Xoghayaha Dhalinyaradda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Wasaaradda Ciyaaraha Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Garoonka Kubadda Cagta Ee M/Mooge Oo Si Weyn U Dayacan

0
July 08, 2015 in Wararka by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dhalinyaradda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Wasaaradda Ciyaaraha Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Garoonka Kubadda Cagta Ee M/Mooge Oo Si Weyn U Dayacan

    Xoghayaha Dhalinyaradda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Wasaaradda Ciyaaraha Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Garoonka Kubadda Cagta Ee M/Mooge Oo Si Weyn U Dayacan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Dhalinyaradda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Wasaaradda Ciyaaraha Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabato Garoonka Kubadda Cagta Ee M/Mooge Oo Si Weyn U Dayacan

Hargaysa: (SLL)-Xoghaya guud ee garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa fariin adag u diray wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somailand, xoghaye Cabdifatax oo fariin qoraal ah soo gaadhsiiyay shabakadda wararka eesomalilandlive.com, ayaa farta ku fiiqay dayaca ka muuqda garoomada kubadda cagta ee ay xukuumadu ka masuulka tahay gaar ahaan garoonka Maxamed Mooge oo uu sheegay inuu ka mid ahaa garoonada ugu ciyaaraha badnaa bishan barakaysan ee ramaadan, balse aan ramadaantan wax ciyaaro ah lagu qaban.isagoo eedaasna dusha uga tuuray mas’uuliyiinta ugu sarsareysa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Xoghayaha oo qoraal kooban soo gaadhsiiyay Shabakaddab Wararka ee somalilandlive.com sinayaa waxay uu ku bilaabay qoraalkiisa sida tan:"Garoonka Maxamed Mooge Miyaa La Hagraday Mise Waa Ogaal La’aanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Garoonka Maxamed Mooge waa mid kamida garoonada ugu waa wayn magaalada Hargaysa, waxaana la aasaasay sanadkii 2004 horaantiisii, waxaa kadhisan kooxo badan oo heer walba leh iyadoo ka soo baxeen ciyaartooy badan oo xirfadooda ciyaareed ay gaadheen heer ay usaftaan qaranka ama kooxaha heerka koobaad.

Bishan ramadaan waxaa uu garoonkani ahaa bisha ugu saxmada iyo mashquulka badan, iyadoo lagu ciyaari jiray koobka ramadaanta, waxay dhalinyarada ciyaarta ama xiisaysa kubada cagta u ahayd fursad wayn oo ay ku kobciyaan xirfadooda ciyaareed.

Nasiib-darro se muddo sanada laguma ciyaarin iyadoo sabab ay u tahay in laga gooyay birihii garoonka ee lagu ciyaari jiray, markaaba waxaa gabi-ahaanba meesha ka baxay ciyaarihii lagu ciyaarijiray garoonkan Maxamed Mooge.

Hadaba waxaa layaaba oo qayru masuulnima ah in ay wasaaradii dhalinyarada iyo ciyaaraha ee shaqadan loo igmaday aanay aqoonba meel uu ku yaalo garoonkan Maxamed mooge, isagoo ay tahay degmada uu ka soo jeedo agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, haddana wax war ah iyo wacaala aanu ka ogayn dayaca iyo burburka ka muuqda garoonkiisa taasina ay tahay masuuliyad darrada ay ku sifoobeen xukuumadan haatan xilka haysa oo uu ka gana mashquulay waxyaabo kale.

Xoghayaha guud ee garabka dhalinyarada ee heer qaran ee xisbiga Waddani Cabdifataax Saciid Axmed (Aftax).

Somalilandlive.com

Hargeisa Head Office




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online