Madaxtooyada  oo  kuwacad  furtay  Duur  iyo Sulub!

Madaxtooyada  oo  kuwacad  furtay  Duur  iyo Sulub!

Madaxtooyada  oo  kuwacad  furtay  Duur  iyo Sulub!

Waxa mudaba   soo jiitamay heshiis  gaara  oo ay Siciid Sulul iyo Siyaasi Duur, kunaa wilayeen in ay Xukuumada Muuse Biixi  kaga midnoqdaa  labadan Siyaasi  ayaa  qorshahan  soosocday mudu  6Bilood ah waxana dabada kariixay  shaqsiyaad ay Muuse  biixi isku Qabiilyihiin kuwaas oo   kamidnoqshada Xukuumada Muuse  Biixi ee Labadan Siyaasi u arkayay in ay wax katari doonto Kacdoonka Beelaha Garxajis kudiidanyiin Xukuumada Jeegaanta, Bishii Lixaad ee Sannadkan ayay Codsi Xil gudibiyeen Maxamed Nuur Carraale  iyo  Siciid Sulub  kuwaas oo Liiska Xilsugayaasha Xukuumada  Muuse Bixii kubiiray  wakhtigaas ay Codsiyada Xareeyeen ayaa loo Carrab laalaadiyay  waxana  ay Naawilayeen in  sida ugu Dhaqsaha badan ay Xukuumada  Muuse Biixi kaga midnoqdaan.

Balse  arinta  ayaa daba  dheeraatay iyada  oo  hadana  uba muuqata mid rajo Beel ah  Sida SomalilandLive Media Xogo gaara kuheshay  Duur iyo Sulub ayaa  Sugayay  Isku shaadahyn Lafilayay in Muuse Biixi Sameeyo   Bilawgii Bishii Dhamaatay Oktoobar taas oo hada  umuuqata in waxbadan dib uga dhacday wakhtigii hore loogu Qorsheeyay. labada  Siyaasi ee Duur iyo Siciid Sulub  oo kamid ahaa Xisbiga Waddani  ayaa Mudaba Xaalad laba Bogglayn ah kusugnaa iyaga  oon wax Istiqaalad ah kadhiibin Xilalka ay Xisbiga Waddani kahayaan balse hadana  ay Banaanka usoo baxday Naawilka iyo Quudaraynta  ay kaqabaan in ay Xilkaqabtaa Xukuumada Muuse Biixi.

 

Sida SomalilandLive Media   Ogaatay  Shaqaale Hoosaad  Madaxtoyada katirsan ayaa labada Siyaasi ee Duur iyo Sulub ku wargaliyay in ay Mudo dheer qaadan karto  wakhtiga Xil loomagacaabaa Arintan ayuu Cadho Xoogan kamuujyay  Siciid Sulub halka Duurna lasheegay in uu isagu  ku adkaystay kamid ahaanta Liiska Xilsugayaasha Xukuumada .

 

Musdanbeedka  ay Muuse Biixi Beelwadaagta yihiin ayaa Aaminsan hadii Duur iyo Sulub  kamid noqdaan Xukuumada  Muuse Biixi in  ay taasi wax katari karto  Gadoodka iyo Diidmada ay Beesha Garxajis kuhayso Xukuumada Jeegaanta balse  uma badna in laabda Siyaasi oon Miisaan Buuran kudhex lahayn Beelaha ay  kasoo jeedaan in ay wax kaqaban karaan Xaaladaha Cakiran ee Xukuumada Jeegaanta iyo Muuse Biixi Kugadaaman Xiligan.

Kayse Ahmed Muuse

Hargaysa SomalilandLive Media

Leave a Reply

*