Habeenku Siyaad Barre Dibjirey waa 26/1/1991

Habeenku Siyaad Barre Dibjirey waa 26/1/1991

 

Baraha bulshada iyo websit yada qaar kood ayaan soo dhigay maqaal ka hadlaayey culimadii uu Siyaad Barre dilka toogashada ah ku fuliyey 23/1/75. Maqaal ku wuxu soo baxay sand guuradii 44 maalinta culimadu shahiideen iyaga oo aan dembi galabsan. Waxa kaliya ee lagu haystey waxay ahayd inay diideen hergelinta xeerka qoyska ee Siyaad Barre malmaluuqay. Xeer ku wuxu toos uga hor imanaaya Sharciga Alle.’

Siyaad Barre wuxu maamul kiisii ku suntana mid: macangagnimo, arxandaro, iyo cabudhin. Wuxu dhaqan ka dhigtay inuu shuruuc soo saro aay hay’adaha aduunyada ku hawlan xuquuqda qofa aad uga qayliyeen. Qofka Somaliyeed waxa uu ku noola xaalad aad u adag oo aanu xataa kor u odhan karayn waan dhibanahay.

Siyaad Barre himiladiisu waxay ahayd oo qudha inuu midiidin ka wada dhigo, oo qalad kasta uu sheego ama ku kaco aan waxba laga odhan baqo awgeed. Camal ka looga bartay wuxu ahaa: dil, xabsi dheer, jidh dil, dhac iyo dhaxl wareejin, iyo hadimo joogta ah oo aan loo kala aba yeelayn sheekh iyo shariif iyo tuug toona.

All wuxu qadaray, nin kii siduu shabeel yahay Somali oo dhamay ka cabsanaysay, 16 sano markay ka soo wareegtey maalintu culimada laayey, in inamo dhalin yara ah oo AK sitaa, qasarigii madax tooyada ugu soo galaan, iyagoo rabaa inay sidii Qadafi oo kale ka yeelaan

Qasrigii madax tooyada ee aan cidi u soo dhawaan jirin, ee ciidamo kala dambeeyaa ku xeernaan jireen, isagoon cid uuku gabadaa aanay joogin, ayuu Siyaad Barre taangi goor galaba ku baxsaday 26/1/1991. Habeen kaa meel miyi ah oo waaqle ah ayuu ku dibjiray, markee dambe uu isaga iyo intii la socotey fadhiisin ka dhigteen isagoo cid u maciintaa aanay jirin oo cabsiyi u dhamaatey. Abwaan reer Burco ah ayaa maalmaha xaalada gabay ka tiriyey haldhigiisu ahaa:

