Ummad waliba Fircoon bay leeday ee shantan nin kee baa ah kii Somaliland by Abdi Mustafe‏

0
July 08, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummad waliba Fircoon bay leeday ee shantan nin kee baa ah kii Somaliland by Abdi Mustafe‏

    Ummad waliba Fircoon bay leeday ee shantan nin kee baa ah kii Somaliland by Abdi Mustafe‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad waliba Fircoon bay leeday ee shantan nin kee baa ah kii Somaliland by Abdi Mustafe‏
Wasirkii madaxtooyada Xirsi oo lagu naanayso Kildhi ee kibirka badnaa ee faanka badanaa ee odhan jiray kaaraa ijiidhay ee garan waayay sidi-sidi daada mooyaane dhul u dhacaaga u hubso ma waxa udanbaysay in uu yidhaa i qariyaay markii fadeexada Wikkileaks soo baxday. Xirsi oo awalba ka mid aha rakaabka xun ee Silaanyo oo weliba hagar daamo badan dalka iyo dadkaba ka galay ayaa waxa ku bilaab may dulmigii uu shanta sandood faraha kula jiray waanay kaga sii daraysaa.
 
Af-hayeenka madaxtooyada Dhuxul oo guulwada ah oon af-somali uu isku fur-furo aqoon ayay warbaahintu qaawisay oo su'aalo aanu ka jawaabi karin weydiiyeen. Dhuxul isugu la yaab malaha oo malcaamad quraan ka badan laguma darin oo CV giisu waa caydii ka bixi jirtay idaacadii horyaal.
 
Muse Biixi ma A/raxman Ciro ayuu weydiinayaa warka wikkileaks qortay oo wuxuu qirtay in aannu garanayn meesha laga keenay. Muse haduu damiir leeyey Silaanyo kolba dibada uuma tuureen ee wuu ka tashan lahaa.
 
Maxamed Biixi Yonis ma bahdalaad naftiisa ah uun buu uugu jiri aad wasiir ahaatid oo kolba meel ka faantid. Mohamed waa nin naftiisa u daran oo marna madaxtooyadu ku tidhaa waxaad warbaahinta ka tidhaa anaa maga caabay Baashe Morgan marna Wikkileaks been ku sheeg.
 
Wasiirka Arrimaha GudahaCabdi Daahir Camuud oo Ingiriiska ka ahaan jiray Security Guard ama waashmaan ayaa isna sida dameeraha danaaniyey oo ka baqaya in xukuumada qaran dumis nimo lagu rido oo uu waash-maan nimadii ku noqdo oo hadal aan macno lahayni ka soo yeedhay Jamaal Cali Xussien na eed kula kufay.
 
Ummad waliba Fircoon bay leeday buu yidhi rasuulku SCW. Aniga waxay ila tahay Fircoonka Somaliland waa wasiirka madaxtooyada Xirsi kildhi.
 
Isku soo xoori oo ilaa hada geb-geb iskaga difaaca khaayin nimada mooyaane weli madaxtooyadu meel may saarin arinka Wikkileaks qortay. Mucaaradka iyo Madashuna waxay ku maqanyiin wixii ay ummada ku hagi lahaayeen. Hassan Isse Jamac oo qareen ama Lawyer ihina sidii saxa ahayd buu u soo dhigay oo ah in golaha wakiiladu arinkan galaan oo gunta ka gaadhaan oo cidii qaran nimada iibisay la maxkama deeyo.
Here are a couple of questions. Where is the president? Why he does not clarify this mud (Wikkileaks)?
I guess he is ill & incapacitated. If you are in doubt then you are a tribalist.
Abdi Mustafe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online