yahay ururinteedii oo aad ugu adag, waxaa maanta ay gaadhay in madaxdii ciidamadu maalinba nin talaabo isagoo qabiil awgii loo faquuqay, wuxuu Muuse abuuray saqaafad iyo dhaqan siyaasadeed oo inagu cusub oo ah inuu sidii siyaad ama Cabdi iley inta reerkooda ah dhankasta isku xeeriyo si ay u ilaaliyaan nidaamkiisa.

Balse suaashu waxay tahay Muuse wax ma ka bartay Siyaad Bare iyo cadaalad daradii iyo kala qaybtintii Soomaalida waxay dhaxalsiisay ? Muuse wax ma ka bartay tusaalayaasha nololeed ee daafaha dunida madaxda aan cadaalada dadkooda ku dhiqini ay ka dhaxleen ? Muuse wax ma ka bartay Qadaafi iyo dadkiisu halkay ka istaageen walow qabiilkiisu taageersanaa ? Muuse wax ma ka bartay madaxdii kalee carbeed ee umadoodu halka mawqif ka wada qaadatay ? Hadal iyo dhamaan walow ay doorashadani ahayd tii koowaad ee farogalin shisheeye oo qaawan ay saamaynta ugu wayn ku lahaayeen sidaana xilkii ku fuulay waxaan odhan lahaa gegebada maqaalka aduunyada adeer war iyo sheekaa ka hadha kuna tusaale qaado waa halkii Soomaalidee mayd kee u danbeeyey iyo kaa la sii sido sidaa darteed ku tusaale qaado Cabdi ilay oo sidi sididaada mooyee dhul u dhacaaga hubso.

 

Click here to opt-out.

Leave a Reply

*