Madaxwaynaha Somaliland oo Umada ku horqaawiyay Maayir kuxigeenka Hargaysa

Madaxwaynaha Somaliland oo Umada ku horqaawiyay Maayir kuxigeenka Hargaysa

in aad Aniga iga hor Guulwadayso maaha  waa in aad Umada wax u Qabataan!

SLL/ Waa Siyaasi Cagobaruur ah Socod barad ah hadana Jihadu kahalawsantay waa Xilkii ugu horeeyay ee uu Siyaasad kaqabto   waxana  uu Noqday   Xildhibaan Deegaan, in ladoorto lafteeda ayaa  Taariikh gaara lahayd waxana   Usabab ahayd Dayn  iyo Lacago ay  hooyadii kuyeelatay Madaxdii Dawlada hoose  Wakhtii Maayir Jiciir,    waxana lagayaaba in ay qayb  ka ahayd qorsha,aanta Nololeed  markiiba laga  arkay.

waa Xildhibaan  aan  habayaraatee   waxtar kula laaban deegaanadii laga  soodoortay, Badalkeedana waxa  uu ku Caanbaxay Guulwadayn Xadhkaha goosatay oo Mararka Qaarkood lagaba  Yaxyaxo,

Isaga oo Madaxwaynaha lahadlayu ayuu yidhi “Abti Abti  kusoo dhawoow Deegaan lagaa Jecelyay!

waa uu sii hadlayo uu  yidhi  Anaga oo Amarkaaga Fulinayna Amarkaaga ayaanu Halka kaqabanay Horumar Balaadhan” Waxase Beeniyay Oday kamid  Gudidada Saylada oo    Kahor yidhi Madaxwayne Taangiyadaa Kuumuuqda  ee Halkaas Lasaaray waa  Ishaafalato  iyo Been Cad   Tif biyo ah laguma shubo  waa Taangiyo madhan halkan Maalinkasta  60 Neef oo Xoolo ah ayaa  Haraad ugu Dhinta  Wajiga  ayuu   Isgaliya Maayir  kuxigeenka oo Hadalkiisi hore toos loogu  horbeeniyay.

Muuse Biixi iyo Garxajis

Intaas  kadib ayuu Madaxwaynuhu Qoorta soo Qabtay isaga  oo ay Hareero tubanyiin Boqolool Qof waxana uu  kuyidhi Dadka  aad Horjoogtaa  waa kuwii kusoo doortay  maanta  waad ogtay in Wakhtigi kaadhamaaday hadii aad iyaga  Qancin waydo  ayaad  Rabtaa in ay   kusoo doortaan  In  aynu  inagu isku Guulwadayno maaha  waa in  aynu Qancinaa  Dadka  ina Soodoortay, ” Inta uu Madaxwaynuhu Hadallayo isna waxa uu kahoos leeyay Haye Haye  Waa Run Haye Waa Run.

Isaga oo Madaxwayne  Muuse Biixi  Xasuusinaya Maayir kuxigeenka    Aqoonla,aanta kahaysa Xilkiisa ayuu yidhi   Adigu Askari  matihid Amarka Kaqaata  Taliye  waxa  kula  Xisaabtamaya Dadka  kusoodoortay  Halka  Askariga Khaldama  Taliyihiisu laxisaabtamo.

Ina Cawagawayne   ayuu Madaxwayne Muuse Biixi  ku Horqaawiyay Boqolaal Dadkii  kunoola Deganaada  laga soodoortay  ee Caasimada Fadeexadan Qabsatay Maayir kuxigeenka Hargaysa ayaa sidoo  kale waxa Maadays   kadhex Abuurtay Baraha Bushada Somaliland

Leave a Reply

*