Qaab Nooceeya ayay U Qabsoontay Xafladii Labaad ee Xuska 18 May oo Xalay Lagu Qabtay Frankfur Germany Kaqayb Galkii Wasiirada Horumarinta Deegaanka+ Iyo Hurinta Khilaafka Baabiiyay Awoodii Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka + Faa,ido Laanta Dhaqaale Qabsatay Qabanqaabiyaashi.... Kabogo Warbixin

0
May 17, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 2454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qaab Nooceeya ayay U Qabsoontay Xafladii Labaad ee Xuska 18 May oo Xalay Lagu Qabtay Frankfur Germany Kaqayb Galkii Wasiirada Horumarinta Deegaanka+ Iyo Hurinta Khilaafka Baabiiyay Awoodii Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka + Faa,ido Laanta Dhaqaale Qabsatay Qabanqaabiyaashi.... Kabogo Warbixin

    Qaab Nooceeya ayay U Qabsoontay Xafladii Labaad ee Xuska 18 May oo Xalay Lagu Qabtay Frankfur Germany Kaqayb Galkii Wasiirada Horumarinta Deegaanka+

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaab Nooceeya ayay U Qabsoontay Xafladii Labaad ee Xuska 18 May oo Xalay Lagu Qabtay Frankfur Germany Kaqayb Galkii Wasiirada Horumarinta Deegaanka+   Somalilandlive.com / Waxa  Xalay Kaqabsoontay Magaalada Frankfurt Xafladii Labaad  ee   Xuska   18 May  Taas oo Garab Kamida Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka  Ku Qabteen Magaalada Frankfurt/ Gross Gerau Halkaas oo habeenkii Kasii Horeeyay Lagu Qabtay Xaflad  Dhalisay Buuq  iyo khalkhal Baabiiyay Markii Danke Xaflada.




 Xafladan oo ay Soo Abaabulen Dhalinyaro  Somaliland  ah   Kuwaas oo Qayb  ka ahaa  khilaaf Hore Loogu  kalatagay oo Sababay in   Afar Meelood  oo  oo Isku Dhaw  lagu Qabto Xaflado  kala Duwan oo Balse Hal Ujeedo lagawada Lahaa  Taas oo ahyd Waynaynta  Maalinta Qaran ee 18 May, Xaflada Xalay Qabsoontay  oo ay Kasoo Qab  Galeen  Dad aad  Utiro Yar oo 100   ilaa 120 Qof  oo Dhalinyaro ah Lagu Sheegay ayaa Waxa Kasoo Qayb Gashay Wasiirka  Wasaarada horumarinta Deegaanka  Somaliland Shugri Xaaji Bundare , iyada  oo La kawsatay Khilaafka Xoogan  ee Afarta Meelood  ukala Jabiyay Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka . Xaflada Wax Qas ahi Kamay dhicin Sida tii kahoraysay  oo kale  Waxana ay Guud ahaan Kusoo Dhamaatay Qaab Degenaasho ah  Marka laga  Tago Tirada Kasoo Qayb Galayaasha ah oo ad Uyaraa Marka Lag eego Xafladii Ka Horaysay oo    Qobolaal Qof isugu Yimaadeen  Hoolka Xafladu Kasoctay Arintaas oo Waji gabax Dhaqaale  oo Aad U Balaadhan Kunoqotay Qabanqaabiyaashi Xafladii 16 May.
Sidoo kale Waxa ay Wajigabax iyo Faquuqid kunotay Wasiirada Deegaanka-Shugri X.Bondare oo Goordanbe Kubaraarugtay in ay Dhexfadhido Hool Madhan


Sawir Muujinaya Dadka Joogay Xaflada 2aad- oo aad uyarayd



 Doorka Wasiirada ee Khilaafka?

 Wasiirada ayaa Lagu Wargaliyay Sida ay Xogo Cadaana ay Kuheshay Shabakada Somalilandlive.com In Khilaaf Magac dil  iyo  kala Jabin ahi Dhexyaalo  jaaliyada Somaliland  ee Dalka Jarmalka   iyada oo Sidoo kale Laga  Dalbaday Hadiiba ay Kasoo Qayb Galayso in ay Marka Hore Isku Daydo Xalinta      Kalajabka Xoogan ee Jaaliyada Dhexyaala amaba ay Kawada  Maqaanto.

  Wasiir Shugri Xaaji boondare ayaa Soojeedinta Kadhaga Adaygtay iyada oo  Dooratay in ay Qayb kamida Garabyada Hirdamaya   Laciido  Waxana  ay Arintani   uga Siidartay  Xal kagaadhista Khilaafka Curyaamiyay Qabsoomida Xafladaha Xuska 18 ee  Jaaliyadaha Dalka jarmalka, Sidoo kale  Qaar Kamid ah Waxgaradka  iyo Waayeelka Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka aya  aad  ugu Dhaliilay Wasiirada Ficilka Guracan  ee ay Kusii kala Fogaysi Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jamalka.

