Halkan Ka Daawo Xaflad Meher Ah Oo Kulmisay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madaxdhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

0
March 06, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 2326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo Xaflad Meher Ah Oo Kulmisay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madaxdhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

    Halkan Ka Daawo Xaflad Meher Ah Oo Kulmisay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madaxdhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Ka Daawo Xaflad Meher Ah Oo Kulmisay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madaxdhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Hargeysa( Somalilandlive.com):-Munaasibad meher ah oo aad u bilan isla mar ahaantaana kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiin, xildhibaano, dhakhaatiir, madaxdhaqameed, xidid, xigaal iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadan oo Mahad Cabdi Cali uu ugu geed fadhiisanayey Najwa Dr:Garaad Cige, ka soo qayb galay guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada, sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), Xaaji Cabdikariim Xuseen(Cabdiwaraabe), Abwaan Muuse Cali Faruur, Caaqil Xariir Dhago-buur, guddoomiyaha gudida talo iyo tawfiiq Xasan Xusseen, Dr:Saleebaan Cabdi Guuleed, dhakhaatiir kale iyo marti sharaf aad u tira badan.

Ugu horeyna waxaa hadalo codsi iyo aqbalaad ah ka dib si milgo iyo xigaaltinimoba ku dheehan tahay halkaasi loogu bixiyey Najwa Dr:Garaad Cilmi.

Intaa ka dibna Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdiwaraabe, oo halkaasi ka hadlay ayaa hadalo dardaaran iyo bogaadin ah ugu soo jeediyey qoyska cusub ee halkaasi lagu dhidbay, waxaana uu ubadka iscalmaday Alleh uga baryey in noqdaan qoyskii isku waara, ubad khayr qabana kala hela,

Caaqil Xariir Dhako Buur, Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Baarleex, iyo guddoomiyaha gudida talo iyo tawfiiq oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa dhankooda waxaa ay iyaguna hadalo dardaaran iyo duco ahba ay dusha ka huwiyeen qoyska cusub iyaga Alleh uga baryey in ay noqdaan lamaane isku waara ubad khayr qabana kala hela.



Dr:Saleebaan Cabdi Guuleed oo isaguna sida oo kale halkaasi hadalo kaftan, dardaaran iyo duco ahba ka soo jeediyey, ayaa ugu horeyn Lamaanaha ugu duceeyey ducadii rasuulka, waxaana uu sida oo kale sheegay in munaasibadani ay ka dhakhaatiir ahaan ay qiimo weyn ugu fadhiso isaga oo xusay in gabadha lagu bixiyey madasha uu dhalay mid ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan sida oo kalena ugu waayo aragsan ee Dr:Garaad Cilmi.

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi milgaha iyo sharaftuba ku dheehnayd soo gunaanaday guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaana uu halkaasi uu hambalyo, duco, iyo dardaaranba uu ku siiyey qoyska cusub ee halkaasi lagu aslay, waxaana uu Eebe ugu baryey in ay abid isku waaraan, nolol khayr qabtana wadaagaan, sida oo kalena Alleh kala siiyo ubad khayr qaba.


Somalilandlive.com/ Office Hargeisa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online