Hanti-dhawrka Oo Xabsiga Dhigay Masuuliyiintii Hore Ee Madbacadda Qaranka

Hanti-dhawrka Oo Xabsiga Dhigay Masuuliyiintii Hore Ee Madbacadda Qaranka

 

Hargeysa(SLL) Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiga u taxaabtay Mareeyihii hore ee mad-bacada Qaranka Somliland Siciid Saalax Shire iyo Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada Qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar, kuwaas oo lala xidhiidhinayo in loo haysto falal musuq

Xukuumadda ayaa la sheegay inay Mareeyihii hore ee Madbacada Qaranka Siciid Saalax Shire ay habeen hore kasoo xidhay Gurigiisa, halka shalaty barqadii la sheegay in agaasimihii maamulka iyo Lacagaha Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga soo qabtay xili uu ku sugnaa xarunta madbacadda Qaranka Somaliland.

Dhanka kale labadan masuul ayaa la tuhunsan yahay in loo haystp falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacad Qaranka cahdigii uu xilka hayey Mareeyaha la xidhay ee Siciid Saalax Shire,balse xukuumadda ayaan weli ka hadal xadhiga masuuliyiintan iyo waxa loo haysto.

Ma jiro war amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda iyo Hanti-dhawrka toona,balse labadaa masuul ayaa la xaqiijiyey inay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay

 

Leave a Reply

*