Sideebaynu uga midnoqon doonaa midawga Ethiopia inagoon inagu dhaadayn?

0
June 29, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 2333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sideebaynu uga midnoqon doonaa midawga Ethiopia inagoon inagu dhaadayn?

    Sideebaynu uga midnoqon doonaa midawga Ethiopia inagoon inagu dhaadayn?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideebaynu uga midnoqon doonaa midawga Ethiopia inagoon inagu dhaadayn?


Sideebaynu uga midnoqon doonaa midawga Ethiopia inagoon inagu dhaadayn?


Odoroska iyo hilaadinta mustaqbalka danbe ee geeska aynu ku noolnahay wuxuu ku danbayn sida la qorshaynaayo tii Alana meel taale inay noqoto meel Itoobiya ay noqoto quwada geeska siday hadaba tahay,hadaba hadii aynu hoos uga sii daadagno marka aynu milicsano xaalka soomaalidu wuxuu ku danbayndoono iyo siday u eekaan karto marka uu mashruuca Itoobiya wadato u hirgalo oo ah inay iyadu noqoto (regional hegemonic power ) quwad gobolka saamaysa , Si hadaba riyadeedaasi u hirgasho waxay itoobiya awooda saartay qodobadan hoos ku xusan si ay Somaliland gacanteeda u soo galiso ,waayo, waxay Somaliland u muuqaataa inay tahay qaybta ay Itoobiya u heshay qayb ahaan,


kadib markii ay burburtay himiladii Soomaali wayn ,waxay kaloo u muuqataa inay Somalialand tahay qaybta ugu horeysa ee ku jirta marinka habdhiska dheefshiidka Itoobiya si kastaba ha ahaatee waa kuwan qodobada ay itoobiya awooda saarto si himiladeedu u hirgasho:
1- Sidii ay somaliland dhinaca siyaasada uga hagi lahayd
2-Sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd bulshada reer Somaliland gaar ahaan dhinaca arimaha bulshada sida Qaadka -Waxbarashada -Warbaahinta
3 -Hanashada dekadaha iyo dhinaca gegooyinka dayuuradaha iyo duulimaadka
4- Sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay noqoto suuq loo iibgeeyo laydhka Itobiya
5- Sidii kor loogu qaadi lahaa saamaynta milateri ee Itobiya ku leedahay gobolka

1-Siyaasada
Sidaynu hada lawada socono dhamaanba geyiga somalidu degto waxay siyaasiyiintoodu yihiin kuwo aan iyagu go´aaminkarin masiirkooda nololeed, waxaanay dhamaan tageero ka haystaan wadamada dibada sida Itoobiya iyo Kenya, hadii aanay labadaas taageero ka haysana waxa ku dhici doonta tii ku dhacday maxaakiimta oo kale, itoobiya iyo keenyana waxaa dabada ka taagan wadamada maanta talada dunida ilaah baa hayee iyaga wax laga waydiiyo kuna amar kutaagleeya maanta dunida, sida U.S iyo Europe . Umadkastoo dhinaca maamulkeeda siyaasi uu gacantaada ku jiraana waa umad aad ka gacan sarayso, awaamirtaad u dirtaana waxay u fulayaan sidii aad rabto, waxaanay fulayaan goortaad rabto, waayo, nidaamkaaba adiga ku raacsan.


sidaa darteed hadii uu nidaamka meeshaad dano ka leedahay uu gacantaada ka baxsan yahay ama aanu ahayn mid ku taageersan waxaa kugu adkaan karta maslaxadkastoo aad leedahay sidii aad u fushan lahayd, sidaa darteed bay itoobiya toos inooga abaartay gacan ku dhigida dhinaca siyaasiyiinta soomaaliyeed bari iyo galbeed, waqooyi iyo koonfurba. Ujeedada ugu wayn ee Itoobiya ka leedahay gacan ku dhigida siyaasiyiinta soomaaliyeed waxay tahay "in la heli karo siyaasiyiin aan waxba ka qabin masaalixda iyo saamaynta ay itoobiya ku leedahay gobolka" waxaanad moodaa inay guushaa gaadheen oo dhamaan siyaasiyiinta somaliyeed waxba kama qabaan hadafka ay itoobiya rabto. Ee ah inay ahaato quwada gobolka geeska Afrika

