Baaq Ciidanka Qaranka By Mukhtar Cilmi

0
July 08, 2015 in Articles by Shaqaalaha SLL Media
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ciidanka Qaranka By Mukhtar Cilmi

    Baaq Ciidanka Qaranka By Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq Ciidanka Qaranka By Mukhtar Cilmi

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Somalilandlive.com




Baaqaygan wuxuu ku wajahan yahay ciidankeena qaranka ee isbedel doonka ah,waxaan idiinku baaqayaa in aad dalka iyo dadka badbaadisaan lana wareegtaan waajibaadka aad xaqa u leedihiin kana samatabixiaan dalka duruufaha qalafsan ee soo wajahay iyo colaadaha siyaasadeed ee uu hogaaminayo Kelidii Taliye madaxweyne silaanyo iyo Wasiiriintiisa, in ay ogaadaan in ay dalka iyo dadka u shaqeeyaan shacabkuna yahay ka bixiya mushahaarooyinkooda oo ka soo xerooda cashuurta dadku bixiyaan sidaa aawadeed waa in ay gartaan cidda ay u shaqeeyaan in ay tahay shacabka. Karaamada iyo sharafta iyo jiritaanka iyo badbaadadinta dimoqradiyadda Somaliland waxaa waajibkeeda koobaad saaran yahay waa idinka , Sharaftiina iyo karaamadiinuna waxay ku jirtaa sida aad u gudataan masuuliyaadkiina idinaka oo aan cidna uga haybaysanayn shacabkiinuna wuxuu idinku ixtiraami doonaa kolba sida aad u gudataan waajibaadkiina qaran sidaa aawadeed waxaan mar labaad , sadexaad iyo afraadba diiinku baaqayaa inaad sida ugu dhakhso badan u gudataan waajibaadkiina ulana wareegtaan masuuliyada dalka iyo awooda qaranka isla markaana aad qabataan doorasho xor ah.

waad ogtihiin halka maanta somaliland marayso, waad ogaatayn in madaxweyne silaanyo federal qaatay qaranki suubaana ee 24 sanadood jiray dhulka la dhacay,waa khiyaamo qaran oo idinka sugaysa in xukuumaddan albaabahiida u xidhan. waad aragtan qabyaalada iyo shirqoolada ka dhex abuurtay xukuumadda silaanyo ciidanka somaliland in ay xilka haysay.in doorashooyinkii khal khal galisay iyo amaanka dalkeena khatar weyn ku jira.shacabku wuxuu idinka sugay gurmad deg deg ah iyo isbedel siyaasideed .

Baaqani wuxuu ku socdaa askari walba, in dadka u hayaan masuuliyad Qaran kunana waajibinaysa isbedel siyaasideed waayo maanta xukuumaddan silaanyo waa mid dalka iyo astamahiisa khiyaamaysay. in ciidamada Somaliland isbedelka mucaaridku hoggaminayo u muujiyaan taageeradooda , kalsoonidoodana la garab istagaan shacabkooda raba isbedel dalkooda badbaadiya.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online