Maxaa la gudboon Qoraa Guri Barwaaqo si uu u difaaco Buugiisa SOOYAAL?

Maxaa la gudboon Qoraa Guri Barwaaqo si uu u difaaco Buugiisa SOOYAAL?

Maxaa la gudboon Qoraa Guri Barwaaqo si uu u difaaco Buuga SOOYAAL?

Bishii sagaalaad 2012 ayuu soo baxay buuga SOOYAAL,Ina Cabdale Xasan ma sheekh buu ahaa mise ……? wakhtigaas usoo baxay waxaan ka mid ahaa dhawr qof oo gorfeeyay una arkayay dhigane taariikheed horeba loogu baahnaa, walina waxaan aaminsanahay inuu yahay dhigane taariikh mug weyn xambaarsan oo dheeli tiray taariikhdii halka dhinac ahayd.
Beesha Daarood qoraayo u dhashay ayaa wakhtigii usoo baxay buugu aad uga cadhooday, waxaanay naqdin dhaliilo ah kusoo qori jireen dagalka www.wardheernews.com, Sobobaha ugu badan ee ay buuga u dhaliilayeen waxaa laga dhadhansanayay iyagoo difaacayay taariikhdii la majaro habaabiyay halka dhinacna ahayd ee dawladii Siyaad Bare maaalgalisay Soomaali meel ay joogtanaa dhagaha loogu shubay.
Sayid M Cabdale Hassan wuxu ahaa hogaamiye umadeed waxaanu lahaa dhaliilo iyo wanaag , labadiisii sifo wax waa laga qori karaa, Tognaantiisii in badan ayay qorayo Soomaaliyed ku talax tageen oo buunbuuiyeen, xataa ay gaadhsiin gaadheen Nabinimo. waxayse ka isko indho tireen sifiihiisii qaldanaa ee dad badan ku diidanaayeen, marka laga yimaado qoraayadii shisheeye.
Buuga SOOYAAL wuxu dheelitir u noqday taariikhdii halka dhinac ahayd, waxa uu garnaqsi u noqday maatadii Sayidka iyo kooxdiisii daraawiish ay sida axmaqnimada ah u gumaaday, waxa uu garnaqsi u noqday dadkii xoolahadii inta la dhacay la xalaashaday, waxa uu garnaqsi u yahay dumarka uu sida xun ula dhaqmi jiray Sayidka iyo kooxdiisa Daraawiish, waxa uu garawshiyo u noqday bulshooyinkii Sheekh iyo shaariif lagu sheegay Gaalo-raac, dhiganuhu waxa uu soo bandhigay bulshadii Sayidka kasoo horjeeday inay jirtay sobobo ay uga soo horjeedsadeen oo ay ugu waynayd inay ka arki waayeen dhaqaan Islaam iyo mid Soomaali labadaba.
‘Muslimnimo nimaan kugu dhaqayn muuminimo khaas ah
Gaal maxasta kuu dhawryadood magansataa dhaama’ Ahun Cali J. Haabiil.
Taariikhdu asalkaba laba kooxood uunbay saamaysaa koox soo dhawaysa iyo koox ay la qadhaadhaato, inta badan ma dhacdo in taariikh laba dhinac wada raali galisaa, muhiimna maaha in iyadoo dhinac la tixgaliyo indhaha laga qarsado dhacdooyin run ah, waxaase muhiim ah in taariikhda jiritaankeeda la tix galiyo miisaanka qiimaynta, naqdinta, dhaliilasha ama soo dhawanaynta cabirka laga duulayaana uu ku arooro, Maxaa run ah maxaa been ah, maxaa caqliga ka fog oo male-awaala!
Yaasiin Cisman Kenadiid waxaa uu buugiisa la yidhaa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” Boga 245 aad ku qoray Gabay aad cay foolxun ah oo Sayid M. Cabdalle Hassan u tiriyay Caasha Kenadiid oo la dhalatay boqor Cismaan Kenadiid isla markana Sayidka u dhaxday; gabaygaasi waxa uu dhignaa sidan;
