1 July – Wixii Mar Kaa Qaldamey oo Ad Sixi Weydaa, Mar Labaad Ayuu Kaa Qaldamaa

0
July 01, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    1 July – Wixii Mar Kaa Qaldamey oo Ad Sixi Weydaa, Mar Labaad Ayuu Kaa Qaldamaa

    1 July – Wixii Mar Kaa Qaldamey oo Ad Sixi Weydaa, Mar Labaad Ayuu Kaa Qaldamaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1 July – Wixii Mar Kaa Qaldamey oo Ad Sixi Weydaa, Mar Labaad Ayuu Kaa Qaldamaa

1 July – Wixii Mar Kaa Qaldamey oo Ad Sixi Weydaa, Mar Labaad Ayuu Kaa Qaldamaa


1da July waa maalintii koonfurta Soomaliya ee Talyaanigu isticmaarsanayey ay gobanimada qaadatay. Waana munaasabad labaad oo ah, maalintii ay isku darsadeen koonfurta Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ay sameysteen dawlad midow ah oo la yidhaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Marka wakhtigeedii la joogo, waa taariikh aad u weyn oo kulmisey laba munaasabadood oo waaweyn. 30 kii sanadood ee ina soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay soo martay xanuun ka baday kii uu gumeysigu u geystey. Waxa dhintey dad boqol jeer ka badan intii gumeysigu diley, waxaana diley dad kale oo soomaali ah oo ahaa kuwii uugu xigey.



Baraha warbaahinta waxa ad ka arkeysaa in Soomaaliland aaney qeyb ka aheyn dabbaaldegaa manta loo sameynayo 1da July, maadaama ay dawlad u gaar ah iyo maamul u gaar ah sameysatey, kana baxdey midowgii la sameeyey 1dii July 1960gii. Sababaha ay Soomaaliland ay midowga uuga baxdey maaha wax sharaxaad u baahan, balse waa wax ay dadka Soomaalidu wada ogsoonyihiin, dhan kasta oo ay ku noolyihiinba. Dabcan, Soomaaliya inteeda kale raali kama aha gooni isu taaga, iyana waa arin la fahmi karo oo sharaxaad uma baahana.


Balse, waxa jira arin aan sax aheyn oo taariikhda jiilka manta jooga laga dhaadhicyey oo u baahan in la saxo. Wax kaa qaldamey oo ad sixi weydey, waxa uu u badanyahay inu mar labaad kaa qaldamo. Dadka Soomaaliland u dhashay, ha u badnaadeen jiilka da’da dhexe iyo dhalinyaradu, waxa ay heysataan taariikh sheegeysa in markii ay Soomaaliya iyo Soomaaliland isku darsadeen, in koonfurta Soomaaliya ay khiyaameysey woqooyigii oo markii danbena ay dagaal ku qaadey.


Arinkaa wax badan kama jiraan. Dawladdii hore ee Soomaaliya dagaal ayay la gashay shacbiga Soomaaliland, dad bandanna wey kaga leysey, magaalooyinkiina wey burburisey. Taasi waa taariikh cad oo qoran oo ay tahay iney xisaab ku jirto, oo aaney cidlo ku lumin. Hasayeeshee, tariikhda ah in markii la isku darsadey 1 dii July 1960gii ay koonfurtu khiyaameysey woqooyigii Soomaaliya, taasi waa arin aan wax badan ka jirin oo runta ka fog. Koonfurtu marna mey khiyaameyn Soomaaliland. Balse Siyaasiyiintii Soomaaliland hoggaaminayey iyaga oo khiyaameysan oo iyaga laftoodu aan talo heyn ayay ku biireen koonfurta. Waxa u caddaa oo keliya kursigooda. Soomaaliya intey Hargeisa timid cidna mey khasbin. Siyaasiyiintii Hargeisa ka tegey ee xamar tegey ee isku darka sameeyeyna xamar laguma jujuubin. Iyaga oo raali ah ayay ogolaadeen iney ka mid noqdaan dawlad Soomaaliya laga dhiso oo aan woqooyigu waxba ka aheyn. Iyaga oo ku faraxsan ayay sacabka u tumeen oo ay dawladdii muqdisho laga dhisay ku ayideen.


