MILICSIGA MUSHKILADAHA BARIGA DHEXE, IYO QUWADAHA KU LOOLAMAAYA WAXA´ AY KALA YIHIIN, IYO DANAHA AY KA KALA LEEYIHIN .

0
June 17, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 3910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MILICSIGA MUSHKILADAHA BARIGA DHEXE, IYO QUWADAHA KU LOOLAMAAYA WAXA´ AY KALA YIHIIN, IYO DANAHA AY KA KALA LEEYIHIN .

    MILICSIGA MUSHKILADAHA BARIGA DHEXE, IYO QUWADAHA KU LOOLAMAAYA WAXA´ AY KALA YIHIIN, IYO DANAHA AY KA KALA LEEYIHIN .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MILICSIGA MUSHKILADAHA BARIGA DHEXE, IYO QUWADAHA KU LOOLAMAAYA WAXA´ AY KALA YIHIIN, IYO DANAHA AY KA KALA LEEYIHIN .




MILICSIGA MUSHKILADAHA BARIGA DHEXE, IYO QUWADAHA KU LOOLAMAAYA
WAXA´ AY KALA YIHIIN, IYO DANAHA AY KA KALA LEEYIHIN .



Ahmiyada bariga dhexe
 SLL:-/ warsan iyo weedhsan waxaynu qormadan iyada ah waxyar ka biniixindoonaa mushkilada ka aloosan bariga dhexe, se intaynaan guda galin waxaa ila haboon inaynu horta isla eegno muhiimada goobtan juquraafi u leedahay dunida maanta aynu ku noolnahay, Bariga dhexe hadaynu ka eegno dhinaca diimaha waa goob ay ku abtirsadaan dhamaanba diimaha samaawiga ah ee loo naqaano(Monotheistic religions )sidaa darteed bay wadamada diinta masiixiga ahi ay caqiidadooda uga mid tahay inaanu Jesus ama ciise aanu soo degidoonin ilaayo Isreal dhulka barakaysan loo dhiibo, yuhuuduna sidoo kale waxay aaminsan yihiin inuu yahay dhulkoodii ay awoowyaashood ka dhaxleen
(Promised Land)sidoo kale ayaa dadka muslimka ahina lahaanshaha xaq ahaaneed ugu dagaalamayaan.

waxa kale ayuu bariga dhexe qani ku yahay daraasaynta taariikhda aadamaha, waayo waxaa ka soo dhisnaan jiray ilbaxnimooyinkii dunida ugu horeeeyey ama caansanaa, ha ahaato, Mosobotaamiya "Ciraaq „ iyo ilbaxnimooyinkii (Babylon civilization ) amaba hadaynu u kacno dhankaa iyo Masar iyo faraaciintii oo ilaa maanta la daraaseeyo dhaxalkay aadamaha uga tageen, dhinaca geopolitics hadaynu eegno bogcada ay dhacdo waa meel ay ku kulmaan ilbaxnimooyinka ugu qadiimsan iyo diimahuba, waxayn kaloo dhacdaa badhamaha dunida sidaa darteed cidkastoo rabtaa dunida inay u talisaa kama maaranto inay bariga dhexe hanato, waayo, Afrika,Aasiya, Europe ba waad u kala gooshi kartaa markaad bariga dhexe joogto,waxa kale oo mandiqada ku yaal sadex marin biyood oo muhiima sida biyo mareenka Hormuz, Baabul Mandab ,iyo Suezkanaal sidaas darteed maanta quwada dunida ku amarkutaaglaysa (USA) waxay ku leedahay bariga dhexe saldhigyada ciidamada ee ugu waawayn ee ay dunida ku leedahay, waxay kaloo ku leedahay safaaradeeda ugu wayn aduunkaba waxay safaarado ku leedahay, taas oo ay ka dhisatay Baqdad, dhinaca dhaqaalaha markaynu eegno waxaa ahmiyad u sii yeelay waa goob ku hodana soosaarka saliida qaydhin "Crude Oil „ wadanka dunida ugu soo saarista badan saliiduba wuxuu ku yaala mandiqada bariga dhexe waana wadanka Sucuudiga, guud ahaana saliida ay soo saaraan waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 30% baahida dunida, sidoo kale maadaama ay soo saaraan saliid badan iyaguna aanay wax samaysan waxay yihiin suuq balaadhan oo dunida wax soosaartaa ay u iibgeeyaan waxa ay soo saaraan.


