Muuse Biixi Oo Ka Aqbalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Xidhiidh Wanaagsan La Sameeyo Dowlada Soomaaliya

Muuse Biixi Oo Ka Aqbalay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Xidhiidh Wanaagsan La Sameeyo Dowlada Soomaaliya

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Addis Ababa kula kulmay waftiga uu hoggaaminayay madaxweynahaa Somalialnd Muuse Biixi Cabdi oo maanta gaardhay Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa sheegay inay labada dhinac kawada hadleen arimaha muhiimka u ah xidhiidhka shacabka iyo badqabka itoobiyaanka kunool gudaha somaliland, arrimaha amaanka,ganacsiga iyo isticmaalka Dekadaha somaliland.

Waxa uu intaa ku daray inuu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi  ka aqbalay inuu xidhiidh wanaagsan dhexmaro maamulka somaliland iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya, si loo xoojiyo midnimada, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu sheegay in  madaxweyne Muuse uu  soo dhaweeyay fikirka ku aadan is dhexgalka geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa jira shirar gaar gaar ah oo dhexmaray wafdiga la socday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya, iyagoo iska wareysanayay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkooda.

Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal uu ku faafiyey Boggiisa twitter-ka ku sheegay  inuu ABiye Axmed kala hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya, sida uu yiri Biixi.

Leave a Reply

*