Sawiro Xoojinta wax soo saarka xiga DAGMADA Go'da Wayn Ka dib mashruuc lagu xoojinayo ka-faa'iideysiga xigga ayaa ay dalka ka fulinaysaa hay'adda Candlelight iyada oo gacan dhaqaale ka heshay hay'adda caalamiga ah ee International Solidarity Foundation of Finland

0
June 10, 2015 in Wararka by Staff SLL Media
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro Xoojinta wax soo saarka xiga DAGMADA Go'da Wayn Ka dib mashruuc lagu xoojinayo ka-faa'iideysiga xigga ayaa ay dalka ka fulinaysaa hay'adda Candlelight iyada oo gacan dhaqaale ka heshay hay'adda caalamiga ah ee International Solidarity Foundation of Finland

    Sawiro Xoojint wax soo saarka xiga DAGMADA Go'da Wayn Ka dib mashruuc lagu xoojinayo ka-faa'iideysiga xigga ayaa ay dalka ka fulinaysaa hay'adda Candlelight iyada oo gacan dhaqaale ka heshay hay'adda caalamiga ah ee International

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawiro Xoojint wax soo saarka xiga DAGMADA Go'da Wayn Ka dib mashruuc lagu xoojinayo ka-faa'iideysiga xigga ayaa ay dalka ka fulinaysaa hay'adda Candlelight iyada oo gacan dhaqaale ka heshay hay'adda caalamiga ah ee International Solidarity Foundation

.

XOOJINTA WAX-SOO-SAARKA XIGGA
Dhaqan ahaan, dumarka Soomaalidu waxa ay xigga siiba jaadka xero-dhalaka ah (Sansevieria ehrenbergii) ka sameeyeen xadhko oo keliya. Ha yeeshee, waxa jirta in adeegsiga xiggu uu caalamka ku sii kordhayo. Maxaa yeelay, wax dhibaato ah deegaanka kuma laha, qashinkiisuna iskii ayuu u baaba’aa. Adeegsigiisa kala duwan waxa ka mid ah:


- Xadhko, shandado, furaasho, roogag iwm
- Samaynta waraaqaha
- Qaybo ka mid ah dahaadhka (body) baabuurta
- Dhismaha
- Barcinta iyo nafaqaynta ciidda
- Qashinkiisa oo xoolaha lagu quuday
- Hawo wax lagu shito oo qashinkiisa laga sameeyo
- Iyo qaar kale
Bishii Diisambar, 2014, koox ka tirsan hay’adda Candlelight ayaa booqasho aqoon korodhsi ah u tagtay dalka Kiiniya si ay wax uga soo ogaadeen adeegsiga kala duwan ee xigga, iyo sida uu uga qayb qaadanayo kobcinta dhaqaalaha bulshada miyiga ku nool – siiba dumarka.
Ka dib mashruuc lagu xoojinayo ka-faa’iideysiga xigga ayaa ay dalka ka fulinaysaa hay’adda Candlelight iyada oo gacan dhaqaale ka heshay hay’adda caalamiga ah ee International Solidarity Foundation of Finland. Mashruucaas waxa laga fulinayaa dooxada Go’da weyn oo xigga jaadkiisu yahay Agave Sislana lagu beeray 1950aadkii – kaas oo dibedda laga keenay. Dooxada Go’da weyni waa meesha ugu badan ee uu ka baxo xigga jaadkaasi, isla markaana waa meesha ugu wax soo saar badan dhinaca xigga. 
Mashruucu waxa uu ka kooban yahay in bulshada la siiyo mishiino xiga xigga, kolkaasna fududeeya xigista, mishiino xadhigga sooha, tababbarro la xidhiidha farsamooyin agab kala duwan lagaga soo saarayo xigga iyo ugu dambayn badinta iyo baahinta xigga












Somalilandlive.com 

Munich Germany 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online