Marka caruurtu kubad ciyaareyso, waxa uu midi yidhaahdaa "ii cug” ka kale ayaa yidhaa "Cirka” markaasuu kii hore inta uu inamada meesha jooga isha mariyo ayuu yidhaa hebel ayaan doortay. Kii labaad oo laga hor doortey xariifkii ayaa isna meesha isha mariya oo inta hadhay ka u xariifsan doorta. Sidaasa midba kol si talantaali ah wax u doortaa, halkaasaaney laba kooxood ku noqdaan. Kaw arran haddii ad tahay mid ka mida labada qof ee cugtamayaa, oo uu inanka kale ku yidhaa ii cug, oo ad tidhaa circa, oo uu ku yidhaa hebel ayaan doortay, oo marka ad is tidhaa adiguna kaagii dooro, oo ku yidha maya ee sug, marka hore anaa wada dooranaya 11 ka inanee xarfaanta ah, adiguna 5 inan ee soo hadha ayaad qaadaneysaa. Hada waxa meesha joogaaba waa 16 inan, waxaanu ku yidhi 11 uugu xariifsan ayaan ka naqeysanayaa, ka bacdi shanta kuu soo hadha igula ciyaar. Maaha oo keliya inu xarfaantii kaa naqeystey, balse isna waa 11 xariif ayuu qaatey, adna 5 khashiin ayuu kuu reebey. Ciyaartaa imisa gool ayaa lagu kala badinayaa ayaad u maleyneysaa? Siyaasiyiintii Soomaaliland waxa ay aqbaleen 1960gii iney ogolaadaan ciyaar noocaas ah iyaga oo ku faraxsan.


Markii 1dii july 1960 la isku darsadey, koonfur iyo woqooyi la iskuma darsan. Balse, woqooyiga ayaa intuu Hargeisa ka tegey oo uu muqdisho tegey ku darsadey koonfurta. Cidi ismey weydiin waa halkee caasimaddu, xata laguma heshiin in Hrageysi noqoto caasimda labaad ee berigii danbe uunbaa warbaahintu sheekadaa sameysey. Waa laga yaba in dadka qaarkii igu diidaan oo ay waraaqo keenaan ama taariikh ka sheekeeyaan. Balse anigu waxa an ka hadlayaa sidii ay wax u dhaceen. Baarlamaanka Soomaaliya oo dhisan oo jira ayay siyaasiyiintii woqooyi ka tagtey ku biireen oo kuraas loo sii qoondeeyey la siiyey. Waa nin ad gurigiisii uugu tagtey adiga oo xiiqsan oo markaa gurgii meel kaa fadhiisiyey.Taasi maaha inad guriga la leedahay. Lagama wada hadal labada dal ee isku darsanayaa waa maxay tirade labada mujtamac.


Xiligii gobanimada la doonayey, koonfurta waxa u weynaa oo ka dhisnaa xisbigii la odhan jirey "SYL” halka ay Soomaaliland ka dhisnaayen dhowr xisbi oo kale sida SNL, NUF iyo USP. Markii 1dii July la isku darsadey laba dhinac ilaa maanta oo la joogo waxa Soomaaliya lagu dhaqmaa in xisbigii gobanimada Soomaaliya dhaliyey uu ahaa SYL, iyada oo aan marna la sheegeyn xisbiyadii dhinaca Soomaaliland ka jirey ee gobanimada dhaliyey. Maaha oo keliya intii siyaad Barre qabsadey uun, ee xataa markii ay jirtey dawladii hore ee Mohamed Ibrahim Cigaal Ra’iisal wasaaraha ka ahaa iyo wixii ka horeeyey iyo wixii ka danbeeyeyba, waxa meel kasta oo Soomaaliya ah sudhnaa sawir 13 nin ay ku sawiranyihiin oo la yidhaa waa 13 nin ee SYL asaasey ee gobanimada keeney


Waxa uugu darneyd markii dawladnimada la qeybsanayey. Koonfurtii madaxweynihii iyda ayaa qaadatey, Raaiisal wasaarihiina iyaga ayaa qaatey. Wasiirkii daakhiliga iyagaa qaatey. Wasiirkii maaliyaddana iyaga ayaa qaatey. Taliyaha ciidamadana iyaga ayaa qaatey, taliya bileyskana iyaga ayaa qaatey, xeer ilaaliyaha guudna iyaga ayaa qaatey, guddoomiyaha baankana iyagaa qaatey. Soco uun!!!!!! Wixiiba iyaga ayaa qaatey. Dhowr wasiir oo aan macno laheyn ayaa la siiyey qoladii woqooyi ka timid. Inta kale waxa ay sacabka u tumayeen dadkan kale ee wax qeybsanayaa. Markii raggii rag ahaa meesha wax ku qeybsadey, Soomaaliyey Toosoo uunbaa La Isu Qaadey. Sidaasaaney u dhacdey.


