UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Todobaadka Ee Champions Leaque, Barcelona Iyo Juventus Oo Qabsaday, Ciyaartoygeese Real Madrid Iyo Bayern Munich Shaxdan Ugu Jira?

0
May 07, 2015 in Wararka by Staff SLL Media
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Todobaadka Ee Champions Leaque, Barcelona Iyo Juventus Oo Qabsaday, Ciyaartoygeese Real Madrid Iyo Bayern Munich Shaxdan Ugu Jira?

    UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Todobaadka Ee Champions Leaque, Barcelona Iyo Juventus Oo Qabsaday, Ciyaartoygeese Real Madrid Iyo Bayern Munich Shaxdan Ugu Jira?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Todobaadka Ee Champions Leaque, Barcelona Iyo Juventus Oo Qabsaday, Ciyaartoygeese Real Madrid Iyo Bayern Munich Shaxdan Ugu Jira?



Lionel Messiii

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UEFA ayaa soo saartay kooxda todobaadka Champions Leaque-ga, kulamadii lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga ee todobaadkan la ciyaaray.Champions Leaque-ga ayay iskugu soo hadheen afarta kooxood ee Barcelona, Juventus, Real Madrid iyo Bayern Munich , kuwaas oo todobaadkan ciyaaray kulamada lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga.

Juventus ayaa garoonkeeda ku garaacday kooxda koobka Champions Leaque-ga difaacanaysa ee Real Madrid waxayna Old Lady guushaas ku gaadhay 2:1. Morata iyo Tevez ayaa labada gool udhaliyay Juventus halka Ronlado uu goolka kaliya kooxdiisa Los Blancos u saxiixay.22

Kulankan ugu xiisaha badnaa ayaa xalay ka dhacay Camp Nou kaas oo ay Barcelona 3:0 ku garaacday kooxda Bayern Munich oo marti ugu ahayd. Haddaba shaxda kooxda todobaadka ugu fiican ee ay UEFA soo saartay ayay qaybsadeen kooxaha Barcelona iyo Juventus oo ahaa kooxaha guulaystay kulamadii todobaadkan la ciyaaray Champions Leaque-ga.Barcelonna

Laakiin goolhayaha xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer ayaa ku bilawday shaxda kooxda todobaadka ugu fiicnayd Champions Leaque-ga. Inkasta oo saddex gool laga dhaliyay, ayuu haddana Neuer ahaa xidiga Barcelon soo gaadhsiiyay daqiiqadii 77 aad inay wax gool ah dhalin waayaan, wuxuuna badbaadiyay fursado ugu yaraan afar gool ay Barcelona ku dhalin lahayd oo saddex ka mid ah kubbad lagula soo baxsaday.Lionel Messi ayaana ah noqday xidiga todobaadka ugu fiican kadib markii uu kooxda Bayern dhibaato wayn u gaysatay.leo

Hal ciyaartoy oo Real Madrid ah ayaan boos ka helin kooxda todobaadka Champions Leaque-ga ugu fiican kadib markii ay qaab ciyaareed aan fiicnayn ku soo bandhigeen kulankii Turin ee ay Juventus booqdeen.Barcelona ayaa shaxdan ka heshay shan ciyaartoy halka ay sidoo kale Juventus ka heshay shan ciyaarto, waxaana 11 ka ciyaartoy dhamaystiray goolhayaha Bayern oo goolka ku bilawday.

Goolka: Manuel Nueur-Baryern Munich

Difaaca Midig: Dani Alves– Barcelona

Difaaca Dhexe 1aad:Mascherano-Barcelona

Difaaca Dhexe 2 aad:Bonucci-Juventus

Difaaca Bidix: Chiellini- Juventus

Khadka Dhexe: Rikatic– Barcelona,Vidal– Juventus, Marchisio – Juventus.

Weerarka: Neymar– Barcelona,Tevez– Juventus, Messi- Barcelona

Halkan hoose kaga bogo shaxda oo dhamatstiran, waxaana shaxdan loo doortay 4-3-3.

shaxda Champions Leaque

Barcelona ayaa shaxda kooxda todobaadka Champions Leaque-ga ugu fiican ka heshay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online