Maxaa dalka Masar ka dhacay ? Maxaa ka taagan ? Maxaa ka soo socda ?‏

0
July 01, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa dalka Masar ka dhacay ? Maxaa ka taagan ? Maxaa ka soo socda ?‏

    Maxaa dalka Masar ka dhacay ? Maxaa ka taagan ? Maxaa ka soo socda ?‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa dalka Masar ka dhacay ? Maxaa ka taagan ? Maxaa ka soo socda ?‏
Faallo
Dalka Masar waxa haystay keligii taliye (Xusni Mubaarak) , waxaana lagu ridday tawrad shacabku dulmigiisii iskaga qaadeen , waxa taladii dalka la wareegay iyo awooddii siyaasadeed iyo tii ciidanba , ciidamadii qalabka ee dalka , waxayna hayeen muddo sannad ah , waxaana ka qabsoomay doorasho , markii ugu horeysay taariikhda dalka Masar , waxa xukunkii ku guulaystay ururkii ama xisbigii Ikhwaan muslimiinka , waxa madaxweyne noqday ( Mursi) , Hadaba ururka ikhwaan muslimiinku waxa uu ahaa , urur diiniya oo muddo 80 sano iyo goo go' mucaarad ahaa , oo aan weligii maamul iyo xukun ka qayb qaadan oo weligii waxa uu ahaa urur xubnihiisa la baacsado oo jeelasha l;aga buuxiyo , markii taladii dalka loo doortayna waxay garan waayeen si ay wax u maamulaan , oo waxa iskaga khaldantay xukunkii dawladnimo iyo kii xisbiga , waxaanay fahmi kari waayeen sidii ay ugu maamuli lahaayeen sharciga dalka u yaalla ee aan ka soo jeedin shareecada islaamka iyo wixii ay rumaysnaayeen .( waxaanay ahayd in ay wax ka bartaan xisbiga islaamiga ah ee ka taliya dalka Turkiga oo ah xisbi islaamiya , laakiin sharciga iyo distuurka dalka u yaallaa uu yahay distuur cilmaaniya , laakiin waxay ku guulaysteen in ay iswaafajiyaan mabaadd dii ay rumaysnaayeen iyo kuwii dalka u yaalay ilaa iyo inta ay baarlamaanka ku guulaysan doonaan oo ay sharciga halkaa wax kaga bedeli doonaan , waxaanay dalka Turkiga u horseedeen horumar iyo nolol ka wanaagsan tii dalku hore ugu jiray
Kadib madaxweynihii iyo xukuumaddiisii way isku daba meeraysteen , taagerona way ka waayeen xagga debedaha iyo beesha caalamka mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba , oo cid kasta oo neceb maamulka islaamka way cadaadiyeen si ay u guul daraystaan , ikhwaankuna hore umay sii lahayn xulafo siyaasadeed , waxay ku keliyaysteen taladii dalka Masar .
intii ay xukunka hayeen way isku daba meeraysteen , waxaanay la iman kari waayeen siyaasad cad oo la fahmi karo , waxaanay keeni kari waayeen maamul cad oo la garan karo oo dalka lagu maamulo , waxay sameeyeen aargoosiyo iyo ka aarsi kooxihii idin xidhi jirtay iyo in ay jeelasha ka soo daayaan xubnahoodii xidhnaa iyaga oo aan sifo sharciya marin , ari9ntaasuna cadawgoodii ayay midaysay .
Sannad markii ay xukunka hayeen waxa ku dhacay inqilaab militari oo aan sharci ahayn , laakiin dawladaha aduunka iyo beesha caalamka oo dhami way taageereen , sababo badan oo kala duwan awgeed , madaxweynihii la doortay iyo xukuumadiisii waxa laga buuxiyay jeelasha , kadibna waxa lagu soo rogey go'aano maxkamadeed oo dil ah oo aan si sharciga waafaqsanayn loo gaadhay , dadkii taageersanaa ikhwaan muslimiika iyo kuwii ka soo jeedayba kacdoonno fara badan ayay sameeyeen ilaa iyo maalintii la inqilaabay , xukuumaddan ka soo jeedda ciidankii dalka waxay samaysay doorasho ay jagada ku sharciyaysatay , kadibna gacan bir ah ayay kula dhaqantay cid kasta oo ka hortimaadda , oo dagaalo badan ayay meelo fara badan dalka ka abuurtay , kulana jirtaa kooxaha kala duwan ee ka soo horjeeda .
Hadaba gaadhi walaxaysan lagu qarxiyay xeer ilaaliyihii sare ee dalka Masar , waanu ku dhintay , waxaanu ahaa ninkii xukumadan ad adag ku fuliyay dadka la xidh xidhay iyo kuwa dilka lagu xukumayba .
Hadaba dhacdadani waa mid laba weji oo kala duwan yeelan karta :
1- Waxay sababi kartaa oo ay xukuumadda militeriga ahi si dhakhso ah ugu kici kartaa , in ay samayso oo fuliso xukummo deg-deg ah oo dil ah
Kuna fuliso madaxweynihii la inqilaabay iyo qaar ka mid ah kooxihiisii , ama dadka ugu sareeya xisbiga ikhwaan muslimiinka ee u xidhan xukuumadda ee hore loogu xukumay dilka .
2- Xukuumadan uu madaxda ka yahay Siisi waxay doonaysaa in ay ka faa'iidaysato dilkii lagu sameeyay xeer ilaaliyihii dalka Masar , waxaanay doonaysaa in ay xukummo adag ku soo rogto dalka iyo kooxaha ka soo horjeeda iyo falal arxan darro ah oo ay kaga aarsanayso cid kasta oo maamulkooda ka soo horjeedda , arintan dhacdayna ay u adeegsanayso , beesha caalamka ee dhaliilaysana way iskaga jeedinaysaa , ururada xuxuuqal insaanka ee dalka Masar canbaaraynaayayna waxa ay ka dhiganaysaa , arintan in ay xukuumaddu xaq u leedahay in ay isdifaacdo
Hadaba waxa dalka masar ka soo socdaa waxa weeye , in ay xukuumaddu ku fuliso kooxo badan oo u xidhan oo hore loogu xukumay dil , in ay si dhakhso ah u fuliso .
Dhibaatooyin hor leh , oo kuwii hore ka daran ama gaas ku sii shubaaya ayaa dalka Masar ka soo socda .
Waxay xukuumadda Siisi doonaysaa in ay dhidibada u saarto ururkii ikhwaan muslimiinka iyo xubnihiisa iyo cid kasta oo taageersan , si sharciya ama si aan sharci ahayn-ba .
Dawladaha caalamku iyo beesha caalamka ee neceb maamulada islaamiga ah iyo kuwa la dagaalama ururda islaamiga ahiba , way kuy taageersan yihiin xukuumadda Masar falalkan xun xun ee ay kula kacayso qayb ka mid ah shacabkeeda
Bal hadaba aynu eegno maal maha soo socda iyo waxay xanbaarsan yihiin .


Cali Maxamed Biixi
caliwwelli@hotmail.co.uk


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online