Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Hanbalyo U Dirayaa Shacabka Reer Somaliland Sanad-guuradii 24 Ee Ka Soo Wareegtay Markii Aynu Dowladnimadeedii Dig Ula Soo Noqonay 18/MAY/1991:

0
May 17, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Hanbalyo U Dirayaa Shacabka Reer Somaliland Sanad-guuradii 24 Ee Ka Soo Wareegtay Markii Aynu Dowladnimadeedii Dig Ula Soo Noqonay 18/MAY/1991:

    Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Hanbalyo U Dirayaa Shacabka Reer Somaliland Sanad-guuradii 24 Ee Ka Soo Wareegtay Markii Aynu Dowladnimadeedii Dig Ula Soo Noqonay 18/MAY/1991

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Hanbalyo U Dirayaa Shacabka Reer Somaliland Sanad-guuradii 24 Ee Ka Soo Wareegtay Markii Aynu Dowladnimadeedii Dig Ula Soo Noqonay 18/MAY/1991

Xisbiga UCID Ee Dalka UK Wuxu Hanbalyo U Dirayaa Shacabka Reer Somaliland Sanad-guuradii 24 Ee Ka Soo Wareegtay Markii Aynu Dowladnimadeedii Dig Ula Soo Noqonay 18/MAY/1991:

 

Xisbiga UCID ee Dalka UK wuxu halkan Hanbalyo iyo Salaan qaaliya uga dirayaa Dhammaan Shacbi weynaha reer Somaliland meelkasta oo ay aduunka kaga noolyihiin, maadaama maalinta Isniinta ee ay taariikhdu tahay 18 MAY 2015ay u dabaaldagayaan sanadguuradii 24tanaad ee ka soo wareegtay maalintii ay aynu Dowladeenii Somaliland ee 1960 xuriyada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska aan dib uga soo noqdeen Republic Of Somalia18 MAY 1991,shirkii Burco ka dhacay ee beelaha dega Somaliland ku go’aansadeen dib ula soo noqoshada Dowladoodii Somaliland ee Xoriyada qaadatay 26/June/1960, mar hadii lagu hungoobay Jamhuuriyadii Soomaaliya ee lagu midooobay, dhibaato farabadan iyo qasaare lixaad lehna ka soo gaadhay shacabka Reer Somaliland.

 

Hadaba anagoo dad reer Somaliland farxad kula ciidayna ayaa marlabaad waxaanu halkan hanbalyo iyo bogaadin uga diraynaa shacabka Somaliland in ay farxad ku ciidaan maalinta18 MAY 2015oo noqonaysa sanadguuradii 24tanaad.

Waxanu si gaar ah u hanbalyaynaynaa Madaxdayada Sarsare iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID, qaasatan Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Guddoomiye-ku-xigeenka 3xaad Mujaahid Cali Gurey, Murashax-Ku-xigeenka Madaxweyne Dr. Cabdirashiid Xassan Mataan iyo dhammaan madaxda aan halkan magacyadoodu aan ku xusin waxaan leenahay ciid wanaagsan`18/MAY/2015.

 

Inkastoo18 MAY 2015ay Shaydaan iyo Tashuush ku noqdeen Golaha Guurtida iyo Madaxtooyadda Somaliland isla markaana ay kufsi badheedh ah u gaysteen Dastuurkii Qaranka Somaliland, taas oo keentay in shacabka reer Somaliland ay ka gadoodaad arrintaa foosha xun, iyagoo ka xun kufsiga ku dhacay Dastuurkii Qarankooda Somaliland. Hadana, hadaanu nahay Xisbiga UCID Shacabka reer Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in ay Shayaadiintaa iska naaraan, maalinta Qaranimada Somaliland ee18 MAYna si wadajir ah u xusaan iyagoo gacmaha is-haysta oo mid ah. Waxaan illaahay ka rajeynaynaa in sanadguuradan sanadguuradeeda kale aynu ku gaadhno dhamaanteen caafimaad qab iyo nabadgalyo taam ah Insha Allaah.

 

 

 

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

Ee Xisbiga UCID Dalka UK

warfaa_101@hotmail.co.uk




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online