Raggii Hargeisa laga direy dawladnimo la sheego kamey qeyb gelin, ee waxa la siiyey uun intan iminkaba xageena laga siiyo beelaha laga tirada badanyahay. Siyaasigii hoggaaminayey Soomaaliland, Mohamed Ibrahim Cigaal (AHUN), waxa markii danbe laga dhigey Wasiirka Waxbarashada. Hadda waa madaxweynihii Hargeisa laga direy ee la is lahaa 5ta Soomaaliyeed ha Xukumo, waxa uu markii danbe noqdey wasiirka waxbarashada, waa wasaaradda qof wax loo waayo loo dhiibi jirey. Waa wasaraddii Mudane Samaale diidey ayaa madaxweyneheenii loo dhiibey.


Wixii isku darkii ka danbeeyey, ilaa maanta noloshu waxa ay inoogu dhamaatey cabasho iyo calaacal iyo gabayo iyo dhiig isku karin. Balse waxa an karti u weyney inan isweydiino waxa inaga qaldamay.Siyaasigii iyo hoggaamiyihii bulshada ee ay aheyd inu dadka u sharxo waxa qaldamey si loo saxo, farta meel kale ayuu ku fiiqey oo wuxu yidhi Soomaaliya ayaa ina khisaameysey. Soomaaliya kumey khiyaameyn ee waad sixraneyd. Inan yar oo 6 jir ah ayaan ogolaadeen waxa ad ogolaatey oo haddii wax laba caruur la wada siiyey uu midi in yar badsado, ka kale uu ka daba ooyayaa. Side dawlad dhan oo gacanta kuugu jirta ad cidlo uuga taagan tahay asbuuc gudihii.


Caadifadda ito Sixiku Waa isku Mid. Labaduba waxaan jirinna wax jira ayay kaaga dhigaan, wax jireyna waxaan jirin ayay kaaga dhigaan. Caadifadda iyo sixirku runta oo dhan maskaxdaada wey ka masaxaan, khayaal ayaaney run kaaga dhigaan. Inagoo iminkadan taagan ayaynaan diyaar u aheyn ineynu nidhaa inagaa qaldaney ee yaan walaalaheena Soomaaliya colaad aan meel jirin umadda loo geli. Inaga ayaan diyaar u aheyn inan nidhaa, farsamo yaqaano ayaynu u diraney siyaasad oo aynu ka filney iney wax weyn soo gooyaan.


Shicibka laftiisa ayaa meel xun taagan. Kuwaa gobanimada la anbaday 1960 gii sacabka ayuunbaa loo tumayey, iminkadan lafteedana inkastoo la dhaamo, hadana weli caadifad ayaa taladeenu ku socotaa, ee kuma socot xisaab sax ah. Miyirka runta ihi wuxu inagu soo degaa uun marka jarka la iskala dhaco. Koonfur naceyb iyo Soomaaliland jaceyl waxa u dhexeeyaa la isma weydiiyo. Soomaaliland ta lafteeda ayuu meelo badan in wax la iska weydiiyo u baahan. Adoo og inaan dawladda ingiriiska ama mareykanka ama faransiisku inta ay aroor uun soo toosaan inaaney odhaneyn saaka ayaan Soomaaliland ictiraafney, ayaa halkii wax la weydiin lahaa ee la odhan sidee wax la yeelaa, ayaan si yar oo inaga uun ina kafeysey aynu iskugu sheekeynaa. Taladeenu ma dhaafto inyar oo PANADOL ah oo ad xanuunka uun ku dhaafeyso habeen, balse beri arinkii meeshiisii ayuu taagan yahay.


Guusheena iyo guuldaradeenu midna kuma xidhna Soomaaliya iyo Soomaaliland oo isku darsada ama kala go’a. Taasi waa meel soke, marka loo eego mustaqbalka fog ee la rabo in jiilka maanta joogaa ay uuga tagaan jiilasha soo kacaya. Waxa loo baahanyahay in laga soo bilaabo 1950gii illaa maanta, oo la isweydiiyo maxaynu sax aheyn, maxaa inaga qaldamey sideyna inooga qaldameen, inaga oo aan isu camireyn, Soomaaliyana cadowgeena ka dhigeyn. Waxa inaga qaldamey oo keliya oo la isweydiiyo oo la cadeeyo ayaa wax badan sixi kara.


Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online