Haweenay Ka Socota Midawga Yurub Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo Ay Ka Gudbisay.

0
June 30, 2015 in Wararka by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenay Ka Socota Midawga Yurub Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo Ay Ka Gudbisay.

    Haweenay Ka Socota Midawga Yurub Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo Ay Ka Gudbisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay Ka Socota Midawga Yurub Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo Ay Ka Gudbisay.

Hargey(SLL)Sadexda xisbi qaran ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Kulmiye ayaa Waxa kulan adag oo muddo dheer socday la qaadatay Sarkaalad sarre oo ka socotay midawga Yurub

kulankaasi oo dhacay magaalada hargeysa ayaa waxaa lagaga wada hadlaayay halkii uu ku danbeeyay heshiiskii ay wadajirka u galeen  sadexda xisbi qaran ee salka ku hayay mudo xileedka loo kordhiya xukuumad siilaanyo oo ay ga,aan  wada jira isku raaceen mudo ka duwan tii guurtida loo kordhiyo madaxwaynaha
xubinta midawga yurub ka socotay oo ahayd gabadh  ayaa sadexda xisbi ee ay la kulantay waydiisay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay wada jirka u gaadheen iyo cida hortaagan in uu shaqeeyo
waxaa kale oo ay si cad usheegtay in xogta ay siiyaan ay u gaynayso beesha caalamka ee somaliland la shaqaysa islamarkaana go,aan cad soo saari doonaan .
sadexda xisbi ayaa midwalba waxa kulankaasi uga qaybgalayay sadex xubnood,xisbiga kulmiye waxaa kulankaasi goobjoog u ahaa gudoomiye muuse biixi cabdi, jaamac shabeel iyo xasan gaafadhi, xisbiga ucidna  waxaa kulankaasi goobjoog u ahaa  faysal cali waraabe,jamaal cali xuseen iyo jiir cali madoobe, halka xisbiga wadani ay uga qayb galayeen gudoomiye ku xigeenka axmed muumin seed,c/rashiid riyoraac iyo boobe yuusuf ducaale  


masuuliyiinta xisbiaasi kulmiye uga qayb galayaayay ayaa waxay gabadhaasi midawga yurub ka soctay u sheegeen in sadexda xisbi heshiiyeen isla markaana xisbiga kulmiye ayidsan yahay oo aanay ka bixin, sidaasi daraadeed halka ay markii hore ka taagnaayeen heshiiskii ay wada jirka u gaadhen uun ay ka taagan yihiin oo wax isbedal ahi aanuu jirin,
masuuliyiinta ka socday xisbiga ucid ayaa iyaguna ka hadlay xaalada wadan ku maraayo iyo mudo xileedka madaxwayne siilaanyo ee dhamaday ayaa waxay sheegeen in looga baahan yahay in siilaanyo dhaqan galiyo hesheeski ay wada jirka u gaadheen sadexda xisbi qaran ee ay kala sexeexdeen oo soo afjaray khilaafkii guutidu abuurtay , waxaanay si cad sheegeen in aan loobaahnayn in dib loogu noqdo,guurtidu maadama ay iyadu tahay tii abuurtay khilaafka isla markaana loo bahay yahay in madaxwaynuhu dhaqan galiyo heshiiskii xisbiyadu gaadheen, 
xisbiga wadani oo ayana ka hadlay ayaa iyana si cad u sheegay in madaxwaynaha somaliland laga sugaayo sidii uu u dhaqan galin laha heshiiskaa, waxaanay tilmaameen in sadexda xisbi ayagu gutaan shaqadoodii oo ah inay heshiiyaan islamrkaana madaxwaynaha hortaala,shacabka iyo beesha caalamku ay go,aan ka sugayaan 

intaasi markii xisbiyadu yidhaahdeen ayaa gabadhii ka socotay midawga yurub ayaa waxay xisbiga kulmiye waydiisay sababta uu madaxwaynuhu u hirgalin waayay heshiiskii ay gaadheen xisbiyadu maadaama khilaafkii laga heshiiyay balse si cad ugamay jawaabin masuuliyiinta kulmiye 
masuulka sare ee ka socday midawga yurub ayaa islashalay ka dhoofay dalka  iyaadoo la filaayo in ay warbixintaa midawga yurub u gudbinayso, oo ay waxbadan ka badalidoonto siyaasada somaliland ee hada 

dhanka kale warar hoose oo u helay wargeyska waaheen ayaa sheegaya in 10 wasiir  ay xalay kulan ku yeesheen guri ka mida guryahay wasiiradaasii waxaana la sheegay inay ka shirayeen socdaalka ay gabadhaasi ku timid dalka iyo fariin ay ka gudbinayso xukuumada 

Somalillandlive.com
Hargeisa Head Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online