Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay In Mareykanku Madaxweyne Geelle Cadaadis Ku Saarayo In Uu Tallaabo Ka Qaado Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Oo Eedo Culus Loo Haysto

Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay In Mareykanku Madaxweyne Geelle Cadaadis Ku Saarayo In Uu Tallaabo Ka Qaado Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Oo Eedo Culus Loo Haysto

Wargeysku Wuxuu sheegay In Ay Halis Ku Jirto Shirkadda Ina Aw-Siciid Oo Ay Saami Ku Leeyihiin Marwada 1-aad Ee Jabuuti Iyo Marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Aamina-Weris.”.

Jabuuti(Waaberi):-Wargeyska The Indian Ocean, ayaa sheegay in Sirdoonka Maraykanku eedo culus ku soo oogeen ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi oo ah guddoomiyaha shirkadda Somcable, islamarkaana hadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle cadaadis culus lagu saarayo in uu arrintaasi wax ka qabto.

Cadadka Wargeyska ee soo baxay 31-Ogos, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid badhtanka u fadhiyo eedaymo ku saabsan ka ganacsiga hub sharci darro ah. “.Sida la sheegay Sirdoonka Maraykanku waxay dawladda Jabuuti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Somaliland ee Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada koowaad ee Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa si qayaxan loo waydiistay in uu si aan habsan lahayn wax uga qabto dhibaatadan,”. Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska The Indian Ocean.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in arrintani dhaawacday sawirka ama sumcadda ganacsade Maxamed Siciid Geeddi ku leeyahay Jabuuti iyo sida oo kale xidhiidhka uu la leeyahay Marwada koowaad Khadra Maxamuuud Xayd. Waxaanay warbixintu sheegtay in Ameerikaanku sheegeen in ay caddayn u hayaan eedaha ay ku soo ooggeen ganacsade Ina Aw-Siciid.

Warbixintu, waxay intaas ku dartay in ganacsade Maxamed Aw Siciid meesha uu gabaad ka dhiganayaa noqon doonto  Somaliland si la mid ah sidii uu yeelay Axmed Cismaan Geelle, madaxa shirkadda SBI oo sanadkii 2017 dawladda Jabuuti u jartay waaran lagu soo qabanayo markii khilaaf soo kala dhex galay Jabuuti.

Wargeysku wuxuu sheegay in haddii eedahan cusub rumooban uu ganacsiga Ina Aw Siciid halis galayo. Waxa uu sheegay in ganacsadahan oo bahwadaag la ah Dahabshiil hadana uu dhammaystirayo xadhigga Febric Optic ee Jabuuti iyo Somaliland, islamarkaana Berbera ka dhisayo xarun weyn oo dhanka isgaadhsiinta ah siiba xadhigga isgaadhsiinta ee badda hoosteeda mara.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Ganacsadahani sii haysan doono khadka isgaadhsiinta Febric Optic oo kooto ugu xidhan maaddaama uu si weyn u soo taageeray Madaxweyne Biixi xilligii ololaha, islamarkaana ay yihiin isku beel iyo isku degaan.

Warbixinta Wargeyska Indian Ocean waxay imanaysa iyada oo todobaadadii la soo dhaafay warbixin ay soo saartay xarunta falanqaysa mushkiladaha ee EXX Africa lagu sheegay in Jabuuti xarun u noqotay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Yemen oo la sii dhex-mariyo Somaliland laga na soo galiyo gobolka Awdal. Eedahaas oo salka ku hayay in hubkaasi la gaadhsiiyo maleeshiyaadka ka dagaalama Geeska Afrika, kuwaasi oo uu markii dambe na uu si weyn u beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo boggiisa Twitter soo dhigay qoraalo dhawr ah oo uu ku baahiyey.