2-Saamaynta bulshada
Saamaynta ay ku leedahay Itoobiya qaybaha kala duwan ee bulshada soomaalida waxay dhaxalsiindoontaa inay itoobiya noqoto midaynolosha dhamaan qaybaha bulshadeenu ku tiirsantahay kuwo balwad ahaan ugu tiirsan iyo kuwo tacliin ahaan ugu tiirsan iyo kuwo nololmaalmeedkooda kale ku tiirsanyahay dheef ay ka helaan waxa ka yimaadaa Itoobiya haday tahay qaadka ama haday tahay ganacsiga kala duwan, waxay kaloo ay Itooobiya qorshaynaysaa cashuurta kaga baxda dekeda Berbera sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd waxaanay sidaas darteed bay tamarta ama laydhka rabtaa inay Somaliland uga keento wadankeeda oo aynu laydhkeeda isticmaalno si kooban dekadaada aan isticmaalo adna laydhkayga aan kaa iibiyo,qodobada waynu usoo noqon se aynu eegno dhinaca bulshada iyo saamaynta ay inagu yeelatay Itoobiya inagoo qodobadan hoos ku qoran milicsanayna.

Qaadka
Qaadku wuxuu ku jiraa xadhiga ugu muhiimsan ee ay Itoobiya bulshadeena ku hogaamiso isagoon qaadku ahayn wax faaiido inoo leh balse ah aafada ugu wayn ee haysata bulshadeena kama hadlaayo oo dhibta uu inagu hayo waynu wada ogsoonahay Waxa lagu qiyaasaa lacagta Somaliland oo qudhi maalinkasta ku soo iibsato qaadka inay gaadhayso 300,000 oo dollar halka miisaaniyad dawladu tahay 180 milyan sanadkiiba,waxaad halkaa ka arki kartaa umada miisaaniyad sanadeed keedu yahay inta aynu soo xusnay waxay ee hadan maalin kasta 300 000 oo Dollar ku iibsata maandooriye.

dhinaca kale dadka ugu badan ee cunaa waa dhalintii dalka waxaana qof kasta kaga luma maalinkasta ugu yaraan 8 saacadood siduu qaad u cuno,wuxuu sidoo kale sababaa dhibaatooyin caafimaad sida xanuunada dhimirku ha u bataan iyo xanuunada caloosha sidoo kale dhiig yarida iwm. Hase ahaatee waxaasoo dhiba kama hadli karaan dhamaan maamulada ka jira geyigii aynu kanimi mana xadaynkaraan aafadaa, sababtuna waxay tahay khasaaraha ugu wayn wuxuu soo gaadhayaa Itoobiya oo maalinkasta ugu 300,000 oo dollar Somaliland qudha ka hesha.

Dhinaca kale waxay u tahay Itoobiya waxay ku maamuli karto ama hogaanka ugu qaban karto tiradaa badan ee bulshadeena ka mida ee qaadka laasimtay ee waxkastana dhaafsanaaya si uu qaad u helo,Dhinaca kale markaad taariikhda eegto waxaad moodaa inay Itoobiya inagula jirto dagaaladii ay Ingiriiska iyo faransiisku la galeen China sanadihii (1839-1942 )(1856-1860) kuwaas oo loogu magac daray (Opium wars) falsafada ka danbaysay dagaaladaas labadaa wadan la galeen Chinana waxay ahayd iyadoo China loo iibgayn jiray maandooriyayaal oo aakhirkii dadkii reer China noqdeen kuwo aan ka qayb qaadan Karin koboca dhaqan dhaqaale ee dalwaynaha China sidaa darteed bay dawladii China isku dayday inay dadkeeda ka joojiso aafadaa ay u soo iibgeeyaan wadamada reer yurub hase ahaatee dhaqaale badan oo ka soo galaayey wadamadii soo iibgayn jiray awgeed waxay ku qasbeen in hadii xukuumada China joojiso maandooriyaha ay usoo iibgeeyaan in ay dagaal ku qaadi doonaan.

runtiina waxa dhacday siday sheegayaan China way isku dayday inay joojiso ka dibna dagaalkii baa lagu qaaday oo lagu qasbay mudaanay socdeen ilaa ay ka dhamaadeen dagaaladii. Sheekadana waxaa igu kaliftay waxaa dhici karta maadaama nidaamyada ka taliya geyigii soomaalida aanay awood u lahayn inay iska caabiyaan Itoobiya waxay ku qasbi kartaa nidaamkasta oo joojiya qaadka sidii Maxaakiimtaba ay ugu qaadeen dagaalka, iskusoo wada duuboo qaadku wuxuu ka midyahay waxay Itoobiya ku maamusho geyigii Soomaaliyeed gebi ahaantii,

