Mujaaahid Abwaan Cabdi Xundub Oo Gabay Ka Tiriyay Xaalada Dalka Iyo Guddoomiye Saleebaan Oo Uu Diirada Saaray Weedhihii Shalay Ka Soo Yeedhay

0
May 29, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaaahid Abwaan Cabdi Xundub Oo Gabay Ka Tiriyay Xaalada Dalka Iyo Guddoomiye Saleebaan Oo Uu Diirada Saaray Weedhihii Shalay Ka Soo Yeedhay

    " Ka shifmay guddoomiyihi, Kelina uu taagan yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Ka shifmay guddoomiyihi, Kelina uu taagan yahay"


 

 

Maansadii Dal Jire

 

Kolkaan afrikaanka nahay

Kursigaa baas ee kudka ah

Kaadeedkiyo kaarka badan

Korkiisu qof qaadi karo

keenii damac uu ka galo

Kabuu ka idlaanayaan

Karaahida loogu tago

Kaanbaynkii odhinga iyo

kibaakina aan ogayn

Kolkay ay is colaadsadeen

kuukuuyo intuu ka dilay

Ka soo degi maayo iyo

Kolkay-gaan cantuugayaa

kistayda baneeyabaa

Kobtaa ina joojisoo

Kolkaynu is quudhsanee

Ku faanay qabiil nimaa

Kabaal keenii jaboo

Karaamo dhac baynu nee

Kol haday la kufeen xilkii

Kuwii guurtida ahaa

Ka shifmay guddoomiyihi

Kelina uu taagan yahay

Axsaabtiin ay kulmeen

Kurbana ay naga jareen

Kuwiina hamuunsanee

Kurisga wadda kuun yayoow

Kulaylka siyaasadiyo

Kulaylka dhaqaalihiyo

Kiiloogii bariise hee

Kor u kacay kumanaanka goor

Kadeedkaa si looga baxo

Ka fiirsada doorashada

Kufsigu ma wanaagsanee

Dhammaad

 

Mujaahi Abwaan Cabdi Cismaan (Xundub)

Tel:063-4110975



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online