Soomaalidu waxay u baahan tahay Hoggaamiye la mida Abraham Lincoln. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi.

Soomaalidu waxay u baahan tahay Hoggaamiye la mida Abraham Lincoln. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi.

Soomaalidu waxay u baahan tahay Hoggaamiye la mida Abraham Lincoln oo runtii aan ahayn falciye balse ahaa fal curiye. Abraham Lincoln sida uu u xalliyey dhibaatooyinkii la soo darsay xilligiisii waxay ku tusaysaa inuu ahaa Hoggaamiye dhalad ah ee aanu ahayn afmiishaar erayo bowsaday sida ragga qaar.
Abraham Lincoln wuxuu xal ka ka gaadhay dagaalladii Koonfurta iyo Woqooyiga Maraykanka. Wuxuu meesha ka saaray in la addoonsado dadka madaw. Wuxuu ku guulaystay Midnnimada Maraykanka isagoo meesha ka saaray 13-kii gobol ee Confederate Stateska la baxay kuwaas oo rabay inay ka go’aan Maraykanka intiisa kale. Waxaanu dib u dhisay Maraykanka weyn ee macnaha kuleh adduunyada maanta. Waayo Soomaalida u baahan Abraham Lincoln? Innaga… Innagee..
Qaddiyada ugu weyn ee Soomaalida hortaallaa waa qaddiyada Soomaalilaan, qaddiyada labaadna waata deegaanka Soomaalida Itoobiya oo murankeedu aanu marnaba dami doonin inta aan xal kama danbays ah laga gaadhin. Jilayaasha siyaasadda Soomaalidu waa laba nooc midi waa midnnimo doon, siday sheegaan, midina waa goonni goosad. Kuwa goonni goosadka ahi doodahooda waxaa kamida XASUUQ. Haddaba markaad fiiriso dacwaddan iyo dooddan ma tahay mid midnnimo doonku ka garaabay, amase diidey oo beeniyey? Aniga aragtidayda lagama garaabin waxayna u badan tahay inay been u haystaan.
Africa waxa ugu dhibaato xumayd Rwanda oo xasuuqii ugu xumaa ka dhacay. Laakiin Rwanda laba si ayaa looga gudbay dhibaatadaas. 1. Paul Kagame sida uu marar badan sheegay wuxuu ahaa madaxweyne xigeen ahna Wasiirka difaaca isagoo ka soo jeeda dadkii sida bahalnnimada ah loo xasuuqay ee Tutsiga. Wuxuu kaloo ahaa 1994- illaa 2000 Hoggaamiyihii ugu saamaynta badnaa ee Rwanda. Sida uu sheegayna isagaa sabab u ahaa cafiska iyo midnnimada Rwanda.
Laakiin yaa la cafiyey? Lama cafiyin kuwii danbiga geystay waxa is cafiyey shacabkii dhibaatadu dhex martay. Markaana?
Maxkamada Caalamiga ee danbiyada Rwanda ayaa ku xukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda Augustin Bizimungu sodon sono oo xadhig ah isagoo lagu eedeeyey qaybtii uu ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994kii. Wixii danbiyada galay reero may noqonine waa la eedeeyey kadibna waa la xidhxidhay. Innagana tollaayeey…!
Laakiin dacwadda Hargeysa taallaa iyo midda Rwanda way kala duwan yihiin. Hargeysa beeli may xasuuqin beel kale sida Rwanda Hutu iyo Tutsi isu xasuuqeen oo kale maaha. Xukuumad baa na laysay weeye dacwaddu. Adiga ma xukuumaddii ayaad tahay? Maya, adiga miyaa lagu haystaa? Maya, laakiin een.. een.. ninkaas la dacweynayo isku reer baannu nahay.! Ila qabo oo Maxkamad ila gee ha is difaaco eedeysnuhuye, een…een. maya looma dhawaan karo ninkaas. Haye maxaynu yeelnaa oo xal ah? Ayunu midowno oo walaalowno macal isaga ninkan ku xasuuqay laftarkiisa aynu is wada jeclaanno. Oo is cafinno. Ma ila socotaa?
Bosnia raggii ku eedeysnaa Maxmamadda adduunka horteeda ayaa la soo taagey, kadibna sun bay ku hor liqeen Maxmamadda horteeda markay arkeen inaanay badbaadayn waxaa kamid ahaa. Slobodan Praljak, a commander of Croat forces during the 1990s war in Bosnia.
Ceeb maaha in qof la soo eedeeyo oo Maxkmad la geeyo, oo uu isdifaaco ama lagu helo ama lagu waayo laakiin waxa ceeb ah in eedeysane reer noqdo oo loo arko in reer loo jeedo.
Midnnimo doonku maxay la yimaaddeen? Ugu yaraan markaad xal raadis tahay waa inaad la timaaddo Qiraal aad qirto wixii laguu sheegto ama lagugu haysto ee markhaatiga leh. Garawshiiyo ayaa ah albaab kasta oo mudduci iyo madaacali isku hor fadhiisan karaan.
Aragtida Xamar taallaa waa Soomaali waa islaysay, laakiin waayo Soomaalida islaysay? 1991-kii ma Hawiye ayaa Daarood Muqdisho ku ugaadhsanayeybaa laga wadaa? Mise dagaalkii afar biloodka ahaa ee Abgaal iyo Habargidir ayaa loola jeedaa? Mise Hoggaamiye kooxeedyadii xaafadaha Muqdisho ka talin jiray baa laga wadaa? Waayo Soomaalida islaysay?
Hargeysa labada aragtiyood ee midi tahay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa na xasuuqday waan ku taageersanahay inaan laga hadhin ee lagu xisaabtamo, ceeb maaha, cuqdad maaha, cay maanha ciil-qabna maah, laakiin waa isla xisaabtan adduunyadana hore uga jiray kana jiri doona. Dadka midnnimada raadinaya diyaar uma aha illaa iyo hadda run  aynu xisaabtanno. Hargeysi diyaaradihii duqeeyey beeli may wadanin, beelana laguma haysto. 47-kii qof ee Xeebta Jaziira lagu laayey beeli may dilin beelana laguma haysto.
42-kii qof ee Burco lagu dilay reer ma laynin, reerna laguma haysto. Maxaa keenaya in la oggolaan waayo in la sheego wixii dhacay? Maxaa loo ceebsanayaa haddii la xuso oo laga sheekeeyo.
Maxaa loo waayey qof qudha oo aqoonyahan ah oo xataa hadduu dood ka qabo si caafimaad qabta uga hadla. Ugu danbeyn waxaan taageerayaa in la dhiso astaan kasta oo muujinaysa dagaal iyo dhib Soomaalida ku soo dhacday si loo xasuusto oo caruurteenna ay Mustaqbalkooda danbe uga feejignaadaan. Civil War Museum meel kasta adduunyada uu ka jiraa laakiin waa inuu ahaa run caddeynna wato.
Anigu xalka waxaan u arkaa oo Soomaalinnimaduna ku jirtaa.
1. Inaynu eedeysnayaasha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan oggolaanno in la maxkamadeeyo.
2. In la abuuro isfaham dhaw oo ISAAQ iyo Daarood ah maadaama muranka siyaasiga ahi uu salka ku hayo xatiiltan hoose oo u dhexeeya beelahan.
Haddii aynu eedeysnayaasha Soomaalida maxkamadeyno reerna gun noqon maayo, reerna gob noqon maayo.
W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

Leave a Reply

*