Mushkilada Carabta
اتفق العرب على ان لا يتفقواwaa odhaah u meelmartay shirarka wadamada carabtu hadba ku qabsato caasimad ka mida caasimadahooda odhaahdan oo micnaheedu yahay "Carabi waxay isku waafaqday inaanay iswaafiqin" runtii waa odhaah ka turjumaysa xaalada ay ku sugantahay carabtu, marka la eego carabta waa dad isku hayba waana dad isku diina, waana dad isku dana, waana dad degaan, waana dad af iyo taariikhba wadaaga, hadana intaasiba way midayn kari wayday, marka dhaqan ahaan la eego umadaha carabtu dhaqanka wadadoodida"culture of dailgue „ dhaqan ahaan uma laha , sidaas darteed dhibaatada ugu wayn ee haysata carabta waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay: iyagoon wada hadli karin dhibtoodana ka wada xaajoon karin, taariikhda hadaad dib ugu laabatona xataa boqortooyooyinkii islaamku waxay ku salaysnaayeen dagaaladii dhex mari jiray wax la xidhiidha arinkaas isaga ah.Hadaynu maanta u nimaadno waaqaca ay carabi ku sugantahay waa mid muruqo badan dhinca waa loo heshiiyey qaybsigooda iyo boobista khayroodkooda, dhinacna Isreal baa ka cunaysa , dhana Iran ayaa ka cunaysa, dhana iyagiiba is cunaaya .


Qorshaha Reergalbeed ee ku aadan dunida carabta iyo dantay Israil ka leyiin.
Inkastoo isticmaalka ereyga barigadhexe uu yahay ereybixin la inoo sameeyey waayo marka dhulka bariga dhexe loo bixiyey laga hadlaayo hadii la odhan lahaa Isreal dhulkeeda carabtu maaha Isreal sidoo kale hadii la odhan lahaa dhulka carabta, Isreal maaha carab amaba muslim sidaa darteed ayaa sababtay in tilmaan midna aan ahayn lagu tilmaansado oo la yidhaa Bariga-dhexe, Hadaan u imaado qorshaha Reer Galbeed uga dajisan Bariga dhexe wuxuu xidhiidh la leeyahay goaankii ay wada jirka u soo saareen 7 wadan oo reer galbeedi shirkii caanka ahaa ee uu
Londonku qabtay raiisal wasaarihii Boqortooyadii ingiriiska ee 1907ninkii la odhan jiray Sir Henry Campbell-Bannermanshirkaas oo loogu magacaabo (Imperial Conference of 1907)waxaana shirkaas lagu falanqayeey suaasha ah boqortooyada Ingiriisku way sii dumaysaa ee markay dunto maxaa laga yeelayaa dunida ay ka taliso gaar ahaan dunida muslimka oo ay carabtu ka mid ahayd? waxaana talo ay ku gaadheen in si bariga dhexe khadka loolanka dunida looga saaro gaar ahaan carabta waa in sida soo socota la yeelo :-
A-in Bariga-dhexe lagu dhex beero umad cusub umadaas oo laba shaqo u qabata reer galbeedka

