Maahmaahyada Saddex leyda. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
January 26, 2015 in Suugaan by somalilandlive Staff
  • Visits: 2644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maahmaahyada Saddex leyda. W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Maahmaahyada Saddex leyda. W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maahmaahyada Saddex leyda. W/Q: Cali Cabdi Coomay
  1. Saddex baa rag u wanaagsan
  • Nin tolkii u nacasa
  • Shisheeyana u nacaba
  • Reerkiisana u naaga
  1. Saddex saddex kama dheregto
  • Ili daymo kama dheregto
  • Dhulna biyo kama dhergo
  • Dhegina war kama dheregto
  1. Saddex saddex lama heshiiso
  • Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan
  • Nin quud jecel iyo aan quudhin
  • Nin qab weyn iyo nin aan u qabin
  1. Saddex dumar laguma qabo
  • Gasiin xumo
  • Gogol xumo
  • Galmo xumo
  1. Saddex saddex bay ka tagtaa
  • Roobku rays buu ka tagaa
  • Raggu rayi buu ka tagaa
  • Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa
  1. Saddex weligaa lama raaco
  • Rag kaa faqay
  • Rafiiqnimaad tihiin oo ku qadshay
  • Rag talo kaa reebay
  1. Saddex naagtaada kugu nacda
  • Hambo la’aan
  • Hammo la’aan
  • Hammi la’aan
  1. Saddex buu raggu is-dheer yahay
  • Garashada waxa soo socda
  • Wax ka qabashada waxa jooga
  • Ka samrida wax tegay
  1. Saddex raggu wuu ku cimri deg degaa
  • Gogol xumo
  • Gasiin xumo
  • Carrab kulul
  1. Saddex dadkaa kugu naca
  • Xishood la’aan
  • Xilo la’aan
  • Xoolo la’aan
  1. Saddex tolkaabaa kugu naca
  • Hiil la’aan
  • Hoo la’aan
  • Hoy la’aan
  1. Saddex saddex b aa lagu kabaa
  • Aqalka oo kaa yar ardaa baa lagu kabaa
  • Aqoontanda oo yar aamus baa lagu kabaa
  • Aduunkaaga oo yar iimaan baa lagu kabaa
  1. Saddex saddex baa lagu cadeeyaa
  • Hadal run baa lagu cadeeyaa
  • Ilko caday baa lagu cadeeyaa
  • Mindi saawin baa lagu cadeeyaa
  1. Saddex waa loo gudaa
  • Gabadh waa loo gudaa
  • Geedi waa loo gudaa
  • Ciyaar waa loo gudaa
  1. Saddex saddex looma tilmaamo
  • Culimo cad looma tilmaamo
  • Carmal guur looma tilmaamo
  • Carrab lo’aad caws looma tilmaamo
  1. Saddex waa la raacaa
  • Nin kaa caqli badan
  • Nin kaa cilmi badan
  • Nin kaa cuud badan
  1. Saddex saddex lagama daayo
  • Rag shir lagama daayo
  • Dumar sheeko lagama daayo
  • Xoolana hees lagama daayo
  1. Saddex waad ku degtaa
  • Guri barwaaqo
  • Gaari naageed
  • Gar cadaaladeed
  1. Taajirimada waa saddex
  • Cuud ku taajir
  • Caqli ku taajir
  • Cilmi ku taajir
  1. Saddex ma nabadgasho
  • Nin madax la saaxiibay
  • Nin sun la waraabshay
  • Nin sirtiisa haween u sheegay
  1. Dumarku waa saddex
  • Naag gogol wacan
  • Naag gasiin wacan
  • Naag galmo wacan
  1. Saddex lama badsado
  • Fadhi xidid
  • Soor fagaar
  • Ficil sokeeye
  1. Saddex baa hourumar lagu gaadhaa
  • Hadal yar
  • Hawl badan
  • Hogaan wanaagsan
  1. Saddex baa dib u gocosho leh
  • Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
  • Gallad aad baran weyday
  • Garaad garasho waayey
  1. Saddex baa suldaanka laga eegaa
  • Garta
  • Guntiga
  • Gacanta
  1. Saddex dumarku way neceb yihiin
  • Aamuska
  • Kelinimada
  • La xisaabtanka
  1. Saddex bay naagi kugu dishaa
  • Dhal la’aan
  • Dhaqaale xumo
  • Dhego adayg
  1. Saddex naag la’aantaa leh
  • Socadkaaga oo aan la ogaan
  • Sahay-daadoon kugu fillnaan
  1. Saddex nin midna lalama haasaawe tago
  • Nin kaa qurux badan
  • Nin kaa hadal badan
  • Nin kaa dheereeya
  1. Saddex waa lagu jabaa
  • Jaar xun
  • Jikaar waalid
  • Jacayl aan lagula ogeyn
  1. Saddex ayaa dumarka ugu fiican
  • Hambo kugu celis
  • Hadal kaa maqla
  • Hanta kuu dhaqa
  1. Saddex daacad ha-moodin
  • Dagaal ooge qabiil
  • Deeq shisheeye
  • Dumar dhoola cadayntood
  1. Saddex tiiraanyo ayey kugu reebtaa
  • Tol aan is-maqlayn nin xukumay
  • Taf aan dhalayn nin qaba
  • Tiro adhi ah oo aan nin daajin
  1. Saddex reer ma tarmaan
  • Reer habaar waalid qaba
  • Reer dhiig qarsoon qaba
  • Reer timo dheer u taliso
  1. Saddex dumarku kuma wanaagsana
  • Fudayd
  • Feejig la’aan
  • Fadhi weyni
  1. Saddex daymo badanaa
  • Nin walaashii doqon tahay
  • Nin dameer safar u diray
  • Nin yar oo dakano galay
  1. Saddex ilaahay baa laga magan gala
  • Guluf dagaal oon tol badan lahayn
  • Gabadh aan xishood lahayn
  • Geeri aan ubad lahayn

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

maahmaahyada saddexlayda ah……………………… Jaamac Biixi Muuse




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online