GUDDOOMIYAHA SONYO OO MAGACAABAY WAKIILKA DHALLINYARADA SOMALILAND U FADHIYI DOONA WADDANKA INGIRIISKA

0
June 26, 2015 in Wararka by Staff SLL Media
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDDOOMIYAHA SONYO OO MAGACAABAY WAKIILKA DHALLINYARADA SOMALILAND U FADHIYI DOONA WADDANKA INGIRIISKA

    GUDDOOMIYAHA SONYO OO MAGACAABAY WAKIILKA DHALLINYARADA SOMALILAND U FADHIYI DOONA WADDANKA INGIRIISKA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYAHA SONYO OO MAGACAABAY WAKIILKA DHALLINYARADA SOMALILAND U FADHIYI DOONA WADDANKA INGIRIISKA


Guddoomiyaha SONYO Oo Magacaabay Wakiilka Dhallinyarada Somaliland U Fadhiyi Doona Waddanka Ingiriiska

 

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali ayaa Magacaabay Wakiilka Dhallinyarada Somaliland ee Waddanka Ingiriiska oo noqon doona Danjiraha Arrimaha dhallinyarada Somaliland ee dalkaasi UK, kaasi oo loo magacaabay Aqoonyahan Xamse Xaamud Guuleed, oo ka mid ah dhallinyaradda qurbo-jooga ah ee firfircoon kuna dhaqan carriga Ingiriiska.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa lagu sheegay Magacaabista Xamse Xaamud Guuleed oo noqon doona Wakiilka Gaarka ah ee Arrimaha Dhallinyarada Somaliland u fadhiyi doona Waddanka Ingiriiska oo ah dal udub- dhexaad ah dunida sidoo kalena ay deggen yihiin Jaaliyadda ugu ballaadhan dalalka Yurub ee Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi Magacaabista Wakiilka Cusub ee dhallinyarada oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa lagu faahfaahiyey muhiimadda magacaabista Wakiil dhallinyaradu ku yeelato dalka UK oo ah dardar gelinta Hawlaha shaqo ee Golaha sare ee 7aad ee dalladda SONYO ay rabaan inay ku sameeyaan abaabulka iyo isku-xidhka dhallinyaradda qurbaha iyo kuwa gudaha. Guddoomiyuhu waxa uu sheegey isagoo cuskanaya qoddobka 10aad farqadiisa 1aad, xarafka M, inuu magacaabay Xamse Xaamud Guuleed inuu ahaado qofka Dallada SONYO u joogaya ugana wakiil noqonaya Carriga Ingiriiska.

Masuulkan cusub ee xilkan loo magacaabay ayaa ka qayb qaadan doona dadaalada dalladda Dhallinyarada Somaliland ugu jirto isku xidhka iyo horumarinta dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyada oo dhallinyarada Qurbe-joogta ah ee reer Somaliland door weyn ka qaadan karaan dadaaladaasi horumarineed ee dalka gaar ahaan dhallinyarada isaga oo ka mid noqon doona wakiilo Dalladda SONYO ka samaysay dalalka Dibadda kuwooda ugu muhiimsan.

Akhri Lifaaqa Magacaabista Wakiilka Ee Guddoomiyaha SONYO Oo Ku Qoran Luuqadda Ingiriisida





Somalilandlive.com 

Munich Germany 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online