Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Saldhiga Berbera Ay Ka Kireeyeen Imaraadka Carabta Iyo Wasiir Sacad Oo Sheegay in Aan La Kirayn Ee Loo Hibeeyey Imaraadka

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Saldhiga Berbera Ay Ka Kireeyeen Imaraadka Carabta Iyo Wasiir Sacad Oo Sheegay in Aan La Kirayn Ee Loo Hibeeyey Imaraadka

 

Hargeysa(SLL) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saldhiga Berbera ay Somaliland ka kiraysay imaraadka, kaasi oo ay Lacag ka qaado, balse waxa beeniyey warka Madaxweyne Biixi kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha debada iyo iskaashikaga caalamiga ah ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, kaasi oo sheegay in aan wax kiro ah laga qaadin ,haseyeeshee loo hibeeyey imaraadka carabta iyadoo la dhaafsatay keliya inay hal wado oo qudha dhismaheeda inoo hirgeliyaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu la hadlayey sanadkii tegay Tv-ga Universal ayaa mar la weydiiyey waxay dhaafsatay Somaliland bixinta Saldhiga Milateri ee Berbera ee ay siisay imaraadka carabta, waxa uu sheegay inay Somaliland ka kiraysay Imaraadka Saldhiga Berbera oo ay ku heshiyeen inay kiro bixiyaan

Madaxweyne Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:”marka aanu waxayaga dhammaysano ilayn nidaam ayaa noo socdee ayaanu sheegaynaa waxaanu ku badelanayno waxana waanu ku heshiinay waxna wey noo dhiman yihiin,,markaa waxaan kuu sheegayaa in aan arrintaa ka heshiinay in aanu saldhigaa ka kirayno “

Dhanka kalene waxa arrintaasi ka hadlay wasiirka arrimaha debada ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kaasi oo sheegay in aan Dowlad ka kirayn saldhiga Berbera Imaraadka Carabta, balse ay Xukuumaddu u hibaysay, waxaanu xusay inay dhaafsatay xukuumaddu hibaynta saldhigaa Berbera dhisida hal jid iyo madaar kale .

Wasiir Sacad oo habeen hore ka hadkayey Barmaamji lagu falaqaynaye Miisaaniyada 2019kii, ayaa mar la weydiyey saldhiga Berbera ku jawaabay sidan :”Saldhiga isaga kama qaadano kiro , madaama aanaynu kiro ka qaadani kuma jiro kirooyinka, Saldhiga Ciiddan ee Berbera heshiiska aynu la galnay Imaraadka waxa kamid ah inay inoo dhisaan wado Berbera ilaa wajeele iyo inay inoo dhisaan madaar ay inoogu badelayaan kaynu siinay, kiro isagu ma leh.”

Leave a Reply

*