Maxa Sababay In Bulshada Somaliland Ka Sasaan Maalgashiyada Caalamiga Ah

0
June 30, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa Sababay In Bulshada Somaliland Ka Sasaan Maalgashiyada Caalamiga Ah

    Maxa Sababay In Bulshada Somaliland Ka Sasaan Maalgashiyada Caalamiga Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxa Sababay In Bulshada Somaliland Ka Sasaan Maalgashiyada Caalamiga Ah

Maxa Sababay In Bulshada Somaliland Ka Sasaan Maalgashiyada Caalamiga Ah

Hargeysa()-Iyadoo ay Xukuumada Somaliland ay mudooyinkii ugu danbeyyey ay dedaal xoogan ugu jirtay sidii ay dalka u heli lahayd Maalgashiyo heer caalamiya oo ka qayb qaata koboca dhaqaalaha dalka, ayaa taa bedelkeeda marka ay dhegaha Bulshada Somaliland soo gaadhaanba in Maalgashi Caalamiya laga hirgalinaayo dalka ay aad uga sasaan isla markaana ay ka biyo diidaan hirgalintooda, arintan oo ay sababtay dhibaatooyin baahsan oo ay bulshadu kala kulantay maalgashiyo hore oo dalka laga hirgaliyey

Dareenkaasi saska leh ayaa waxa bulshada ku abuuray maalgashiyadii hore ee dalka laga hirgaliyey oo noqday meelo iyo meherado shaqsiyaad ganacsato gaar ahi ku qanimaystaan isla markaana ku fashilmay inay ka turjumaan rabitaanka bulshada

Maxaa ka mid ah Maalgashiyada sanadihii ugu danbeeyey laga hirgaliyey Somaliland

iyadoo aynu u kala horeysiinayno sida ay u kala culus yihiin una kala miisaan weyn yihiin aynu ugu horeysiino shirkada sharaabka ee COCA-COLA oo dhawaan mashruuc weyn ka hirgalisay dalka

1.COCA-COLA

Shirkada sharaabka ee COCA-COLA oo ah shirkada ugu weyn ee dunida samaysa Sharaabka oo xarunteeda guud tahay dalka Maraykanka oo laga leeyahay shirkadan, taasoo May 22 2012 laga hirgaliyey Somaliland kadib markii ay heshiis Wakaalad Ganacsi siisay Shirkad maxali ah oo lagu magacaabo SBI. Furitaanka Shirkadan oo bulshada reer Somaliland si weyn ugu riyaaqeen hirgalinteeda, iyagoo ka filayey in dalka hadii laga sameeyo shirkad ay leedahay shirkada COCA-COLA ay Somaliland ka raysan doonto baahidii uu dalku u qabay sharaabka shirkadan COCA-COLA ee dibada looga soo waaridi jiray ,iyo sidoo kale in dalku ka heli doono fursado shaqo abuur iyo fursado dhaqaale iyo kuwo shaqoba. iyo sidoo kale in bulshadu ka heli doonto sharaab aad uga qiimo jaban sharaabkii dibada dalka uga iman jiray. Nasiib-darro sida bulshadu qabto wax-tar ha jooge waxyeelo iyo khasaare saare ayey dalka iyo dalka kusoo kordhiyeen, dhamaan arrimaha kor ku xusan waxay noqdeen kuwo bulshadu ku hungowday isla markaasi ka wayday shirkadan dalka lagu soo kordhiyey iyadoo taas bedelkeedana ay bulshadu kala kulan tay dhibaatooyin baahsan oo dhinacyo badan ah sida , In kooto loogu xidho shirkada COCA-COLA ee dalka laga hirgaliyey inaan cid kale dibada ka keenin sharaab balse in sharaabkan COCA-COLA ee dalka uun laga iibin karo suuqyada sharaabka ee dalka taasi oo sababtay in Shirkada COCA-COLA ee Somaliland ay siday doonto ugu takri fasho bulshada iyo ganacsatda yaryar ee sii iibisa sharaabka dhibaatooyinkaas ayaa waxa ka mida qiimihii la filaayey in ay hoos u dhigto shirkada COCA-COLA Somaliland ay kor u kicisay in ka badan kala badh qiimihii uuu sharaabku ka taagnaa Somaliland iyo sidoo kale in shirkadu ay diiday inay ganacsatada reer Somaliland kaga iibiso lacagta dalka ee Shilinka Somaliland iyo sidoo kale in marmarka qaar ay dhacdo in ay bakhaarada iyo dukaamada iibiya sharaabka ku qasbaan sharaab ay dhicistiisa ka hadhsan tahay laba casho taasi oo hadii ay diidaana ay ka joojinayaan in dib looga iibiyo sharaab danbe iyadoo sidoo kale marka ay dawlada hoose ku qabato ganacsatadan yaryar sharaabkan dhacay ay ku mutaystaan ganaaxyo aad u tiro badan oo ay ugu yartahay 2500,000 laba milyan iyo shan boqol oo kun iyadoo ah culayska ugu badan iyo dhibka ugu weyn ee ay bulshada reer Somaliland ka dhaxaysay maalgashiga shirkadan COCOLA oo ay aad ugu han weynaayeen hirgalinteeda