Waxbarista Itoobiya
Waxaynu ogsoonahay inay waxbarashadu tahay waxyaalaha umaduhu isku gumaystaan waxaynu kaloo la soconaa gumaystihii saancadaalaha ahaa markuu dunida sadexdaad ka sii baxaayey umadkasta wuxuu wax u soo bareen wiilashii usii maamuli lahaa umadahaa ay ka baxayeen,umadaad manaahijteeda aqooneed u dhigtaana waa umad adiga kaa mid noqon doonta sidaa darteed dhalinta wadankii markaad eegto qolona waxay ku maamushaa maandooriyaha qaadka qolona waxay ku maamushaa buuga iyo manaahijta ay dhiganayaan waxaana hadhaw soo bixi doona jiilal dhan oo aan kala sooci Karin waxa u dhaxeeya waxa aynu nahay iyo waxa ay yihiin.sababtuna waxay tahay nooca waxbarasho ee ay qaateen oo ah "Brainwash"

Nooca waxbarasho ee dhalintu wadankii ku qaataan
Sidaynu wada ogsoonahay aqoonta maanta dunidan dultaala waxay u qaybiyaan laba qaybood "Human science & Nature science" oo kala ah si kooban aqoon uu caqliga aadamuhu marjic u yahay sida siyaasada dhaqaalaha maamulka i.w.m oo aad ka dhex arki karto buuga qofka qoray wuxuu aaminsanyahay. Qaybta kale ee aqoontuna waxay tahay mid aadan ka arki Karin qofka qaacidadan keenay ama buugan qoray wuxuu aaminsanaa sida xisaabta iyo waxkastoo shaybaadhka lagu eegi Karo, aqoontan danbe cidi kuma muranto hadii waxa la isku khilaafo shaybaadhkaa la geeyaa waa la eegaa laakin aqoonta nooca hore ee masdarka uu yahay caqligu cidi iskuma waafaqdo sidaa darteed waxaa la dhigtaa uun aragtiyo sida falsafada oo kale ama culuumta bulshada oo kale.

hadaba aqoonta ugu badan ee wadamo badan ardayda wadankii siiyaan waa taa danbe ee ah (human science) falsafada ka danbaysaana waa afkaarta umadaha kale inay si ugu dhex faafi karto bulshadeena waayo culuumta kale waxaa iska yar sidii afkaar kale loogu dhex qasi lahaa tusaale wiilka caafimad baranaaya iyo wiilka dhaqale baranaaya waxaa in fikrado kale loo gudbiyo u sahlan wiilka dhaqaalaha baranaaya halka kan kale waxkasta shaybaadhka uu la tagi karo oo shaybaadhku u yahay hubsiinada fikrada loo sheegay laakin dhaqaalaha ma jiro shaybaadh uu la tago ee waa aragtiyo sida dhaqaalaha islaamka, ka hanti goosida, ka hanti wadaaga iwm . sidaa darteed ayaad wadankeeni ku arki dhalinta ugu badan oo kuliyadaha ku baranaaya dhaqaale ama maamul iwm bal qabsoo waxaynu nahay wadanka ugu fiqiirsan dunida, ardayda jaaamcadaheena ugu badanina waxay bartaan dhaqaalaha.


Warbaahinta
Warbaahintu waa aaladaha casriga la isku adeegsado si loo xukumo cuquusha bulshooyinka waa meesha aad aragti umadeed wax kaga badali karto waana meesha wax quruxbadan aad ku foolxumayn karto fiicana ku xumayn karto, umada laga maro dhinaca warbaahintuna waxay u hogaansantaa hadba cidaa warbaahinta wax uga sheegaysa sidaas darteed waxay Itoobiya ku dadaalaysaa in dhinaca warbaahintana ay saamayn wayn inagaga yeelato si dhinaca saqaafada ama dhaqanka iyo wacyi galinta inaga hanato waana sababta sababtay in Radio Hargeysa habeenkii fiidka lagu siidaayo luqada amxaariga oo aad garan waydo meeshaad joogtaa meeshay tahay markaad waydiiso sababta luqada amxaariga Radio Hargeysa loogu sii daayaana lagu odhan waa barnaamij luqadaha caalamiga ah loogu talo galay suaashu waxay tahay goormay luqada amxaarigu noqotay luqad caalami ah oo ay tahay in bulshadeenu iyo ubadkeenu ku hadaaq bartaan? Goormay noqotay in heeskastoo ka soo baxda itoobiya Radiyo Hargeysa la inooga sii daayo? Sikastaba ha ahaatee waxaa cad heerka ay saamaynta inagu yeelatay Itoobiya.


