Falanqayn : Doodii Xildhibaanada Golaha Wakiilada (Cali Mareexaan, Siciid C Rooble iyo Xaamud)

0
July 08, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqayn : Doodii Xildhibaanada Golaha Wakiilada (Cali Mareexaan, Siciid C Rooble iyo Xaamud)

    Falanqayn : Doodii Xildhibaanada Golaha Wakiilada (Cali Mareexaan, Siciid C Rooble iyo Xaamud)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falanqayn : Doodii Xildhibaanada Golaha Wakiilada (Cali Mareexaan, Siciid C Rooble iyo Xaamud)

Bacda salaanta Islaamka: WARBAAINI SALAAMAN….. Markaan daawaday Muuqaalka dood Micno badan samaynaysay oo dhex martay xildhibaano Culculus oo ka tirsan Golaha wakiilada kuna Abtirsada Xisbiyada 3da ah ee dalka inooga sharciyaysan (KULMIYE, WADANI Iyo UCID) Ayay ii muuqatay inaan midhkan ka idhaahdo.




Doodu waxay inta badan u dhaxaysay labada Xildhibaan ee aftahanimada badan ee SICIID CILMI ROOBLE iyo CALI XASAN MAXAMED (CALI MAREEXAAN) Waxa inyar uun isagu ku lahaa kana soo gelayay sheekha weyn ee Xaamud Cismaan Cigaal oo malahayga isagu dhawaan bedel ku galay golaha siyaasadan dhalan rogtay ee aadka ugu milantay siyaasiyiinteenana aan ku dhiiranayn dhawr goorna ka cudur daartay, Xaamud wuxuu u ekaa nin aan xisbiyahan fogaaday ahayn oo isagu Macquuliyaadka isticmaalayay halkaas aan isaga kaga Gudbo.


Horta Dooda waxaad moodaysay in ragu kala adkaaday isla markaana meel laysugu biyo shubtay dadkana ay u muuqatay Xaqiiqiyaadka yaala cida carqalada dibu dhaca sababay iyo Doodaha mucaaridka iyo Muxaafidku halka ay kala Taagan yihiin.


Cali MAREEXAAN Oo aan Mudooyinkan doodaha aad uga muuqan sidii maalmihii uu mucaaridka xisbigiisu ahaa ayay ka muuqatay Gacan sarayn xaga dooda ah, Masuuliyad xilka saaran ah, ka garaabid qaladaadka jiray iyo u quusgoyn odayada mucaaridka ka socday ah, Waxa uu ku doodayay sharci waxaanu muujinayay in Maslaxadii la gaadhay ay xukuumad iyo xisbi ahaanba aaminsan yihiin, waxa la yidhaahdaa Hadalna lakala odhan og Rabina la kala Baryi oge doodiisu umay muuqan mid muran iyo meermeerin ah ee wuxuu u cadeeyey sida dhayda, waxaana meesha ka muuqatay muga xildhibaan SICIID SALACALEE Madhnaan iyo keliya Aflagaadayn oo habaar uu maciinsaday Ka dib markii Nimaan la maraynini uu meesha la soo fadhiistay.

Habaarka Madaxweynahana waxa madasha la keenay inay tahay Caado weligiiba uu lahaa oo uu ku yuhan jiray Kordhinta doorashadana Golaha wakiilada ayay ka dhacday ka dib markay shirgudoonka iyo ragii meesha joogayba ka codsadeen madaxweynuhu inuu u kordhiyo guurtidana dalab u diro taasna waa laysla qiray. sharcinimada Golaha Guurtidana laysla qaaday Goaankiina laysla meel dhig.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa helay Ruug Cadaa da’yar oo Dood wanaag iyo hadal asiibid jenbiga baabuurka kala degay

Aniguna SALACALEE Wixii Helay baan la yaabay

·FIKIRKAYGAAN FARTUUN GELIYOO

·INTAAN FAHMAYBAAN KA FALANQEEYEE

·ADIGU KAAGUUN BAL FAALEEYOO

·FARIIDYAHOW MAYLA SOCOTAA

JaAmac Wacays Abdilahi

Hargeysa Somaliland

drwacays@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online