Dowlada Kiniya Oo  Caydhisay Safiirkii Soomaaliya U Fadhiyey Nayroobi Iyo Keedii Muqdisho Ujoogay Oo Ay U Yeedhay 

Dowlada Kiniya Oo  Caydhisay Safiirkii Soomaaliya U Fadhiyey Nayroobi Iyo Keedii Muqdisho Ujoogay Oo Ay U Yeedhay 

 

Nayroobi(SLL) Dowlada Dalka Kenya ayaa u yeedhay safiirkeedii u fadhiyey magaalada Muqdisho Lt. Gen. Lucas Tumbo ,waxaanay fartay inuu kasoo baxo Somaaliya, iyadoo sidoo kalene ku amartay inuu dalkeeda ka baxo safiirkii soomaaliya u fadhiya magaalada Nayroobi Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), sida ay faafiyeen xalay war-baahinta dalka Kenya .

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee dowladda Kenya ayaa lagu cambaareeyay falkii ay dowlada Soomaaliya iibka u gelisay ceelal shidaal oo ku yaalla xuduud badeedka ay labada ku muransan yihiin sida qoraalka lagu sheegay shirkii 7-da bishan Febraayo ka dhacay magaalada London, isla markaana waxay tallaabadaasi ku tilmaamay gardarro qaawan.

Bayaanka dowladda Kenya oo aad u dheeraa kan koobnaa 15 qodob ayaa muujinaya iney ka cadhootay ka dib markii dowladda Somaliya ay jawaab deg deg ah ka bixin weday cabasho ay gaadhsiisay safiirka Somaliya u fadhiya Nayroobi,  taasi oo ku saabsanay xadgudubka ay sheegtay inay Somaliya ku sameysay xuduuda Badda,waxaana Kenya  sheegtay in cabashadeed la tixigelin waayey.isla markaana ay xaqiiqsatay in cabashadii ay u dirtay dowladda Somaliya la iska dhego mariyey, taasina ay keentay inay go’aankan qaadato.

Wasiirka arrimaha dibadda  dalka Kenya,Macharia Kamau ,ayaa sheegay inay Soomaaliya si taxadar la’aan ah  isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed.

Geesta kalene Kenya iyo soomaaliya ayaa waxaa muddo u dhaxeeyay muran dhinaca badda ah,iyadoo dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya ay taallo maxkamadda caalamiga ah, balse xidhiidhka labada dal ayaan tan iyo murankaasi badda intii uu soo ifbaxay aan wanaagsanay,kaasi oo ahaa mid ay isku dabaal joogtaynayaan laba dal.

Dhanka kalene Dowlada Somaaliya ayaan ka falcelin arrintan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Dolwada Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan arrintan.

Leave a Reply

*