3-Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa awooda ugu muhiimsan ee la isku hogaamiyo umad kastoo dhaqaalaheedu kobcaayo waa umad mustaqbal leh hadaan eegno dhinaca dunida marka la rabo umad in waxyeelo culus loo geysto iyadoon dhiig daadan wuxuunbaa lagu sameeyaa cunaqabatayn dhaqaale ,hadaad eegto dhinaca basaasida dunida quwadaha waawayn waxay iska basaasaan waxaa ugu horeeya milateriga waxaa ku xiga waa dhaqaalaha sidaa darteed umadkastoo kaa dhaqaale badan way kaa xoogbadantahay, waqtigan la joogo hadaba hadaan eegno kaabayaasha dhaqaalaha ee ay Itoobiya inagu hogaamin rabto oo ah mida "Air transportation and Electricity" oo ah madaarada iyo diyaaradaha iyo sidoo kale tamarta ay inoosoo dhoofin doonto

Itoobiya iyo saamaynteeda xaga hawada iyo madaarada ee Somaliland
Waa xubin muhiima marinada cirka iyo isku gooshida hawaduba cidkastoo hay´adaa kaa maamushaana waxay awood u leedahay inay xakamayso goorta aad baxayso, goobta aad ka baxayso iyo cida kaa baxaysaba waanay awoodaa Itoobiyi intaaba waxay leedahay shirkad diyaaradeed oo caalami ah uguna caansan qaarada madow ee aynu ka soo jeedno iskuna xidha daafaha dunida sidaa darteed waxaa la rabaa inaad ku xidhnaato iyada oo ay inoo noqoto marinka qudha ee aynu dunida ugu safarno, qofkastoo inoo imanaayana inoo soo qaado caasimadeedana soo maro ku kastoo inaga sii baxaayana sidoo kale,

waxaa kaloo la yaabmudan markaad eegto dhaqaalaha ka soo gala ee xad dhaafka ah dhinaca qiimaha tigidhada tusaale waxay ka soo duushaa diyaarada itoobiya madaarka Frankfurt ee wadanka Germany waxaad xiliyo badan ku heli karta tigidhkeeda Frankfurt ilaa Adis isagoo noqoshadiisiina wata 600-700 dollar inta u dhaxaysa halka markaad rabto inaad Adis ilaa Hargeisa goosato ay tahay inaad bixiso 300-400 dollar isbarbardhigu wuxuu yahay markaad Frankfurt ka soo duusho ee Adis aad imanayso waxaad soo raacaysaa Dream line diyaaradaha kuwa ugu casrisan waxaanad soo duulaysaa mudo sideed saac ku dhaw waxaanad bixin 500-600 dollar halka markaad hargeisa u duulayso aad raacayso diyaaradaha kuwa ugu yaryar ee marwaxadlayda ah waxaanad sii duuli mudo saacad iyo way la jira ah waxaanad bixin 300-400 oo Dollar caqliga suubani wuxuu ina siinayaa inay Hargeisi aad uga jabnaato se maxay ilaa xadkaa qaaliga u noqotay ?

Itoobiya iyo isticmaalka dekadaha wadamada la jaarka ah
waxaynu la soconaa inay Itoobiya tahay wadamada loo yaqaan "A landlocked Country" oo ah wadamada aaan dekedaha lahayn ee dhankasta wadamo kale kaga xeeran yihiin,Waxaynu kaloo la soconaa baaxada dalwaynaha itoobiya iyo tirada dadka ku noolba iyo sidoo kale koboca dhaqaale ee ka socda sidaa darteed waxay ku qasbantahay itoobiya inay xidhiidh wacan la yeelato wadamada ay martida ugaga tahay isticmaalka marinada biyaha (Dekedaha ) hase ahaatee wadamada ay ku qasbantahay inay adeegsato dekadahooda waxaa ka dhaxeeya qaarkood taariikh xasaasi ah tusaale Eriteriya waxaa ka dhaxeeya taariikh cadaawad salka ku haysa iyo muran dhuleed taasina waxay sababtay in Eriteriya ka mamnuucdo inay Itoobiya adeegsato dekadaha dalka Eriteriya waxaanay halkaa Itoobiyi ku wayday marin muhiim u ahaa .