”Nimanyohow si daran buu qalbigu ii saddimayaaye
Sirqadii uu dhalay keenadiid sawdka laga keenay
Iyo silica ay tahay dhilladu waa si kala dheere
Saadada intay caayi iyo subacyadii diinta
Intay nimanka saalixiyada sare u keeneyso
Sibiisheeda ay kala wadhwadhi sacabka may saar to
Suyuceeda uri baa wadnuhu nala sureeraaye
Sunnaadheeda waa lagu bakhtiyi madax sanbiilleeye
Sanka waxa iga galay dooraday nagu sammuutaynne
Siilkeedu saaxaha ka weyn sina qabaalleeye
Waxay ugu saftaan sidii horweyn kaalin loo simaye
Soddon dowlis baa lagu shubaa saacad iyo leyle
Ilko suruqa bay leedihiyo foolal saawirahe
Sanbab weeye ceedhin afkii suuliga ahaaye
Sullankeed la naar waa waxay sabuhu dhuuqaane
Waxa saarta soomaalidii saaruqa ahayde
Sarkaalkiyo subeydaarradiyo sowjarkaa kuda e
Maxaan siil qadhmuun kala hadlaa waaba saaniyade”
Yaasiin Cismaan Kenadiid kama uu xishoon, indhana kama qarsan inuu kusoo daabaco buuugisa ”Ina Cabdille Xasan ela sue attivita lettetaria” tuduca kor ku xusan, Iyadoo gabadha gabayga lagu caayay ehelkiisa dhaw ahayd gaar ahaan edadii aabihii la dhalatay, sobobtu waxa weeyi waa taariikh dhab ah oo meel laga maraa aanay jirin, waa gabay run ah oo caqliga caadiga ah inama siinayo in Cisman edadii ka been sheegay. Yaasin Cisman Kenadiid edadii Casha Kenadiid waxay ahayd dhibane uu Caayay wadaad mahdi sheegtay. Qof dhibane ah dhibkii loo gaystay in la qariyo iyadoo cid kale la raali galinayaa ama laga xishoodaa waa cadaalad indho xidhan, waxaanay dhiirigalin, garab iyo gashaan u noqonaysaa dulmi falaha!
Buuga SOOYAAL waxa uu ka kooban yahay 224 bog, qoraagu waxa uu ku dadaalay hubinta taariikh walba jiritaankeeda, isagoo adeegsanaya tixraacyo, tixraacyada uu qoraagu kusoo xusay buuga gudihiisu waa 120 tixraac (Referene) oo kala duwan. ”Maan rag waa muducyo afkood” Ficil kasta oo qof sameeyo dadku waxa lagala kulmaan dhaliil ama bogaadin, Inta badan Buug kasta oo la qorona naqdin ayaa ka daba timaad, naqdintaasi waxay ukala baxdaa mid laga garaabo iyo mid la difaaco,Buuga SOOYAAL oo ka kooban 224 waxa uu kala siman yahay buugaagta kale, naqdintiisuna way banan tahay, waxaase ceeb ah buug ka kooban 224 bog in hal bog ama laba bog oo kusoo baxay nuqulkii koowaad loo gubo waxaa ka wanaagsan in halkaas bog iyo wixii kale ee naqdintooda laga garaabi karo la saxo daabacaada danbe,
Ka waran iyadoo cid la raali galinayo hadii la yidhaa Taariikhdii Siyaad Bare wanaagiisa uun hala qoro hana la iska indho tiro wixii jariimad ka dhacday Somalia gaar ahaan Gobolada Somaliland? Ka waran hadii la yidhaa wixii taban ee laga qoray Siyaad Bare hala gubo? Ka waran hadii la yidhaa Al shabaab iyo wixii jariimad ay gaysteen halaga gaabsado wixii buunbuunin ahna waa laga qori karaa?