1-inay umadaas cusub ee lagu beerayaa noqoto mid danaha reer galbeed ka fulisa bariga dhexe
2-inay umadaas cusubi shaqadeedu tahay inay ka shaqayso qalaalase galinta bariga dhexe iyo dibu dhaca wadamada bariga dhexe. Waana sababta keentay in Isreal lagu beero wadnaha dunida muslimka gaar ahaan carabta dhexdooda,sidaas awgeed in bariga dhexe sidaa iskugu jeedo dan bay u tahay dunida galbeedka se waa inaanu qalalaasuhu noqon mid faraha ka baxa oo carqaladeeya danaha kale ee ay ka leeyihiin Bariga-dhexe sida saliida ay ka qaataan iyo xidhiidhada kale ee ay la leeyihiin. Waxa dedaalo aydin aragtaan ee xal loogu raadinaayo mushkilada bariga dhexe maaha in mushkilada la xaliyo ee waa in mushkilada la maamulo (Low intensity conflict)



Mushkilada Iran iyo reer galbeed iyo waxay Iran reer galbeed uga dhigantahay.
sidaynu la socono ka dib burburkii ku yimi wadankii Ciraaq waxay Iran noqotay quwada bariga dhexe, waxaanad hada moodaa inay u eegtahay inay isu dhigayso Turkiya oo kale oo iyadu u sharaxan hogaanka suniga bariga dhexe halka ay Iran iyaduna tahay afhayeenka shiicada bariga dhexe, waana sida la rabo inay mandiqada bariga dhexe noqoto meel labadaa quwadood ku loolamayaan dawladaha carbeedna noqdaan meel ay quwadaha gobolku ku loolamaan sida hadaba ay yihiin, intaas oo aynu soo sheegnayba reer galbeed waxba kama qabaan waanay ku jirtaa dantoodu inay Iran ahaato quwad ka mida quwadaha gobolka hase ahaatee waxay suaashu tahay hadaa maxay isku haystaan reer galbeedka iyo Iran ?

Si aynu usoo koobno jawaabta suaashaas waxay tahay: inay Iran ahaato quwada gobolka oo ay ku garaacaan suniga bariga dhexe dan ayaa reer gabeed ugu jirta se waxa la isku hayaa oo qudhi waxay tahay inay noqoto quwad faraha ka baxday waayo hadii ay hanato awooda hubka Nuclearka loo yaqaan waxaa adkaanaysa sidii amar loo siin lahaa Iran, waayo hanashada hubka aadka wax u gumaadaa wuxuu siinayaa awood dheeraada oo ay kaga santaagi karto cidkastoo u yeedhin rabta awaamir aanay iyadu rabin sidaa darteed inay ahaato quwada u baalaxooftaysa bariga dhexe hase ahaatee aan ka hor iman karin masaalixda reer galbeed ayey rabaan inay ahaato waana arinta ay Iran rabto inay ka baxdo markay hanato awooda Nuclearka gaar ahaan qaab milatery markay u adeegsato, sidaa darteed nuxurka khilaafka reer galbeed iyo Iran u dhaxeeyaa waa intaaas aynu soo sheegnay ee maaha u hiilin ay rabaan inay u hiiliyaan dunida suniga ah, waayo waxay adeegsanayaan qaacidadii odhan jirtay (The enemy of my enemy is my friend ) cadawgayga cadawgii waa saaxiibkay kolkaa waxa maanta ka socda bariga-dhexena waa taas shiico iyo suni madaxa la isku galiyey waxay Iran maanta ka halisaysantahay Israil waayo shiicada waxa dabada ka wadaa wa iyada reer galbeedna ka haysataa reer galbeed "Green light „ waxay Iran farogalin kula jirtaa Lubnan,Suuriya, Ciraaq, yemen waxay sidoo kale Iran carab ka haysataa dhul sideed jeer ka wayn dhulka ay Isreal ka haysato carab dhulkaas oo loo yaqaan Al-Axwaas waxay sidoo kale wadanka Emirates ka haysataa sadex jaziiradood oo ilaa hada murankoodu taaganyahay, sidaas darteed waxay Iran reer galbeed ka haysaa shaqo ah burburinta dunida suniga ah sidaas darteed reer galbeed iyo Iran waa saaxiibo ee maaha isku cadow.


