Madaxtooyada Soomaaliya Oo Soo Dhaweysay Aqbalaada Uu Muuse Biixi Aqbalay Inuu La Shaqeeyo Dowlada Fadaraalka Soomaaliya 

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Soo Dhaweysay Aqbalaada Uu Muuse Biixi Aqbalay Inuu La Shaqeeyo Dowlada Fadaraalka Soomaaliya 

 

Muqdisho (SLL) Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka uu Muuse Biixi ku aqbalay inuu si dhaw ula shaqeeyo Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, waxaanay ku tilmaantay inay tahay talaabo wanaagsan oo loo baahnaa, iyadoo sidaasi ku sheegtay War-murtiyeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaliya, kaasi oo u dhignaa sidan Hoose

 

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sidan: –

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Leave a Reply

*