Geesta kale, Wargeyska Indian Ocean, waxa kale oo uu daabacay in dawladaha Somaliya iyo Kenya ay isku haystaan soo qabashada Fahad Yaasiin oo ah ku xigeenka Sirdoonka Somaliya oo dawladda Kenya u haysato arrimo khuseeya in uu dhowr baasaboor oo kala duwan uu ka qaatey dalka Kenya, waxaana arrintaas illaa hadda ku muransan oo isku af garan la’ wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliya iyo Kenya.

 

 

 

 

 

Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Caddaalad Darrada Maayarka Burco Sheegay In Gobollada Bari Lagula Kacay

 

Burco(Waaberi):-Maayarka Magaakada Burco Maxamed Muraad , ayaa soo bandhigay cadaalad darada Goboloda Bariga ee Mashruuca horumarinta ee SDF, isaga oo sheegay in gobolada Galbeedka ay Mashruucaa qateen 74% halka Gobolada Bariga Somaliland ay mashruucaa hurumarinta SDF ka heleen 26%, taasi oo uu sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin. Maayarku waxa uu hore u sheegay in dhaqaalaha dalku isugu biyo shubtay degaanno gaar ah oo uu ku sheegay Berbera, Hargeysa badhkeed iyo Gabiley isaga oo sheegay in xeerka cashuuraha Barrigu dad gaar ah u danaynayo.

Maayar Murraad ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:-” Durba xan ayaanu maqlayna Mashruucaa SDF  markii xagaa lagaga wada hadlayey  Mashruucan Burco horta dib u yara dhiga ayaanu maqlaynaa , taa tii ka horeysayna 3-da Gobol ee galbeedka , Maayarka gobolada Bari ayaan annigu ahaye cidda aan u hadlaana had iyo jeer gobolada hadhay weeye ee goboladii Somaliland ka hadhay Saddex-da gobol ee Bariga ayaan u hadlaa 3-da Gobol ee Galbeedka boqolkiiba inta ay SDF ka qaateen saw maydaan akhiriyin imisa ayey ahayd 74% ayey saddex-da gobolada galbeedka,  3-daa gobol ee Barigana 26% ayey qaateen ayaa lagu soo ururiyey, taasi waan iska samirnay oo waan iska aamusnay, walaahi taa maanta u dul qaadan mayno mana suuroobeyso mashruuca Burco ee biyaha ku saabsan waa inuu kow noqdaa wax-yaabaha qaranka laga qabanayo ,taas uunbaanu 74%kii hore kaga samraynaa ” Ayuu yidhi Maayar Muraad

Dhanka kale Maayar Muraad ayaa ku hanjabay in haddii mashruuca hurumarinta Biyaha ee Burco dib loo dhigo inuu soo bandhigi doono wax yaabo ka dhana SDF ” Wax badan oo SDF aanu hoos u sii eegaynaa wey jirtay qayladeeda badan, ayaanu iska diidaynay , laakiin mashuurcaasi haddii uu hadho, waa faraqaynaa wax alaale wixii aanu haynaba .”

Dhinaca kale xukumadda madaxweyne Biixi ayaa ka jawaabtay eedaha culus ee Maayarka Burco waxaanay sheegtay in aanu jirin mashruuc dib loo dhigay ama laga joojiyay gobolka Togdheer sida uu shalay sheegay wasiirka Qorshaynta Cawaale Ibraahin Shirwac.

“Mashuuc laga joojinayo Togdheer  oo biyaha ahi in aanu jirin,wasiirkii ugu dambeeyey ee wefti hogaaminaya anniga ayuu ahaa oo Bookhday iyada oo ay ila socdaan Madax kale , waxaananu bookhanay mashruucaa biyaha ah wixii ugu dambeeyey ee ka dhinaa Mashruucaa marka uu socdey waxa aan soo balan qaaday in la dhammaystiri doono Taangi ayuu ahaa wax ka dhiman yihiin, dambca qaybo badan oo magaalada ah Biyaha in la geliyo wey u baahantahay taasna waxaan eegidoonaa qaybta labaad ee SDF, lakiin wax laga joojiyey ama dib looga noqday ma jiraan .” Ayuu yidhi wasiirka Qorshaynta.

Leave a Reply

*