Russia danaha ay ka leedahay qulquladaha bariga dhexe
Tan iyo markii uu talada dalka Ruushka gacanta uu ku dhigay madaxwayne Vlademir Putin sanadii 2000 waxaa isbadaley hanaankii siyaasada arimaha dibada ee Ruushka kadib markii madaxwayne Putin ku talaabsaday talaabooyin uu wax kaga badalay hanaansocodka wadankiisa kuwaas oo saameyey hab dhaqan iyo hab dhaqaaleba, isbadaladaasi waxay kaalmeeyeen inay siyaasadii arimaha dibada ee Ruushku soo noolaato hase ahaatee soo noolaanshaha Ruushku wuxuu werwergaliyey quwadaha Reergalbeed sidaa darteed ayey dhawr jeer iska hor yimaadeen Reer galbeed iyo Ruushku, waxaana iska hor imaadyadaa ugu waynaa dagaalkiiRuushka iyo Georgia ee iyadoo Georgia Maraykan iyo Reergalbeed dabada ka taageerayaan ku dhexmaray sanadii 2008 dagaalkaas oo ku caanbaxay( Russo-Georgian War ) waxaa kale oo iyana jirtay inay Galbeedka iyo Ruushki isku mari waayeen qorshaha Maraykan rabay inuu gantaalaha wax la iskaga difaaco yurubta bari dhigo sida wadamada Polland iyo Czech Republicisku soo wadaduuboo waxaynu hada wada ognahay mushkilada Yukrayn ( Ukrain )iyo heerka ay kala gaadhsiisay xidhiidhka Ruushka iyo Reergalbeed, sidaas darteed ayuu Ruushku wadamo bariga dhexe ku yaala u adeegsanayaa siday reer galbeed Georgia iyo Ukrain u adeegsadeen waxaana wadamadaa ka mida labada wadan ee mushkilada bariga dhexe hada ugu wayn oo ah Iran iyo qorshaheeda Nukliyeerka iyo Suuriya arinkeeda, sidaas darteed ayey labadan wadani u yihiin wuxuu Ruushku kula gorgortami wadamada reer galbeed , arinka Ukrain wuxuu u dhigmaa arinka Iran halka Suuriya u dhiganto Georgia sidaa darteed ayey waxay tahay falsafada Ruushkuba inuu bariga dhexe ka heli karo wadamo uu ku khuukhiyo reer galbeed siday isaga ugu khuukhiyaan Urkain iyo Georgia.




Turkiya iyo himiladeeda Barigadhexe

waxaynu dhamaan lawada soconaa inay Turkiyaahayd dawladii hogaaminaysay khilaafadii ugu danbaysay ee islaamka ee ahayd (Ottoman Empire )boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxa boqortooyadaa albaabada reer galbeed u laabeen 1924 waxaanu ahaa khaliifkii ugu danbeeyey ee u talinaayey Sultan AbduHamid , dhulkii baaxada lahaa ee dunida muslimka ee ay Turkiya ka talinaysayna waxaa kala qaybsadey reergalbeed iyagoo gumaysanaaya waxaanay u bixiyeen dhulkaa ( the lagacy of the sick man - dhaxalkii ninka bukay) waxaanay dalkii Turkiya u dhiibteen ninkii la odhan jiray Mr Mustafa Kamal Ataturk, kaas oo la dagaalamay dhamaan astaamihii diinta islaamka ee ay lahayd Turkiya dhaqan ahaan waxaanu nidaamkii xukun ka dhigay mid Cilmaani ah (Secular system)waxaanu daaqada katuuray nidaamkii khilaafada waxaanu ku bedelay nidaamka Jamhuuriga ah ee ilaa hada Turkiya lagu dhaqo.

