Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo XaraashayoDhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In WasaaraddaCaafimaadku Wax Ka Qabato*

0
June 28, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo XaraashayoDhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In WasaaraddaCaafimaadku Wax Ka Qabato*

    Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo XaraashayoDhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In WasaaraddaCaafimaadku Wax Ka Qabato*

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo XaraashayoDhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In WasaaraddaCaafimaadku Wax Ka Qabato* Cillad Ku Timi Ambulance-kii Sallaxley Oo La Weriyey In Loo Xaraashayo
Dhul Wadada Cad Leedahay Iyo Dadka Quus Laga Muujiyey In Wasaaradda
Caafimaadku Wax Ka Qabato*

 Somalilandlive.com/. Wasaaradda Caafimaadku War Kama Hayso Xaallada Ambulance-kan Marka Laga
Reebo Lambar GT Ah Oo Ay Ku Xidheen, Maayarkuna Wax Adduun Ah Muu Haynin Oo
Wuxuu Yidhi…..”*


Baabuurka keli ah ee gargaarka degdega ah (ambulance) ee

uu lahaa cusbitaalka degmada Sallaxley ayaa dhawrkii maalmood ee u
dembeeyey u fadhiyey cillad ku timi kadib markii uu jabay isla markaana wax
ka noqday Geer bogoska. Baabuurkan oo ah Ambulance-ka keliya ee ay degmadu
leedahay oo ay dabayaaqadii kal saddexaad [2013] ay cusbitaalka Sallaxley
ugu deeqeen hay’adda samafalka ee gaaroodi ayaa habeen saddexaadkii cillad
farsamo ku timi isaga oo bukaan u soo sida dhinaca Hargeysa waxaana wadaha
dhoolligan MAxamuud Cabdi Jaamac (Ganey) oo Saxafada Qar ka mida la hadlay uu
sheegay in aanay haba yaraatee wasaaradda caafimaadku war ka haynin
xaallada baabuurkan, iyo cillada ku timi, waxaana uu intaa ku daray in
cillada baabuurku u fadhiyaaa ay gaadhayso dhawr kun oo dollar, "Baabuurku
sida kale waa u cusub yahay ee laakiin Geer bogosyadiisa oo bilaa tayo ah
ayaa kolba is masaxa, waxaana muddo sannad iyo badh ah oo aan dirawal ka
ahaa uu immika u fadhiistay geer bogosyada” sidaa ayuu yidhi wadaha
dhoolligani, waxaanu intaa ku daray mar uu ka jawaabayay su;aal nuxurkeedu
ahayd in wasaaradda caafimaadku war ka hayso xaaladda cusbitaalka
baabuurkani ka tirsan yahay, waxaana uu yidhi ‘niyow xagga wasaaradda
caafimaadka waxba nagama soo gaadhin, warna kama hayso, marka laga reebo
lambar GT ah (Taarikada baabuurka ee dawladda) oo ay ku xidheen uun, wax
alliyaale wax kale oo ay wasaaradda caafimaadku noo qabatana ma hayno.
Arrinta baabuurkanna waxaa uu u fadhiyaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo
dollar, wasaaradduse waxba kama oga I ee maayarka degmada iyo shacbiga
magaalada uun baa na dhiirigeliya, isaguna doorkan wax adduun ah muu haynin
ee wuxuu yidhi balloodh uga soo iibiya dhulka wadada cadi leedahay,
balloodhkiina lama iibsanin”. Ayuu yidhi dirawalku, warku waxa uu intaa kud
arayaa in baabuurkan oo habeenno fadhiyey jidka isku xidha Caasimadda
Hargeysa iyo degmada sallaxley ay shalay u gurmadeen muwaadiniin ka mid ah
dadka deegaanku, kuwaas oo u soo jiiday dhinaca Hargeysa si loogu cillad
bixiyo, waqti xaadirkana waxa uu ku jiraa oo lagu farsamaynaa geerka Aw
Cali ee Hargeysa. Geesta kale wararka uu wargeyska HUBAAL helay afar iyo
labaatankii saacadood ee udembeeyey waxa degmada Sallaxley iyo deegaannada
Hoos yimaada ku go’doomay hooyooyin fool ah oo cusbitaalka degmadu amray in
loo soo qaado dhinaca caasimadda Hargeysa, waxaana markii La waayay
ambulance lagu soo qaado, loo soo qaylo dhaan dirsaday dhinaca Hargeysa,
waxaaana cawayskii xalay baabuur ay dad shicib ahi leeyihiin isu xilqaameen
taakuleynta Hooyooyinka foosha ah ee gargaarka degdega ah u baahan, kuwaas
oo markii dembe loola soo cararay dhinaca Hargeysa. Qaar kamid ah dadka
deegaanka Sallaxley oo arrintan ka hadlay ayaaa nasiib darro ku tilmaamay
in xukuumadda uu ka diiwaangashan yahay cusbitaalka sallaxley aanay war iyo
wacaal midna ka hayn xaalladiisa, iyaga oo ku dhaliilay gaabiska ay degmadu
ka tabanayo wasaaradda caafimaadka. Waxa kale oo ay ayaan darro ku
tilmaameen in masuuliyiinta xukuumadda xilalka ka haya ee ka soo jeeda
deegaanka Sallaxley ay ka gaabiyeen doorkoodii ku xidhnaanshaha iyo ka war
heynta dadka ay wakiilka ka yihiin, "Waa nasiib darro iyo masuuliyiintii
degmada u meteleyey qaranku ay ka hurdaan dadkoodii, taariikhduna way xusi
doontaa kuwa aqallada iyo hantida ka samaystay xilalkii ummada loogu
dhiibay si ay ugu adeegaan, waxaanse leeyahay xukuumaddu ha u deymo yeelato
xubnaha dhegaha nugul ee shacbigooda wax u qabanaya iyo kuwa dhuuniga u
dhex jooga qaranka, waayo hore ayaa looyidhi ninna dhuunuu kuu dhex joogaa
ninna dhaqasho ayuu kuugu dhabar jabay” sidaa waxa yidhi mid kamid ah
dadkii arrinta baabuurka goob joogga u ahaa ee degmada ka soojeeda, kaasi
oo aan magaciisa xusin.

© Somalilandlive.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online