Jabuuti waa marinka qudha ee u furan hada tan iyo waagii la furay sida joogtada ahna u isticmaasho itoobiya una soo maraan xadiga ugu badan ee badeecadaha loo dhoofiyo ama laga soo dhoofiyo . inkastoonay dhibaato wayni dhex oolin labada wadana Itoobiya iyo Jabuuti waxaase muran ku jirin inay waxbadan isku khilaafi karaan, marka la eego siyaasadaha gobolka sida arimaha Somalida maadaamay Jabuuti tahay dal iyo dad Soomaaliyeed badanaana garabka saarta dhianaca Soomaalida waxaase adag inay Jabuuti goaan ka qaadan karto xayiraad ay ku soo rogi karto isticmaalka dekedeeda sababtuna waxay tahay:-
A-inay jabuuti ildhaqaale oo kale lahayn sidaas darteed Dekedu tahay kaabaha dhaqaale ee jabuuti lafdhabarta u ah
B-inaanay jirin wadamo kale oo siday Itoobiya u isticmaasho u isticmaali kara ama buuxin kara kaalinta ay ka baxdo waayo dhamaan wadamada kale ee bariga Afrika waxay leeyihiin dekedo sida Kenya Sudan Somaliya Eriteriya
C-inaanay wadamada reer galbeed ee saldhigyada ku lihi aanay saamaxayn inay ogolaadaan in itoobiya marinka qudha ee ay leedahay laga xidho maadaama loo qadariyo wadanka ugu baaxada balaadhan ee ay ku noolyihiin masiixiyiinta ugu badan bariga afrika loona qadariyo sidii waraaqdii uu boqorkii Itoobiya u diray Bortaqiiska uu ku lahaa (We are Cristian Island in Islamic acean ) oo micnaheedu yahay waxaanu nahay jasiirad kiristaan ah oo ku dhextaala badwayn muslima sidaas darteed dekeda ugu danbaysa ee Itoobiya sii isticmaali kartaa hadana sida rasmiga ah u istimaashaa waa Jabuuti.

Damaca Itoobiya iyo dekeda Berbera
Waxaa suaal iswaydiin mudan hadii itoobiya dekedo kale isticmaasho sida ta Jabuuti, wadahadalna la gali karto Eriteriya, inkastoo dhul ay isku hayaan. Maxay uga baahantahay inay Berbera adeegsato? adeegsida Itoobiya ay adeegsan rabto Berbara waxay tahay inay badsato ilaha wax uga soo degaan ama ay wax ka dhoofiso si hadii mid is´afgarasho la´aani ka dhex dhacdo sida Eriteriya ay u heli karto dekedo kale oo wax uga soo dagi karaan, waxaa hadaba muhiima maadaama dekadaha ay istimaashaa yihiin kuwo wadamo kale leeyihiin waa inuu jiraa waxay iyaduna u adeegsan karto kubedelesho hadiiba masaalixdeeda xaga dekedaha loo diido sida Eriteriya. kolkaa istiraatiijiyada ugu wacani waa inay jirto masaalix ay waydaarsato wadamada ay dakadahooda isticmaasho masaalixdaas oo ku qasbi kara wadamadaa inaanay khalkhal galinkarin adeegsida ay adeegsanayso dekedahooda.



4- Laydhka Itoobiya ka dhalindoonto biyaxidheenka la wado iyo danaha ay ka leedahay
Waxaynu ognahay inay Itoobiya hada wado biyoxidheen ka mida kuwa ugu waawayn qaarada Afrika kaas oo looga danleeyahay inay noqon karto Itoobiya mid awooda dabka ka iibisa wadamada jaarka la ah oo dhan taasina noqoto mid saamayn wayn ku yeelata gobolka geeska Afrika, Laydhka ay u iibgeynayso wadamadaa jaarka la ahina waxay u adeegsan kartaa qaabsiyaasi iyo qaab dhaqaaleba oo waxay ka iibin doontaa ciday doonto ee la jaanqaadaaya masaalixdeeda waxaanay markay doonto ka xidhankartaa ciday doonto oo u dhiganta siday Eriteriya uga xidhatay isticmaalka dekedeedii.

