Real Madrid Oo Bernabeu Ku Xasuuqaday Gatafe, Cristiano Ronlado Oo Saddexley Dhaliyay,Martin Odegaard Oo Rekoodha Cusub Real Madrid U Dhigay, Xili Los Blancos Ay Xili Ciyaareedka Guul Ku Soo xidhatay

0
May 24, 2015 in Wararka by Staff SLL Media
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Bernabeu Ku Xasuuqaday Gatafe, Cristiano Ronlado Oo Saddexley Dhaliyay,Martin Odegaard Oo Rekoodha Cusub Real Madrid U Dhigay, Xili Los Blancos Ay Xili Ciyaareedka Guul Ku Soo xidhatay

    Real Madrid Oo Bernabeu Ku Xasuuqaday Gatafe, Cristiano Ronlado Oo Saddexley Dhaliyay,Martin Odegaard Oo Rekoodha Cusub Real Madrid U Dhigay, Xili Los Blancos Ay Xili Ciyaareedka Guul Ku Soo xidhatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Bernabeu Ku Xasuuqaday Gatafe, Cristiano Ronlado Oo Saddexley Dhaliyay,Martin Odegaard Oo Rekoodha Cusub Real Madrid U Dhigay, Xili Los Blancos Ay Xili Ciyaareedka Guul Ku Soo xidhatay



Real

Real Madrid ayaa xili ciyaareedka 2014/15 ku soo xidhatay guul wayn oo ay Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda Gatafe. Kulankan ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxood 10 gool iska dhaliyeen.Cristiano Ronlado ayaa muddo 34 daqiiqo ah ku dhaliyay saddexley isaga oo gool dhalintiisa xili ciyaareedkan ee La Ligaha ka dhigay 48 gool. Ronlado ayaa laba gool oo kaliya u jirsaday inuu jabiyo rekoodhka gool dhalinta ee Lionel Messi kaas oo 50 gool hal xili ciyaareed horyaalka La Ligaha ka dhaliyay. Real Madrid ayaa guushan ku gaadhay xasuuq ay Gatafe ugu gaysatay 7:3.

Laakiin Ronlado ayaa xili ciyaareedkan tartamada oo dhan ka dhaliyay 61 gool waana xili ciyaareedkiisii uu goolasha ugu badan dhaliyay. Real Madrid ayaa guushan ku gaadhay  saddexley uu Ronaldo dhaliyay halka ay min hal gool dhaliyeen James Rodriguez, Jese Rodriguez,Chicharito iyo Marcelo oo goolka ugu danbeeyay dhamaadkii ciyaarta dhaliyay.Heerarkii kala duwaanaa ee uu Ronlado xili ciyaareedyadii hore ku dhamaystay sawirkiisa halkan hoose ka fiiri.Laakiin goolashan ayaa ah tartamada oo dhanCR7

.Ronlado ayaa xaqiijistay inuu  markii afaraad ku guulaysatay kabta dahabka ah ee Yurub isaga oo sidoo kale difaacday abaal marinta gool dhalinta horyaalka La Ligaha ee uu xili ciyaareedkii hore ku guulaystay.Ronlado ayaan qaybtii danbe ee ciyaarta wax badan ka ciyaarin iyada oo lagu soo badalay da’yarka Martin Odegard.Ronaldo3

Real Madrid ayaa kulankii xili ciyaareedkan 2014/15 ugu danbeeyay Bernabeu ku soo dhawaysay kooxda kooxda Gatafe, waxayna Real Madrid kulankan ciyaaraysay waqti ay Barcelona Camp Nou ugu dabaal dagaysay hanashada koobka horyaalka La Ligaha laakiin Real Madrid ayaa doonaysay inay xili ciyaareedka guul ku soo xidhato.

Waxaa lays waydiinayay inuu kulankani noqon doono kulankii Ancelotti Real Madrid ugu danbeeyay iyada oo ay su’aal wayni saaran tahay mustaqbalkiisa Bernabeu.Kulankan ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay markiiba labada kooxood qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Real Madrid oo jamaahiirteeda ayna wax koob ah xili ciyaareedkan ugu guulaysan ku hor ciyaaraysay ayaa doonaysa inay markiiba ciyaarta disho oo ay Gatafe goolal badan kaga badiso laakiin Gatafe ayaan dab yar shidin oo wacdaro ku bilaabatay.