Guri Barwaaqo waxa uu buuga boga 94aad ku sheegay in X. Guuleed dhoolayare uu ku xilo furay in uu tirayay gabayga lagu caayay gabdhaha Ciidagale, balse hadana xukun ku dhacay, halka ay sartu ka qudhuntayna waa halkaas in X. Guuleed Dhoolayare uu dafiray gabaygaas qoraaga laftisuna xusay! waxaa seegtay qoraaga inuu ka dhawrsado gabayga kol hadii uu diiday qofkii tiriyay madmadawna galay, Lakin dhacdo run ah ka gaabsigeedu waxay fursad u tahay kuwa dulmi falaayaasha ah, sidaas darteed in taariikh ama ficil kasta oo dhacay xumaan iyo wanaag toosh lagu ifiyaa waa mahuraan.
Qoraagu waxa uu buuga cutubkiisa 8aad kusoo qaatay aflagaado rag, dumar iyo reeraba ay abwaano u tiriyeen, qoraagu Gabayadaas uma soo qaadan isagoo bogaadinaya in la caayo dumar, rag,reero toona! taa badalkeeda aad buu ugu dhiidhiyay isagoo axaadiis iyo aayado soo daliishaday, waxaanu soo bandhigay xukunkii bahdilaadii ay mutaysteen Abwaanadaasi, halka Sayidku dumar caygii ku mutaystay amaaan. Marka ujeedada qoraaga la raaco caqli fayawna lagu eego waxa la odhan karaa qoraagu waxa uu difaacayay dumarka, raga iyo reeraha oo lagu caayo gabayo , waxaase majaro habaabiyay dad leh dano.
Lix Sano kadib soo bixitaankii buuga naqdintan soo laba kacsalaysay waxay la kawsatay Wasiirnimada Guri barwaaqo waxaana laga dhadhansan karaa dano shaqsi,dano reero,dano mucaarid, dano gobolo, in badan oo kamid ah dadka naqdinayaana buuga ma ay akhriyin, In badan oo ka mid ah waxay akhriyeen hal bog ama laba bog oo lasoo sawiray laguna baabhiyay baraha bulshada, In badan oo ka mid ah dhaliishoodu xilka iyo shaqada wasiirnimo ee qoraaga ayay ku lamaan tahay, In badan oo ka mid ahi waxay ugu soo gabanayaan dhaliisha xukuumada, In badan oo ka mid ahi Somaliland ayay ku wasakhaynayaan!
Guntii iyo gagabadii go’aanka guurtida ee amraya in la gubo buuga SOOYAAL, waxay xadidaysaa xoriyada qoraalka iyo fikirka, Qoraagu isagoo aan xil qaran ahayn waa inuu difaaco buugiisa iyo karamadiisaba, intase uu xilka hayo way ku adkaan doontaa inuu difaaco, waxaanu ka noqon doonaa daawade gubitaanka Buuga SOOYAAL. Mase haboona in qoraagu sidooda ku liqo dhaliilaha danuhu hagayaan ee buuga ku wajahan, daawadena ka noqdo dhigahana qiimaha leh ee tacabka iyo fikirku ka galay in la gubo, markhaatina ka noqdo.
Hadaba si uu u difaaco waxaa haboon inu iska casilo xilka wasiirnimo isagoo shaqsi ahna difaaco buuga SOOYAAL iyo sharaftiisa qoraanimoba, Xilka wasiirnimo waxaa ka wayn, kana mudan mihnada iyo Buuga oo maktabad taariikh umadeed ah qarniyona jiri doona. laba bog oo kala sixi karo waxaa ka balaadhan taaariikhda weyn ee buugu xanbaarsan yahay.
‘Wixii la qoraa quruumo hadhee muxu hadal qiimo leeyahay’ Abwaan Hadraawi’
Fu’aad Abdillahi Hassan

www.qalimaal.blogspot.com

Leave a Reply

*