Waxaynu kaloo ogsoonahay sida la rajaynaayo mustaqbalka soo socda in dagaalada ugu badan dunidu ku saabsanaan doono biyaha ee aanay ku saabsanaan doonin shidaalka ama (Crude Oil ) waxaana taas sii xoojinaaya isbadalada cimileed ee dunida ka taagan waqtigan la joogo abaaraha ku sii faafaaya dunida iyo biyo yaraanta ka taagan qaybo badan oo dunida ah oo aynu ka midka nahay, Waxay Itoobiya ka soo burqada wabiga ugu wayn uguna dheer qaarada madaw oo ah (Nile ) waxaanay biyo xidheenkaasi noqon doonaa mid ay xataa ku maamuli karto wadamada uu maroo dhan waxaana ugu horeysa wadanka Masar oo in badan ka qaylyey arinka biyo xidheenka, kaas oo hoos u dhigaaya saamigii biyaha ee ay heli jirtay Masar.

Itoobiya iyo Berbera waxa ay ku badalan rabto
Sida lawada ogsoonyahay waxay hadaba isticmaashaa Itoobiyi dekeda barbera taas oo Itoobiya u ah muhiim halka itoobiyi waxa ugu badan ee ay inoosoo dhoofisaa ay tahay qaadka kaas oo aafo ku ah bulshadeena sidaa darteed waxay itoobiyi ku fikiraysaa hadiiba baritoole dhacdo inbulshadeenu toosto kuna talaabsato talaabooyin waxku´oola oo ay ku yaraynayso ka dibna ku joojinayso qaadka uga yimaada Itoobiya taas oo dhabar jab ku noqondoonta Itoobiya sababtuna maaha in ay dhaqaale badan ku waayi doonto ee sababtu waxay tahay inay ahdaafbadan oo ay lahayd ku waayi doonto hana ugu horayso mirqaaminta bulshadeena iyo jiilkii wax badali lahaa oo dhamaan ku mashquulsan balwad.

hadaba hadiiba taasi dhacdo waxay itoobiyi rabtaa inay dhinaca tamarta ama laydhka inoosoo dhoofiso si nolosheenu ugu tiirsanaato laydhka inooga imanaaya dhankeeda kaas oo faa´iidooyin badan inoo keenaaya sidoo kalena inookeenaaya inaynu noqono kuwo noloshoodu dhamaan ku xidhaato Itoobiya.sida masar maraykan caawimada uu siiyo usababtay inay masar goaamada dhamaan ka sugto Washington ha beerinina baa lagu yidhi qamadi anagaa idinsiinayna qamadiga`e, waxaanay masar ka dhigtay arintaasi inay noqoto wadanka dunida qamadiga ugu badan soo dhoofsada waxay masar leedahay ciidanka tobnaad ee dunida waxaana laga biiliya wasaarada difaaca ee maraykanka waxaanay taasi sababtay inaanay ciidankeedu umadaxbanaanayn siday rabaan waayo mushaharkooda waxaa laga soo diraa Pentagon oo ah wasaarada difaaca maraykanka .

Inaga markaad eegto faaiidada uu inoo keeni doono laydhkaasi waxaa ka badan waxa uu ina yeeli doono waayo hadii laydhka magaalooyinkeenu iyo adeega bulsheedba dhamaantii noqdo mid aynu ka soo dhoofsano Itoobiya waxaynu noqon kuwo magaalooyinkoodu markii la doono laga goyn karo laydhkaba halmar waxaanad ku qasbanaandoontaa waxay kolba rabaan cida kuusoo dhoofisa laydhkaas.waxaanay u dhigantaa odhaahdii odhan jirtay (umadaan nololmaalmeedkeeda hanani goaankeedana ma hanato) laydhkaasina wuxuu noqon miday dhaafsato isticmaalka dekedaas iyo waliba saamaynbadan oo ku yeelato dhinacyo badan sida siyaasada iyo dhaqaalahaba


5-Awooda milateri ee Itoobiya iyo saamanteeda

Waxaa hubaala inay Itoobiya hada tahay quwada gobolka geeska Afrika, waxaa intaa u raacda inay tahay bulsho ahaan mida ugu tiro badan bariga Afrika dhaqaalaheedu hada kobco xawaarena ku socdo waxaa kaloo jira in wadamada reer galbeed ay gadaal ka taageerayaan iyo iyagoo dhacdooyin badan oo soo maray wax ku bartay halka bulshada somaliyeed aanay waxba ka baran taariikhdooda duuga ah hadal iyo dhamaan quwada ciidan ee Itoobiyi waa mid ku qasbaysa cid kasta oo gobolka geeska Afrika ah oo ay u aragto inay ka hor imankarto masaalixdeeda inay ka qaado talaabo milateri waxaana tusaale kuugu filan tii ku dhacday maxaakimtii islaamiga ahayd ee koonfurta somaliya ka talinaysay.

