Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Sii Daysay Nin Ajaanib Ah Oo Waraabe Cunay Iyo Harimacad Jabay Oo Hargeysa Lagu Kabay

Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Sii Daysay Nin Ajaanib Ah Oo Waraabe Cunay Iyo Harimacad Jabay Oo Hargeysa Lagu Kabay

 

Haregysa (SLL) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay nin Jayniis ah oo Waraabe ku cunay dhawaan duleedka Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay xabsiga dhigtay, balse hadda ay sheegtay in ka sii daysay, isla markaana ay uga digtay in aanu dib u cuni Waraabe dambe.

Docda Kalena Magaalada Hargeysa ayaa waxa qaliin lagu kabayo loogu sameeyey xayawaanka Harimacad, kaasi oo jabay xili uu ku sugnaa meel lagu daryeelo oo ku taal magaalada Hargeysa, iyadoo dhakhtarka qaliinka fuliyey uu ka yimi Qaarada Yurub.

Wasiirka Waraada Deegaanka Shugri Baandare ayaa arrintaasi mar wax laga weydiiyey ku jawaabtay sidan:” “Waxa jiray wax ajaanabi ah oo aanu faraha ka qaadnay waxa jiray mid Waraabe cunay , Xabadaa Waraabaha Cunay kiina waxa la siiyey Digniin Waraabe dambe haddii aad cunto.” Ayey tidhi Wasiirada Deegaanku.

Dhanka kalene Harimacad jabay ayaa lagu kabay magaalada Hargeysa, sida ay sheegtay Huda Cali Banfas oo kamid ah dadka u ololeeya daryeelka duur-joogta “ Dhac-dadan Harimocadku waxay ahayd dhacdooyinka Xayawaanka eek a dhaca Somaliland gudaheeda, markaa Somaliland waxay soo saartay xeerka duur-joogta iyo Kaymaha 2015-kii xeerkaas ayaa mamnuucaya in la dhoofiyo laga Ganacsato la haysto oo dad gaar ahi iska haystaan Guryahooda iskaga haysta iyadpo xeerkaas lag duurayo ayaa xayawaankan dhawaan lagu xukumay niman doonayey inay ka Ganacsadaan oo ka saarayey xeebta Somaliland.”

Huda Cali ayaa sheegtay in Harimacadku uu jabay afar cisho ka hor “Wakhtiga uu dhaawacu gaadhay waxay ahayd afar casho ka hor ayey ahayd,xeradiisa ayuu ku jira Xayawaankani waa ka aduunka ugu dheereeya kolay markaa waxa loo maleeyey inuu boodo sameeyey, kadibna uu markaa dhaawacu gaadhay oo lafta ayaa jabtay lugtiisa dambe, markaa jabistii markay noqotay X-ray ayaa la saaray nin ayaa laga soo diray Yurub oo isagu qaliinka sameeyey.”Ayey tidhi Huda Cali

Leave a Reply

*