Somaliland Oo Gashay Xaalad Kala Guur Siyaasadeed, Asxaabta Mucaaridka Ah Iyo Madasha Wada-Tashiga Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka+ Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Gelin Doona Go'aankii Guurtida+ Ergooyin Ka Socda Wadamada Dimu-Quraadiyadda Taageera Oo Dalka Ku Soo Fool Leh.

0
June 26, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Gashay Xaalad Kala Guur Siyaasadeed, Asxaabta Mucaaridka Ah Iyo Madasha Wada-Tashiga Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka+ Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Gelin Doona Go'aankii Guurtida+ Ergooyin Ka Socda Wadamada Dimu-Quraadiyadda Taageera Oo Dalka Ku Soo Fool Leh.

    Somaliland Oo Gashay Xaalad Kala Guur Siyaasadeed, Asxaabta Mucaaridka Ah Iyo Madasha Wada-Tashiga Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka+ Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Gelin Doona Go'aankii Guurtida+ Ergooyin Ka Socda Wadamada Dimu-Quraadiyadda Taageer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Gashay Xaalad Kala Guur Siyaasadeed, Asxaabta Mucaaridka Ah Iyo Madasha Wada-Tashiga Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka+ Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Gelin Doona Go'aankii Guurtida+ Ergooyin Ka Socda Wadamada Dimu-Quraadiyadda Taageera Oo Dalka Ku Soo Fool Leh.

Hargeysa(SLL)-xaaladda siyaasadeed ee somaliland ayaa gashay jaho-wareer siyaasi ah, markii uu is af-garan waa ka dhex dhashay Xukuumadda iyo asxaabta oo ku heeshin waayey waqti ay isla ogol yihiin, kadib markii ay asxaabta mucaaridku qaadaceen go'aankii gollaha Guurtidu Xukuumadda ugu kordhisay.

Madaxtooyada s/land ayaa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ruxay al-baabka laga galo Madaxtooyadda, ilo wareedyo ku sugan afafka madaxtooyadda ayaa shabakadda warar ee xogreebnews.com la hadlay waxanay sheegen inuu jiro Jawi siyaasadeed oo ka duwan kii hore oo aad moodo inuu soo kordhay. sarkaal sare oo la hadlay warbaahinta xogreebnews.com oo ka Cudur daartay in Magaciisa la baahiyo ayaa sheegay sidan. "waxa jira dhaq-dhaqaaq ka duwan kuwii hore oo ka socdaa Madaxtooyadda waxaanad moodaa inuu la xidhiidho xaaladda siyaasadeed ee ay wajahday s/land oo markii la isku mari waayey go'aankii asxaabta iyo kii guurtida midna aanu weli dhaqan gelin ayaa keenay ayaan u maleynayaa"

waxa kale, oo sarkaal kani noo sheegay in ay suuro gal tahay in Madaxweyne siilaanyo maalinta sabtida dhaqan geliyo Go'aankii Guurtida waxana uu YidhiiMar kale sidan," horta mar walba Madaxweynuhu wixii la socdaa go'aanka Guurtida wanay iska caday oo Daah ma saara ila sabtida waa suuro gal inuu dhaqan geliyo go'aankii Guurtida"

xogaha kale,ee aan ka heleyno aqala looga arrimo dalka waxa ay sheegayan inuu jiro is-maan dhaaf siyaasadeed oo ay isku Khilaafsan yihiin Saraakiisha Madaxtooyaddu.

Geesta kale, waxa jiraa shirar doceedyo u socda Madaxda asxaabta mucaaridka ah iyo Odayaasha Madasha wada-tashiga kuwaas oo Baaqyo uu diraaya Beesha Caalamka.

Docda kale, waxa la filayaa in ilaa sabtida dalka yimmaadan wufuud Heer caalami ah oo uu Hoggaaminaayo safiirka Ingiriiska uu fadhiya addis-sabab sida ilo diblumaasiyadeed uu cadeeyen shabakada warar ee xogreebnews.com. waxana suuro gal ah inay dhex-dhexaadin ka agalaan xaaladda siyaasadeed ee somaliland oo ku jirta sakal maadaama oo uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha oo ku eg maalinta Berri.

Somalilandlive.com/ Office Hargiesa

Webmaster@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online