Guddoomiye Cirro Oo Tacsi U Diray Marxuum Dr Maxamed Rashiid

Guddoomiye Cirro Oo Tacsi U Diray Marxuum Dr Maxamed Rashiid

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba taageerayaasha Xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo qaranka Somaliland geeridii naxdinta laheyd ee xalay ku timid Rabbi ha u naxariiste Marxuum Dr Maxamed Rashiid Xasan oo ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Ilaahay su’aasha ha u fududeeyo, dambigiisana ha dhaafo, Jannatul Firdowasana ha ugu deeqo. Dhammaan qoyskiisii, ehelkiisii, asxaabtiisii, iyo Qaranka SL samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo.

Waaxda warfaafinta ee xisbiga WADDANI
Hargeysa Somaliland.

 

 

Leave a Reply

*