Magacyada 12 Dhallinyaro Loo Xidhay In Ay Abaabuleen Mudaharaad Ka Dhan Ah Madaxweynaha

Magacyada 12 Dhallinyaro Loo Xidhay In Ay Abaabuleen Mudaharaad Ka Dhan Ah Madaxweynaha

 

Gabiley(SLL/Waaberi) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay 12 ka mid ah dhallinyarada magaalada Kalabaydh ee gobolka Gabiley, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen adeeg-yada Caafimaad ee uu bixiyo cisbitaal Kalabaydh ku yaalla.

Xogo Wargeyska Waaberi ka helayo illo wareed-yo kala duwan ayaa sheegaya in dhallinyarada Sagaal ka mid ah loo haysto in ay magaalada Kalabaydh ka abaabulayeen mudaharaad ka dhan ah Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaminayo xiligii ay ka soo noqonayeen shirkii KULMIYE ee Boorama. Waxa la sheegay in dhallinyaradu ka cadhaysnayd saddex dhallinyaro ah oo u xidhna in ay dhalliileen adeegga cisbitaalka Kalabaydh, islamarkaana ay jireen taayirro la gubay dad madaxweynaha soo dhaweynayay oo la qasay taas oo lagu eedeeyay in dhallinyaradu ka dambeysay.

Dhallinyarada ayaa la sheegay in Maxakamadda magaalada Gabiley rumaan bil ah looga jaray, kuwaas oo Arbacadii la soo dhaafay  loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Mandheera oo ay ku xidhan-yihiin hadda.

Dhallinyarada ayaa qaarkood walaalo yihiin waxaana ku jiro kuwo dawladda u shaqeeya mana jiro illaa hadda wax war ah oo  amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay  Hay’ayadaha ay khusayso ee Dowlada Madaxweyne Biixi

Magac-yada Dhalinyarada La Xidh-xidhay

  • Liibaan Cabdi faarax
  • Muxuyadiin Cabdi Faarax
  • Mustafe Axmed Sh. Maxamed
  • Ismaaciil Axmed Sh.Maxamed
  • Khadar Sicid Cabdi
  • Muxuyadiin Sicid Cabdi
  • C/laahi Cali Idiris
  • Xamse Maxmed Muuse
  • Warsame Maxamed yusuf
  • Mustafe Maxamed Aadan
  • C/qaadir Maxamed Daahir
  • Axmed Aaden Cilmi.

Leave a Reply

*