Muwaadinka Cashuur bixiyaha ahi Somaliland xaq ma Ku leeyahay:Qore Maxamed Xaashi

Muwaadinka Cashuur bixiyaha ahi Somaliland xaq ma Ku leeyahay:Qore Maxamed Xaashi

Muwaadinka Cashuur bixiyaha ahi Somaliland xaq ma Ku leeyahay

Wareegtooyinka iyo xeerarka dalku
Waxay Cashuur dhaaf u sameeyeen
Qaar Ka mida gaadiidka somaliland lagu isticmaalo, 
Waxaana Ka mida gaadiidka loo yaqaano cagafta
marka loo isticmaalayo qodista beeraha, Iyadoo la dhiiri galinayo wax soosaarka dalka,
Loona fududaynayo muwaadiniinta Somaliland si loo helo bulsho Ka faaiidaysata dalkeeda,

Hada ba mudo Ka badan todoba cisho, wajaale iyo ilaa hargeysa
Waxa lagu xanibay Laguna haystaa
Gaadhi cagaf ah oo uu mulkiyadiisa leeyahay muwaadin Somaliland ah
Oo hir galiyey in Ka badan Shan beerood, Sidoo kale na leh ganacsiyo Fara badan oo cashuur Kala duwani Ka soo hoydaan ,
Dalkana Ku soo kordhiyey dakhli Fara badan iyo shaqo abuur
Isagoo leh shirkada (725)

Hadaba maxaa laga bedalay
Xeerkay Ku shaqayn jirtay
Wasaarada maaliyadu?

Maanta ayaan la kulmay, darawalkii Waday gaadhiga cagafta ah
Waxaanu ii sheegay in lagu haysto
Hubsiimo la,aan haysata laanta cashuuraha Bariga, waxaanay Ku yidhaahdeen si private ah ayaad ugu shaqaysataa cagaftan,
Mana tihid beeralay Intaas Ka dib waxaan la xidhiidhnay agaasimaha cashuuraha Bariga oo aan Ku booqanay xafiiskiisa balse wuu Ka maqnaa Isla wakhtigaa,
Nooma na suurta galin inaan la kulano si aan wax uga waydiino xaalada gaadhigaa cagafta ah ee shirkadaas 725 leedahay …….

Leave a Reply

*