Dabkii Ka Kacay Wasaaradda War-faafinta Oo Dad Loo Xidhxidhay

Dabkii Ka Kacay Wasaaradda War-faafinta Oo Dad Loo Xidhxidhay

 

Hargeysa(SLL) Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay dad u xidh-xidheen gubashadii xarunta isgaadhsiinta iyo la socodka warbaahinta madaxa-baanaan ee wasaaradda war-faafinta, taasi oo todobaadkii tegay uu dab ka kacay , isla markaana shufbeeshay.

Wasiirka War-faafinta  Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa horay u sheegay in arrintaas ay la wareegeen ciidanka Boolisku Somaliland, isla markaana ay bilaabeen baadhitaano la xidhiidha dabkaas

Dhanka kalene waxa la sheegay inay hadda ciidamada amaanka Hargeysa ay  falkaasi u soo xidheen sagaal qof oo ay hal ka mid ahi haweenay tahay, iyaga oo dhammaan-tood-ba ka hawgalayey xarunta wasaaradda War-faafinta, kuwaas oo lagu kala xidhay xabsiyada magaalada Hargeysa, isla markaana uu ku socdo baadhitaan .

Docda kalene ma jiro wax- war ah oo kasoo baxay Dowlada oo ku saabsan arrintaasi, marka laga yimaada xogaasi sheegaya in sagaal ruux kiis-kaasi ay ciidanka amaanku u soo xidheen .

 

Xigasho Waaberi

 

Leave a Reply

*