Kenya oo Xidhiidhka ujartay Somalia iyo Somaliland oo fursad kadhex raadinaysa

Kenya oo Xidhiidhka ujartay Somalia iyo Somaliland oo fursad kadhex raadinaysa

Kenya ayaa sheegtay in bandhigii sahmintii shidaalka ee Soomaaliya ay dhawaan kusoo bandhigtay magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ahaa mid laga sameeyay dhul ay “leedahay” Kenya.

Sahminta shidaalka ayay Kenya sheegtay in laga sameeyay xadka dhanka badda ee ay wadaagaan Soomaaliya. Kenya ayaa ku adacootay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay magaalafda London ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ay leedahaya. Shantii bisha Febraayo ee sannadkii 2019-ka ayaa waxaa magaalada London ee Britain lagu qabtay shir lagu soo “bandhigayay maclumaad la xiriira sahmin shidaal” oo laga sameeyay Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahankaasi waxaa soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka. Dowladda Kenya aya sheegtay in arrintan ay wax ka weydiisay safiirkeeda Soomaaliya u fadhiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go’aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi, dibna ug laabato.

Hasayeeshee dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau aya sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.

.Lahaanshaha sawirkaNATION
Image captionMacharia kamau

“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.

Kamau ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago.

“Xaraashkan gardarrada ah wuxuu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxaa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannada,”. Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya oo iyadu dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaala maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo aan la geyn maxkamadda.

Kenya oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaan la garaneyn halka arrintan ay ku dambeyn doonto.

 Wasiirka Arimaha Debeda ee Somalia ayaa  Jawaab Cad  kabixiyay Saluug  kadhashay Hab Maamuuskii Madaxwaynaha Somalia loogu Qaabilay Dalka Kenya  

Somaliland 

Dhanka   kale  Jamhuuriyada  aan Aqoonisiga  helin ee Somaliland ayaa Fursad kadhex baadhaysa khilaafka labada  Dalka  Badhasaabka Gobolka Meruu ee  Jaadku kabaxo ayaa hore  hindise ahaan usoo jeediyay hadii  Somalia  Qaadka Kenya Joojiso in  Suuq looga Raadiyo Somaliland  halkaas oon  Qaadka  Miiroogu  Suuq  kulahayn.

Diyaaradaha Miirooga  geeya   Baydhabo Beled wayne iyo Muqdisho ayaa  lafilayaa in ay Laas Caanood   kasoo degaan si Qaadka  Kenya  Qaab dhuumasho ah loogu suuq geeyo Puntland  ilaa Gobolada dhexe  ee Somalia.

wakiilka Somaliland   ujooga  Kenya ayaa  dhowr jeer kolba sigaara  ula kumay Masuuliyiin katirsan Gobolka Qaadka  Miirooga lagabeero   balse  lama  Oga Danta dhabta ah ee Somaliland ugu Jirta in Maandooriye Cusub Dalkeeda lakeeno   iyo waxa  ay Siyaasad ahaan  Dalkan yar  ee aan Aqoonsiga  Haysani kadheefi karo  Dhex Cararka Murkan Xooga ee Kenya  iyo Somalia kataagan

 

Xigasho BbcSomali

 

 

Leave a Reply

*