Dib U Milicso Fursadihii Iyo Caqabadihii Madaxweyne Biixi Xilka Kula Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horaysay Kala Soo Dabaalatay Somaliland

Dib U Milicso Fursadihii Iyo Caqabadihii Madaxweyne Biixi Xilka Kula Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horaysay Kala Soo Dabaalatay Somaliland

Hargeysa(SLL):-jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay.

Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen .

1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”

Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah.

2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii

Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna.
Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay.

3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale .

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada.

4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay.

5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi.
Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay.

Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto.

Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen.

Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin.

Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya.

Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro.

Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya.

Xigasho: Wargeyska Waaberi

 

Leave a Reply

*