Sawir Muujinaya Wasiirada oo Dhexfadhida Tiro Yar oo Dhalinyo Ah






 Yaa Ka Faa,iday Xafladihii Iska  Soo horjeeday ee Xuska   18 May ee Dalka Jarmalka Maxaase Qarash Laga Helay?


waxa habeenkii  15.05   kaqabsoomay Magaalooyinka  Stuttgart- Kassel   Frankfurt/ Gross Gerau  Saddex Xafladood    oo Isla Habeen Qabsoomay   Halka Xafladii ugu Danbaysayna  Xalay 16.05 Kadhacday    Frankfur/ Gross Gerau.  Waxa Sidoo kale Xusid Mudan in Hal Gobol oo Kamida Gobolada Dalka Jarmalka  Saddex Xafladood  oo kaladuwani ka Dhaceen  kuwaas oo Laba Kamida  Magaalo Isku Mida  lagu Qabtay.

  Waxfladahan oo Badankoodu Ahaa Kuwo  Laga Raadinayay Dhaqaale Qiimaha Lacagta Lagu Soo Galayayna  ay Kawada Sinaayeen  20€  Lacag dhan.

  Balse Waxa  Nidaam ahaan Ka Kagadisnayd Xaflada Lagu Qabtay Stuttgart  Taas oo aan Abaabulkeeda Wax Khilaaf ahi Kataagnayn Sidoo   Qaab Maamuuseed Sare Kuqabsoontay.

Xafladahan ayaa Waxa  kale oo ay Kasinaayeen Sacuumado ay Qaban Qaabiyaashu  Kudalbadeen Fanaanin  Wadamo kale Laga Dalbaday Kuwaas oo Lacago aad  u Budan Lagula Soo heshiiyay







 Magaalada
 Qiimaha Lacagta LaguGalayay 
 Tirada Dadka Kasoo Qayb Galay
    Wadarta Guud ee Lacagta Lahelay




 Kassel
20€
150-  ilaa 200 Qof
1900€




Stuttgart
20€
250- ilaa 300  Qof
2000€




Frankfurt/1
20€
800-  ilaa 900 Qof
1800€




Frankfurt2
20€
100-  ailaa 120 Qof
1650€








 Qiimaha Hoolalka Xafladaha Lagu Qabanayay ayaa Iyagauna ahaa Kuwo Kiro  ah oo Baycoodu Udhaxeeyay 700€  ilaa  1800€


  Isu  gaynta   Lacagta Laghelay Xafladaha  iyo Qarashaadka Hore Loogliyay  ayaa  Aad   ukala Badan Waxana   Hubaal ah in aan  Kooxina Helin Faa,ido Dhaqaale  oo ahaa Wixii   Loodagaamayay Sababtana U ahaa    khilaafka  iyo  kalataga Jaaliyada, Waxa kale oo iyana  Xaalada    Ugasiidartay Qabanqaabiyaasha oo intooda badani ahaa  dadka Dhawaan Soogalka ah marka laga  reebo xaflada  Stuttgart oo ay dad waayo Aragi wadeen.

 Sidoo kale Isbahaysi Qabyaaladi Kudheehantay iyana kamay madhnayn Qaabkii wax Loo abaabulayay

 Iskataba aha  udhacdee Waxa iyana  Ceebta  iyo  fadeexadaha Dulhoganaysa Jaaliyadaha Somaliland ee Dalka Jarmalka   laqabta oo  Qayb Madaw ku leh Wasiirada Deegaanka Shugri Xaaji Boondare oo talooyinkii waayeelka iyo Wax Garadka Jaaliyada   iska indho tirtay, inkasta oo ay Xogaha Qaarkood Usheegeen in Wasiiradu Ujeedka  kaliya  ee  ay Jarmalka  u Timi  ay ahayd Xaalado Caafimaad  iyo Dano Ugaara hadana  Waxa ay  Kushaanbadawday  Fadeexada Kadhalatay Qabashada Xuska  18  may Jarmalka oo ay ahayd   Masuulka Kaliya  ee Xilkahayay Xukuumada Somaliland  ee Kasoo Qayb Galay Xafladahan Isfashiliyay

Faa,ido La,aan  iyo Fadeexad  ayay  Natiijada  Noqotay Guud ee Midaysay Qabanqaabiyaashii Xafladaha Fashilmay!


Eid Aden H: Abdi
Somalilandlive.com/ Office Frankfurt-Germany

Somalilandlive@hotmail.com
Info@somalilandlive.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online