waxaa kaloo xusid mudan inuu raiisal wasaaraha Itoobiya ee hada taliyaa mr Hailemariam si cad uga hor yidhi parlamaanka wadankiisa inuu u huraayo naf iyo maalba ilaalinta Somaliland oo ay ciidamda Itoobiyi Somaliland si kasta u ilaalindoonaan taas oo micnaheedu noqon karo cidii masaalixdeeda ka hor imanaysa inay cashar u dhigi karto cidii maslaxadeeda wadana ilaashanayso kana dhigaysa somaliland inay tahay " a back garden" dhinaca kale dhirbaaxadii maxaakimta ay Itoobiyi ku dhufatay waxaa candhooftooda dib u ceshaday kuwo badan oo kale oo madaxda soomaalida ka mida waayo ma waajihi karaan quwada ciidan ee itoobiya ee ay dabada ka taageerayaan wadamada maanta dunida ugu xooga wayni, isku wada duuboo guntii iyo gebogebadii saamaynta ay itoobiya ku yeelatay gidigeed soomaalidu waa mid mudo laga soo shaqaynaayey mana aha mid si hawl yar looga badbaadi karo.




Saamaynta hada Itoobiya ku leedahay Somaliland
-inay Itoobiya tahay wadada qudha ee loo maro Soomaaland siyaasi ahaan.
-inay Itoobiya tahay kadinka laga galo somaliland maadama shirkada diyaaradaha Itobiya tahay mida ugu wayn ee daadguraysa dadka reer somaliland
-inay Itoobiya tahay mid bulshada qaybaheeda ugu badan ku mirqaamisa maandooriyaha qaadka maalinkastana lacag ka badan 300 kun oo dolar ku xerooto baananka itoobiya
-in faraqa inaga iyo yamanta qaadkeeda inoo kala dhaxeeya uu yahay inay Yamani qaadkeeda soo saarato inagu se lacag adag ku iibsano inagoo gaajo u dhimanayna
-inay itoobiya dhanka tacliinta aad saamayn ugu leedahay maadaama jaamcadaha ugu magaca ladani wadankii yihiin jaamacadaha Itoobiya laga leeyahay
-inay Itoobiya inoo tahay hada isha qudha ee caafimaadka ugu badan loo aado sababtoo ah Technology ga dad badan oo buka oo dhulkeena joogaa aynaan haysan ama dhakhtaradii xirfadaa lahaa aanay jirin
- intuu qaadkoo qudhi ka iman jiray saleelay ahayd hadase tamaandhada ugu badan ee guri kasta maanta bariiska lagu dalacaa waxay ka soo gudubtaa xuduuda Itoobiya taas oo micnaheedu yahay guri kasta saamayn inay ku yeelatay hada oo isbadalkasta oo dhaca laga dareemi karo guri kasta

Maxay Itoobiyi awooda saartaa si aynu gacanteeda ugu jirno ?
-waa inay noqotaa awooda dhaqaale ee gobolka
-waa inay noqotaa awooda milateri ee gobolka
-waa inay noqotaa mid aqoonta ku hogaamisa gobolka
-waa in laga ilaaliya wadamada kale gobolkana inay soo gaadhi karaan iyada
- waa inay itoobiyi taageertaa hayaanka ay soomaalidu ka hayaamayaan aqoonsigoodi guud ama qaran (national identity) ee ay ugu guurayaan aqoonsiga gobollaysan (local identity)
Intaaso wada socdaana waxay dhaxalsiindoontaa indhamaan wadamada gobolka geeska Afriki po ay Soomaalidu ka mid tahay noqdaan mid looga taliyo Adis ababa maamulada somaaliduna waxay Itoobiya uga dhignaan doonaan sidii boqoradii muslimka ahaa ee ka talin jiray Spain, waxayna ku danbayndoonaan halkii ay ku danbeeyeen boqoradaas loo yaqaan 
ملوك الطوائف

 

 Qore 

Ilyaas Caantaynle

 IHY88571@gmail.com







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>