Waxan daba socda dooddii maxamed Aadan Tarabi

Waxan daba socda dooddii maxamed Aadan Tarabi

Waxan daba socda dooddii maxamed Aadan Tarabi

 

Inta maxamed siyaad barre na faqash yahay cumar carte qaalib na siyaasi taariikh leh inoo yahay iyo inta la mid ahi anigu ma garan karo waxa aaynu rabno. Inta xasuuqii beesha isaaq lagu sameeyay in loo arko in isku reer ah in aay waddaan oo aan dawlad loo arag tusaale ahaan beesha daarood kuwii la shaqaynayay ee beesha isaaq ahaana in aaynu u arkaynaay bilaa danbi kuwii daroodna danbilayaal baaynu u aragnaay.

 

Waxa la inagu sameeyay xasuuq sax waa dhab tacadiyo aan yarayn baa inagu dhacay lakiin inaga lafteenu dawladii reer baaynu u aragneey reernimo na waaynu kaga dareen celineey kula dagaalaneey marka waa sababta garawgu meesha uga baxay oo waxa aad ku doodaysa reer ahaan baa naloo xasuuqay reer ahaana waan kaga falceliyeey marka reero is dileey baanu ahayn.

Marka aad eegto maxamed Somaliland waa dal balaadhan waxa aaynu tirsanayna waa wax dhab ah oo aan been ahayn lakiin ciddii inoo gaysatay maanta ma noola mana garanayo cod siyaad barre iyo Cali samatar ka Wakiil ah oo halkii u saraysay ah Somaliland ma aay samayn baadhis ah yaa amarada bixiyeey ma siyaad barra bixiyaay ma Cali samatar baa bixiyeey ma ina laxwas baa bixiyay ma kulmiye afrax baa bixiyay ma ina saleeban dafle bixiyay ma cumar carte qaalib baa bixiyay mise sarakiisha ciidanka ayaa iskood u bixiyaay xasuuqa.

Marka aaynu doonayno in aaynu dal ahaano marka dalka Somaliland beesha isaaq lala dego marka aaynu ogneey in kuwii siyaad barre la shaqeeyay inaga kuwa ka mid ahi inaga soo jeedan oo aynaan danbiilayaal u haysan. Marka aay jiraan kuwa wax inoo qabtay oo dawlada lafteeda siyaad waxaso dhib ah ku tageersana marka aay jiraan dad aan xil ba hayn oo dawlada la dhacsana maanta na Somalilander ah oo iyana kuwa ka mid ahina ciidan ahaa oo xaga ka soo safna.

Maantana dalka kula leh oo sidii u tageersan in aad mid noqataan na aad rabto oo dal wadda yeelataan marka aad ogteey in kuwa ka mid ah oo dalka kula leh xasuuq iyo caddalad darro ba maanta Somaliland ka tirsanayaan dawlada Somaliland na u arkaan reer sidii aad dawladii siyaad aaynu reerka loogu arkaay, saw maaha in aaynu xasuuqa taariikh uun ka dhigano oo aaynu aqoonsiga ku saleeyno rabitaanka ummada.

 W/Q  Sharmaake Cabdi  Laki Qolanbi

Leave a Reply

*