Qaabkii Uu U Xaliyey Madaxweyne Riyaale Murankii Saami-qaybsiga Doorashadii Golaha Wakiilada 2005kii Iyo Gudidii Xalinta Murankaa Uu U Xil Saaray Oo Uu Xubin Ka Ahaa Muuse Biixi

Qaabkii Uu U Xaliyey Madaxweyne Riyaale Murankii Saami-qaybsiga Doorashadii Golaha Wakiilada 2005kii Iyo Gudidii Xalinta Murankaa Uu U Xil Saaray Oo Uu Xubin Ka Ahaa Muuse Biixi

 

 

 

Hargeysa(SLL) Gudidi uu Madaxweyne Riyaale u saaray qaabkii lagu galay Doorashadii golaha Wakiilada Somaliland ee sanadkii 2005-tii dalka ka qabsoontay,iyadoo gudidaas ay soo dejisay shaxdii lagu galay Doorashadaasi Golaha Wakiilada ee ugu horeysay ee dalka ka qabsoontay.

 

Gudidii wakhtigaasi uu Ex Madaxweyne Riyaale u saaray kasoo talo bixinta qaabka lagu galay Doorashadii Golaha Wakiilada ee Sanadkii 2005kii, waxa kamid ahaa masuuliyiin ka kala socday saddex-dii XisbiQaran ee cahdigaasi UDUB,UCID iyo KULMIYE,iyadoo xubnaha kal kala socday ay kale ahayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi oo ka socday Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cirro oo isna ka socday cahdigaasi Xisbiga UCID iyo Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale Xoghayihii guud ee xisbigii UDUB iyo xubno kale

 

Xildhibaan Cumar sanweyne oo kamid ahaa gudidaasi oo ka waramaya ayaa sheegay sidan :“Annigu waxaan garanayaa Doorashadeenii markii ay bixi weyday Madaxweynihii ina Riyeele, Guddi ayuu u saaray saddex-da Xisbi iyo Xukuumadda ah,Saddex-da Xisbi waxa ka socday Cabdiraxmaan Cirro oo UCID Ka socday, Muuse Biixigan Madaxweynaha ah oo KULMIYE ka socday ninkii Xoghayaha ahaa ee dhintay oo UDUB ahaa, anniga iyo dhawr nin oo kalena waanu ku jirnay .”

Dhanka kalene Xildhibaan Cumar ayaa sheegay inay hadda taagan arrintii uu wakhtigaasi gudida u saaray Ex Madaxweyne Riyeele , waxaanu sheegay inay u taalo hadda Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa , balse aanay ku eedaysnay golaha Wakiilada ee hadda joogaa “ Ragga maanta talada hayey ayey ahayeen raggii maalintaas ka arriminayey muddo 20 casho ah ayey nagu qaadatay in aanu siday maanta u taalo aanu u dhigno, iminkana waxa weeye ma saarna goleha ee ciday ay khusayso fariinta aan u dirayaa waxa weeye, saddex-da Xisbi  Qaran iyo Xukuumadda ayey hortaalaa arrinkaasu .”Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanwayne

 

 

Leave a Reply

*