Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey In Lacagtii Horumarinta Gobolada Barriga La Musuq-maasuqay Iyo ilaa Masaajidka Madaxtooyadda Oo Gashay

Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey In Lacagtii Horumarinta Gobolada Barriga La Musuq-maasuqay Iyo ilaa Masaajidka Madaxtooyadda Oo Gashay

Hargeysa(SLL) Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in la leexsaday 2% miisaaniyada ugu jirtay gobolda bariga in lagu horumariyo, waxaanu xusay in masaajidka Madaxtooyada ku dhex-yaal laga dhisay Lacagtaas loogu talogalay horumarka Gobolada Bariga ,

Xildhibaan Buubaa oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi”Inay jirto dhibaatooyin farabadan oo soo jireen ahaa ilaa iminkana aan xal loo helin loona baahan-yahay in xal guud loo helo oo ay kamid tahay 2% Gobolada bariga, markasta oo golaha la horkeeno miisaaniyada waxa lagu ansixiyaa iyadoo talooyin la raaciyey ilaa 2011-kiiba ahaydna talooyinkaasi inla mashaariiceeyo oo aanay 2%-kani noqon wax si guud siyaasadeed uun loogu bixiyo ama meelo ka baxsan gobolkaba lagu isticmaalo kharashkaa loo ururiyo ee 2% ee cashuurta Ganacsatada alaabta degadaha kalasoo degaysa loo saaray in gobolada bariga horumarkooda lagaga qayb-qaato.” Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa .

Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Iyo dabagalka Hantida Qaranka Xildhibaan Ibraahin Buubaa ayaa sheegay in Masaajidka Madaxtooyadda laga dhisay lacagtii loogu talogalay in lagu horumariyo gobolada Bariga dalka “Waxa soo baxday oo aanu wasiirka hordhignay oo aananu cidnaba ka qarinaynin in Masaajidka Madaxtooyada ku yaala 2017kii laga dhisay laga dhisay Gobolada Bariga, taasi oo ah waxaan loo baahnayn.”

Waxa kale oo uu sheegay Xildhubaan Buubaa inay wasiirka maaliyada isla qaateen in Lacagtaas lagu fuliyo wixii loogu talogay, isla markaana aan mar dambe la duwin.”Waxaanu isla garanay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo tiimka la socdaba in aanay dib u dhicin sanadada soo socda ee 2019-ka 2%  Gobolada bariga in aan waxaan iyaga ahayn oo horumarkooda ahayn aan lagu isticmaali karin lana joojiyo qaladaadka sharci ee sidii miisaanayada golaha looga ansixyey si aan ahayn looga isticmaalayo .

Docda Kalene Guddii hore ee ilaalinta Iyo dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa sanadkii hore qoraal ay soo saareen ku sheegay in la leexsaday lacagtii horumarinta Gobolada bariga, waxaanay sheegeen in wixii wixii loogu talogalay waxaan ahayn ay ku baxday lacagtaasi sanadkii 2016kii. waxaanu

  1. 2% ee Gobalada Bari (sub-head: 26501):Waxa sannadahii ugu dambeeyey Miisaaniyada Qaranka lagu daray waxa loogu yeedho 2 % ee Gobolada Barriga. Haddaba mudanayaal lacagtan waxa lagu kharashgareeyey waxyaabo fara badan oo aan ahayn meelihii loogu tala galay. Sidaas darted, waxaannu halkan idiin ku soo gudbinaynaa  iyadoo faahfaahsan iyo sidii loo isticmaalay kharashkii ku jiray 2%, iyada oo shaxaysan.

 

 

 

PV Lacagta Magac Qaadaha Faahfaahin
49/6 190,929,000 Abshir Xasan Xaashi Gaadiid loo iibiyey agaasimaha Madaxtooyada
146/6 373,372,000 Gud. Jaamac Salaan Iib laba gaadhi oo bas ah
319/6 363,717,320 Marxaba General Trading Kharash Dhisme saldhig, garoon,D/hoose Deg. Xuddun
388/11 1,329,360,000 Ag. Xisaabaadka Madaxtooyada Hawlo siyaasadeed
979/11 431,200,000 Goray Construction Dhisme Dugsi, Xarun Caafimaad – Laascaanood
899/11 331,398,000 Abdi Mohamed Xaashxaash Dhisme saldhig police tuulada Awrboogays
980/11 96,000,000 Eng. A/risaaq Falaluug Dhisme laami 6Km- Laascaanood
769/11 800,000,000 Caarshe Construction Co. Dhisme xarunta RRU-da Gobolka Sanaag
1027/11 132,936,000 Xog. Madaxweyne ku xigeenka Hirgelinta arrimaha siyaasadda
632/2 299,106,000 Maxamed Adan Cali Iib gaadhi dabdamis Gobolka Sool
153/4 269,940,000 Alabaraka Construction Dhisme Saldhig Police ee tuulada Dharyaalay iyo Dhagaxdheer
403/4 834,715,000 Marxaba general trading Roogga garoonka kubadda cagta Laascaanood
120/8 990,730,000 Marxaba general trading Roogga garoonka kubadda cagta ee Laascaanood
2116/12 192,798,000 Shirkadda Obsiiye Construction Dhisme lagu kordhiyey garoonka degmada Xuddun
557/4 46,530,000 Eng. Yusuf caynab Muse Dardar gelinta arrimaha siyaasadda
424/5 878,209,800 Safe Way Travel Tigidho safar dabadeed oo xukuumaddu isticmaashay.

Leave a Reply

*