MAANSO: 'Tolow yaa kuu ah Hiil?' – W/C. Hoodo-Ayaan Suldaan

0
January 18, 2015 in Suugaan by somalilandlive Staff
  • Visits: 1573
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    MAANSO: 'Tolow yaa kuu ah Hiil?' – W/C. Hoodo-Ayaan Suldaan

    Maansadan waxa curisay halabuuradda Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ku nool magaalada Hargeysa. Mar ay sharraxaad ka bixisay curintii maansadan, waxay hadalkeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan waxa curisay halabuuradda Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ku nool magaalada Hargeysa. Mar ay sharraxaad ka bixisay curintii maansadan, waxay hadalkeeda

Maansadan waxa curisay halabuuradda Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ku nool magaalada Hargeysa. Mar ay sharraxaad ka bixisay curintii maansadan, waxay hadalkeeda

ku bilawday: "Maansadan magaceedu yahay "Toloow yaa kuu ah hiil?” waxaan allifay 30/12/2014 waxay inyar ka cabiraysaa dareen aad u xanuun badan oo naftaydu dareemayso kadib markaan arkay dhallintii dalkayga een rajada iyo yididdiilada ku qabay inay dadkan iyo dalkan ka saaraan marxaladaha uu ku jiro una horseedaan walaal nimo, wada jir, horumar iyo hiigsi dheer oo nololeed oo maraya jid ka xun ka juhaladu maraan iyagoo qabyaaladdii iyo kala qaybsanaantii uu ku caanka ahaa siyaasiga soomaaliyeed jidkeedii cagta saaray waxaanay maansadu leedahay:

Hoh iyo caku iyo wayeey

Anigu huqbaan qabaa

Waxaan la hiqlaynayaa

Hagardamaan arkaa

Dhallintaadaa habawdee

Qabiil horseed u noqdaa

Hootiyo waran igu noqdoo

Shantaan dhabannada hayaaye

Dalyahaw waad heerantoo

Waxa ku go’an halbawlee

Toloow yaa kuu ah hiil ?

Siyaasi hadduu ku heeray

Hadduu ganacsade ku hiigay

Aqoonyahankii ku hagi laa

Hadduu hoorsaday qabyaalad

Kuwii kaaga hiilin laayee

Aduunyada heerka gaadhay

Dalyahaw kula haybsanlaa

Haddii intooy habaabeen

Hilinkoodii maraayaan

Waxay ku heshiis yihiinna

Hayb iyo tahay reero jaan

Dal yahaw waad heerantoo

Waxa ku go’an halbawlee

Toloow yaa kuu ah hiil?

Khayraadkaa kugu higaagan

Macdantaa kugu hagoogan

Hareeraha kuwii ka jooga

Iyagoo hayb qudha wadaaga

Ilaah xaqa wada horjooga

Afqudhoo hodanana ku faana

Kashkoodu hadduu faraayo

Inay habar habar jaan iyo

Hayb iyo reero kala yihiin

Dal yahaw waad heerantoo

Waxa ku go’an halbawlee

Toloow ya kuu ah hiil???

Haddaan hamiggeenu dhaafin

Inaan hebel hebel ka raacno

Iyadoo han iyo aqoon iyo

Caqligu hal ku dooranaynin

Kuwaan kala haybsanayno

Kuwaan isu hirdiyayno

Kuwaan hantidiyo maalka

Dartood nacasnimo hurayno

Axeey waa hagardaamo

Hurgumo aan abid dhammaanoo

Dalyahaw waad heerantoo

Waxa ku go’an halbawlee

Toloow yaa kuu ah hiil???

Barbaartu hadday halawdo

Hinqato oo ay iswaydo

Waxay ku heshiis yihiin iyo

Sharcigu kala hagi ba waayo

Waxaa horumar dhacaayiyo

Dhiggooda heerka gaadhay

Hoh iyo caku beegsanwaydo

Axeey waa hagardaamo

Hubaalna waxaa ka liita

Kuweenna da’yartaa habawdee

Hilinkiyo marinka seegtay

Sacab la hareero joogee

Xalkiiyooy helikaraayaan

Intooy dibnaha ka haysteen

Waliba halasaa shidaayee

Hirgoole hilbii jidhkooda

Hadaynaan doorin taana

Dalkani waa heeranyoo

Waxa ina go’an halbawlee

Toloow yaa u’ah hiil???

Intaasoo hal oo layaabliyo

Inkaloo hanku uu tabaayoo

Ka daran hallasiyo dabaa

Naftaydu haloosigeeda

Habeena ka seexanwaydoo

Ilmada hoortee tiflaysay

Hugaygay qoynaysaayoo

Waxaan tabayaa hubaashii

Innagoo hal oo midawnoo

Dalkeenna horumarkiisa

Harreeraha aan ka joognoo

Haddaynaan hollan taasna

dalkani waan heeranyoo

Waxa ina go’an halbawlee

Dadyahaw yaa inoo ah hiil?

W/C. Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan Faarax




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online