Xukuumada Somaliland oo inta badan ku faanta hirgalinta Somaliland ee shirkadan ayaan haba yaraatee wax cashuura ka qaadin gabi ahaanteedba iyadoo sidoo kale aan kula xisaabtamin khayraadka dalka ee ay shirkadani ka faa'idaysato una isticmaasho sharaabka ay dalka ka samayso khayraadka debiiciga ah ee dalka, gaar ahaan biyaha dalka oo uu sharaabku ka kooban yahay 97% sagaashan iyio todoba boqolkiiba taasi oo uu dalku xaq u leeyahay in sanadkiiba laga qaado 51% faa'iidada kasoo hoyata shirkadan sida ay dalalka caalamka ee ay ka mid yihiin dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiyaba ay kula xisaabtamaan Shirkadan.

Hadaba waxa is weydiin mudan Maxaa sababay in lagu hungoobo Maalgashigii ugu horeeyey ee dalka laga hirgeliyey?. Dabcan waxa sababay arrimo ay ka mid yihiin;

·Maalgashigii Caalamka ahaa ee laga fuliyey inuu ka qayb qaato koboca dhaqaale ee dalka iyo dadka ayaa noqday mid ay ku hodmaan Shakhsiyaad gaar ah.

·Xukuumadda Somaliland oo bulshada uga wakiil ahayd Maalgashiga wadaagga ah ee dalka ayaa doorkii gabtay oo ka baaqsatay masuuliyadii ka saarnayd in ka qaado saamigii qaranka, si maalgashiga COCA COLA noqdo mid dhaxal-gal ah iyo sidoo kale cashuurtii ku waajibtay .

·Ma jiro heshiis Ganacsi oo sida dalalka kale dhex-maray Shirkadda COCA-COLA iyo Xukuumadda Somaliland,

·waxa kale oo maqan Siyaasadii Qaran ee Maalgashiga dalka.

·Qiimeyntii iyo daba-galkii (M&E) iyo dabagalkii Xukuumada Ganacsiga wadaaga ah ee Maalgashiyada Caalamiga

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in fashilka Maalgashiga COCA COLA ee Somaliland uu marag fur u noqonayo doodda bulshada ee nuxurkeedu yahay in maalgashigii Khayraadka dalku uu ku dambeeyo qaniimad Qaran oo qof ku hodmo, waxana haboon in Xukuumaddu ka turjunto masuuliyada bulshadu u igmatay, lana timaado siyaasad cad oo ku jihaysan Maalgashiga Caalamiga ah.

lasoco warbixin aanu ku falanqaynn doono sida loo kala leeyahay saamiyada iyo mulkiyada shirkada COCOLA Somaliland maalmaha soo socda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online