Magalaada Frankafurt  ee Dalka  Jarmalka ayaa  Xalay Munaasibad Soo dhawayn ah loogu Sameeyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame  Jamac

Magalaada Frankafurt  ee Dalka  Jarmalka ayaa  Xalay Munaasibad Soo dhawayn ah loogu Sameeyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame  Jamac

Magalaada Frankafurt  ee Dalka  Jarmalka ayaa  Xalay Munaasibad Soo dhawayn ah loogu Sameeyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame  Jamac

Safar Laba Maalmood  oo  uu  Dalka  Jarmalka kuyimi ayuu Afhayeenak Madxwayne Muuse Biixi  Xalay Kulan kooban laqaatay Qaybo kamid  Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Frankfurt, halkaas oo ay joogeen Masuuliiyn kamida  Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka iyo Wakiilka Somaliland  u Qaabilsan Dalka Jarmalka Cabdifatax Cismaan Cigaal, hadalo soodhwayn ah   oo Masuuliyiintii Jaaladu  iyo Safiirku halkaas  kajeediyeen kadib waxana  isaguna hadal Kooban  goobta   kajeediyay   Maxamuud Warsame Jamac Afhayeen Madaxtooyada  Somaliland.

Waxa  uu siguud   uga hadlay Xaalada  Dalku hada kujiro iyo Doorka    Jaaliyada  Somaliland  kala  gudoboon waxana uu Guubaabo   iyo  in ay dalkooda   garabtaagaan ugu baaqay  Jaaliyada Somaliland  jarmalka, Isidoo kale waxa uu Goobta  kajeediyay Hadalo duurxul umuqaday oo Jaaliyda uga digayay in ay Taageeraan  Jananka  Somaliland   kagoostay ee Caare ” Hadii   100$  ee aad  dirtaan   Nabad  lagu  qaato  oo ay   Ehelkaagu Nabado kucunaan Nabadna Iskuulada kutagaan Adigana Duco  ayaa  kaaga  Soonoqonaysay Hadiise 100$   aad   Colaad iyo  idhibaato ku bixiso Adigana Habaar  ayaa  kaaga soonoqonaya, Wax kasta oo  laydiin sheegaa Run maaha ayaa hadalkiisa  kujirtay,  Qofka Xayndaabka  kabaxa meel ayaynu uga soo wada Jeesanayaynaa   oo u ogolaan mayno in uu Nadeena iyo Dalkeena waxyeelo u gaysto”

 

Sidoo kale waxa uu kahadlay horumar uu Sheegay  i uu Dalka  hada  kasocdo ,Sida  Wadooyin uu sheegay in Min Galbeed ilaa Bari laga dhisayo,

Isaga oo Qurbo  jooga  Siyaasada  Dawladiisa  Dhaliila uduur Xulaya  ayuu  yidhi halkan waxa  aan ku arkay  Qurbo Joog  kabaqanaya  Waraaqaha Boosta ugu  soo dhaca  iyo Ganaaxa  Baabuurta loogaliyo balse  marka ay Dalka noogu yimaadaan,  waxa  ay  leeyiin Wajiyo  kaKE ,  waxa  aan leeyay  sida aad halkan Sharciga a  u ilaalisaan  Fadlan  Nabada iyo Sharciga Dalkiina  u dhawra,  “Facebook live” dadka  kahadlaa inta   badan waxa ay sheegayaan waa Been,

Isla maanta ayuu Dalka   Jaramal  kadhoofayaa Afhayeen Maxamuud Warsame  Jamac  isaga  oo Dalka Sweden sii  mari doona inta aanu  Somaliland kulaaban 17 Bishan, intii uu Hadlayay marna kamuu hadal Sababta  Safarkiisa oo uu Dhawr Wadan isaga    kala gooshay mudo kooban oo  Qaarada yuurub Safar kujoogay, balse sida ay Somalilandlive Media dadka ka  ag dhowi usheegeen waxa uu Safarkiisu u badnaa  Qaraabo Salaan  iyo Tamaslayn   mana jarin wax  hawlo qaran oo  hada  Yurub  uyimi

 

Eid Aden

Frankfurt

 

Leave a Reply

*