Daqiiqadii 13 aad ayuu Ronlado Real Madrid udhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda iska lahaa  Marcelo,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Real hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Goolkan ayaa ahaa goolkii 46 aad ee uu Ronlado xili ciyaareed ka dhaliyo horyaalka La Ligaha, wuxuuna xaqiijistay inuu xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay gool dhalinta la Ligaha iyo kabta dahabka ah ee Yurub.Ronaldo4

Hogaanka ay Real Madris la wareegtay ayaan sii waarin, waxayna Gatafe goolka barbaraha la timid daqiiqadii 22 aad waxaana goolka barbaraha udhaliyay Sergio Escudero kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Afar daqiiqo oo kaliya kadib ayay Gatafe markeeda hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu goolka labaad udhaliyay Diego Castro, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda iska lahaa Pedro León, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Gatafe hogaanka ciyaarta ugu qabatay.

Laakiin Ronaldo ayaa daqiiqadii 32 aad kooxdiisa udhaliyay goolka barbaraha isaga oo goolkana kudhaliyay laaga xortay ah oo uu ka soo tuuray meel goolka Gatafe u jirtay 30 yards, wuxuuna Ronlado ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2:2 ah.Ronlado2

Laba daqiiqo oo kaliya markii laga joogay goolka Ronlado ayaa Real Madrid lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu  Vigaray qalad ku galay Chicharito waxaana rekoodhahan gool usarifay Cristioano Ronlado, wuxuuna Ronaldo halkaas ku dhamaystirtay saddexleyda uu qaybta hore ee ciyaarta dhaliyay.Ronaldo ayaa 34 daqiiqo ku dhaliyay saddexleydiisa kulankan, wuxuuna sidaa Ronlado ku dhaliyay goolkiisii 48 aad ee La Ligaha ee xili ciyaareedkan 2014/15 .cristiano-ronaldo-schalke-real-madrid_3275109

Laakiin markale ayay ciyaartu indho kale yeelatay, waxaynaa wacdaro cusubla soo baxday Gatafe oo markeeda haddana la timid goolka barbaraha waxaana daqiiqadii 42 aad gool gantaal ah udhaliyay Lacen kaas oo markale ciyaarta ka dhigay barbaro 3:3 ah.Lacen ayaa Casillas u diiday inuu wax dhaqaaq ah sameeyo kaliya wuxuu ku war helay kubbad shabiqiisa ka shanqadhisay.Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid waali ah oo aan la rumaysan karin, waxayna labada kooxood iska dhaliyeen 6 gool. Waxaana lagu kala nastay iyada oo ciyaartu barbaro 3:3 ah tahay.Real

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabatay iyada ku socota dardar laba jibaaran, waxayna daqiiqadii 47 aad goolka afaraad udhaliyay Javier ‘Chicharito’ Hernandez kaas oo ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay James wuxuuna markiisa ciyaarta ka dhigay 4:3 ay Real Madrid hogaanka kula wareegtay.James

Real Madrid ayaa markale daqiiqadii 51 aad heshay goolkeeda shanaad waxaan si qurux badan laaga xorta ah ugu dhaliyay James Rodríguez kaas oo ciyaarta u badalay 5:3 ay Los Blancos hogaaka ku dheeraysatay. Real Madrid ayaa markan u muuqatay inay maamulka ciyaarta  la wareegtay inkasta oo ay Gatafe wali weerar helis ah soo qaadaysay.

Daqiiqadii 58 aad ayaa ciyaarta la soo galiyay da’yarka Martin Odegaard kaas oo lagu soo badalay Cristiano Ronlado, wuxuuna kulankan Real Madrid u ciyaaray isaga oo ay da’diisu tahay 16 sano jir, shan bilood iyo lix maalmood, wuxuuna rekoodh ku dhigay inuu noqday ciyaartoygii Real Madrid ugu da’da yaraa ee kulankiisii ugu horeeyay Los Blancos u ciyaara.Ronaldo and Odegaard

Daqiiqadii 71 aad ayuu Jesé Rodríguez liiska ciyaartoyda goolasha dhaliyay isku daray kadib markii uu kooxdiisa goolka lixaad udhaliyay, wuxuuna ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay James Rodriguez oo ciyaarta iftiminayay.Ciyaarta ayaa noqotay 6:3 ay Real Madrid ku xaaqyso kooxda martida u ahayd ee Gatafe oo markan kala daadatay.

Waxaa bandhiga goolasha Real Madrid daqiiqadii 90 aad soo gabagabeeyay Marcelona oo ka faa’iidaystay kubbad uu Jesé Rodríguez goolka Gatafe soo hormariyay, waxayna markan ciyaartu noqotay 7:0 ay Real Madrid ku burbursatay Gatafe oo markii hore u muuqatay koox natiijo fiican kala tagi karta Bernabeu. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 7:3 ay Real Madrid guul wayn ugu soo xidhatay xili ciyaareedkan 2014/15




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>