sheekadu socotoba waxaa tan iyo waagaa jiray dedaalo dad indheergarad ahi oo Turkiyi wadeen oo ah sidii Turkiya ugu soo laaban lahayd xayndaabkeedii dunida Muslimka, dedaaladaas oo ay qoloba in ku soo dartay haba loo kala badnaadee sida Ali Adnan Menderes,Halil Turgut Özal, iyo
Necmettin Erbakan
, ilaa ay soo gaadhay Erdoganiyo kooxda maanta Turkiya ka talisa, oeo himiladoodu tahay sidii dunida muslimka ah loo soo uruurin lahaa gaar ahaan caalamka suniga ahi gacanta isku qabsan lahaa si uu u waajaho halisaha waqtigan aynu ku jiro haysta dunida muslimka ah, waxaanay ka dabqaadanayaan aragtidii uu aasaaskeeda uu lahaa macalinkoodii waynaa ee Necmettin Arbakan, ee uu ku aasaasay ururka D8 oo ah sideeda wadan ee lafdhabarta u ah dunida muslimka ahi urur ay ku bahoobeen sida G8 waxaana ilaa hada kumidaysan Turkiya, Indonisia , Malaysia , Pakistan, Nigeria, Egypt ,Bangeladesh, Iran hase ahaatee fikradaas ah in dunida muslimka ahi midowdo oo wax wada qabsataa waxay khatar ku tahay masaalixda dunida reer galbeed iyo Israelba .


sidaa darted waxaa la kala ilaaliyaa inay marnaba wadamada waawayn ee islaamku waxwada qabsankaraan oo midowi karaan, waxaana ugu horeeya in la kala ilaaliyo Turkiya oo mudo soo hogaamin jirtay dunida muslimka ah iyo Masar oo ah wadanka ugu muhiimsan carab, uguna tiro iyo khubaro badan iyo sucuudiga oo wadamada khaliijka ugu lafdhabarsan hadii sadexdaa wadan israacaan waxay wax ka badali karaan habsami socodka ciyaarta bariga dhexe sida ay turkiya rabtaana waataas, hase ahaatee nasiib daro markii ay timi ididiiladii ahayd markii Masar taladeedii gacanta u gashay xisbigii Ikhwaanul muslimiinta oo ay Turkiya isku falsafad ahayeen waxaa loo dabaray shirqool waxaana shirqoolkaa gacan wayn ka gaystay wadamo ka mida wadamada khaliijka, halka ay Turkiya ku gacansaydhay afgambigii Masar ka dhacay, khilaafkaasina wuxuu sababay inay wadamada khaliijka iyo Turkiyi kala fogaaadaan, waxaana khilaafkaa ka faaiidaystay Iran hase ahaatee markii ay muuqatay damaca Iran waxay hadana wadamada khaliijku oo uu sucuudigu horkacaayo aqoonsadeen khaladaadkii ay galeen iyo sida aanay uga maarmayn Turkiya si loo waajaho Iran, waxaan shaki ku jirin inay Turkiya markaa horena saxsanayd hadana saxsantahay ee markastaba Waxay waydaa garabka carabta xataa markaynu u noqono taariikhdii hore ee burburkii boqortooyadi Cusmaaniyiinta waxaa carab loo soo diray nin la odhan jiray "Lorance of Arebia „kaas oo carab waagaa ugu balan qaaday haday boqortooyada cusmaaniyiinta la jabiyaan in la siin doono dawladnimo, imikadan ididiiladu maxuma hadii ay qaataan Talada qoraaga caanka ee u dhashay wadanka Kuwait Professor Abdula Alnifisi oo ah sida qudha ee dhibka lagaga baxaayo ay tahay in wadamada carabta ee suniga ahi gacan saar la yeeshaan Turkiya si ay u waajahaan Iran iyo mashaakilka kalee haysta bariga dhexeba.


 Soosaare- Ilyas  Caantaynle

ihy88571@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>