“Caawaba odaygii haduu dibjirey, waan ka aar saday.”
Ayaantaa Siyaad Barre Moqdisho uu ka cararey, waxan xasuutey heestii abwaan Axmed Saleeban Bide uu hore u tiriyey:
“Dhaaxaad ladnaydood sidaad aar libaax tahay, talaabada la dhaysee,
Waadiganse liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee
Liibaanteed aduunyada qofna laasan maayee maxa lurey naftaadi.
Siyaad Barre ku sii dheeraan mayo oo waxa igaga filan aayadan:
وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ خَيْرٌ لِأَنْفُسِهِمْ ۚ إِنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ لِيَزْدَادُوا إِثْمًا ۚ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُهِينٌ. آل عمران آية 178
Xadiith ka Rasuulkuna (S.C.W. Salam) waa:
عن أبي بكرة-رضي الله عنه- أن رجلا قال:يا رسول الله أي الناس خير؟، قال :” مَنْ طَالَ عُمُرُهُ،وَحَسُنَ عَمَلُهُ”، قال: فأي الناس شر؟ قال :”مَنْ طَالَ عُمُرُهُ وَسَاءَ عَمَلُهُ”. رواه الترمذي وصححه الشيخ الألباني
Rasuulku wuxu yidhi dadka waxa ugu wacan qofka cumrigiisu deeraado ee camal kiisuna wacnaado; waxaana ugu xun qofka cimrigiisu dheerado ee camal kiisuna xumaado.
Dadka qaarbaa ku murma “ Siyaad Barre nin wacan buu ahaa”. Kuwa meelahaa hadalada cayn kaasa ku celceliya waxan u sheegayaa inay dib ugu noqdaan xaaladu siday ahayd marku xukunka xooga kula wareegey, iyo xaaladu siday ahayd markii la iska dhiciyey.
Maalintii October 21, 1969 ee uu Siyaad Barre uu af-gambiga sameeyey, shanta Somaliyeed oo dhami way ogolaayeen, meel qudha ayaa loo wada jeedey. Xurnimo iyo midnimo Soomaliyo dhan ah ayaa la higsanaayey. Waxa qudha ee ay dadku cabanayeen wuxu ahaa musuq maasuq baahay oo maamul kii markaa jirey xalaalaystay; dhib kale oo jirtey majirin. Arinkaana waa la maarayn kari laha ayadoon xabad la isu qaadan oo doorasho iyo codayn ayaa ayaa xaladaa lagaga bixi laha..
Maalintii Siyaad Barre xukun laga tuurey, wuxu katagey:
1. Somaliyoo qabiilo-qabiil, reer-reer, jilib-jilib, qoys-qoys uu colaad dhex dhegay oo aan qof-qof bixinayn isaamin daayoo;
2. Maxkamad wareegta (maxkamadii Gani iyo qar la mida) oo dadka boqolaal tobanaan shacbiya into la iska soo qabsado dhakhso dil lagu xukumo, isla markaana goobta lagu fuliyo, hantidoodana lala wareego oo ila hada aan waxa loo sheegtey qoysas koodi garnayn oo weli weeran;
3. Gobolo dhan oo xaga dhaqaala laga curyaamiyo oo hanti doodii dawladu dhac iyo xoog iyo boob kula wareegtay, kii juuq yidhina bartaa lagu toogto;
4. Qabaa’il dhan oo xasuuq lagula kacay oo aan oday, habar, rag iyo dumar iyo caruur madaafic, kare, iyo diyarado loo adeeg saday;
5. Somali qaxday, wadamadii colaada taariikhda ahi ka dhaxaysa magan gelay ;
6. Magaalooyin dhan oo la baabiiyey oo guri qudha oo bad qaba loogu soo noqon,
7. 500,000 qof oo meel lagu sheego aan la garanayn meel lagaga waramo oo iskugu jira xasuuq iyo in baadan oo kale firdad, barkac, qaxooti iyo darxumo u dhintay iyo xabaalo wadareed weli intooda badan meel loogu hagaago aan la garnayn.
8. Midnimo Shantii Somaaliyeed daayo labadii hore isu raacay oo kala go’ay ;
9. Wuxu gooyey duntii wada dhalsho iyo wadaninimo ee dhadka Somaaliyeed isku haysay.
10. Khilaafka illaa maanta kataagan Jamhuuriyadee Somaliyeed ee la isla af-garan la’yahay waa xumaatadii uu berey midho heedii.
Waxa inagaga filan Siyaad Barre weedhiisii : « markaan xukunka ka dego, dal waa la iga dhaxli, laakiin dad la xukumo la iga dhaxlimaayo ». Waxan cadaynayaa inaanu dal dhisan oo midnimo iyo horumar higsanaayey inuu baabiyey oo maanta Caalmka ay Somalia ugu jirto hal beega siyaasada xun oo dhan.
Maxaa lagu xusustaa Siyaad Barre?
Xumaan oo dhan.
Allaa ina tusay khatumadiisii. Isaga oo gaboobay oo aan cidina bixinayn ayuu qaxooti ku tegey Nigeria oo uu guri ku xidhna cabsi awgeed. Xaaladaa isago ku sugan ayey naftu kaga baxday aqalkii u ka deganaa magaalada Lagos 2/1/1995.
Siyaad Barre iyo dad kii u laayey waxay wada sugayaan cadaalda Alle, maalinta la odhan doono:
سورة التكوير “وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ٠ بِأَيِّ ذَنْبٍ قُتِلَتْ”
“يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا”
سورة النباء

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 Qaalinkii Saeed Sheikh Mohamed

 

 

Leave a Reply

*