Faalayn.- Milicsiga mushkilada dhaqaale ee Giriiga

0
July 08, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 1355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalayn.- Milicsiga mushkilada dhaqaale ee Giriiga

    Faalayn.- Milicsiga mushkilada dhaqaale ee Giriiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawaga Yurur Waxa Kago,an in ay Muslimiinta Tirada Badan ee Turkay aanay Kusoo Daynin Qaarada Yurub Balse Guriiga oo ay Dhabarka Hayeen ayay Hada Kufashilmeen
Faalayn.- Milicsiga mushkilada dhaqaale ee Giriiga


Milicsiga mushkilada dhaqaale ee Giriiga

wacanoo wanaagsan dhamaan akhyeereey, waxaynu isku dayidoonaa inaynu wax yar ka biniixinkarno mushkilada dhaqaale ee beryahan danbe loogu hadal haynta badan yahay ee haysata wadanka Giriiga kaas oo saamayn ku yeeshay suuqyada dhaqaale ee mandiqada galbeedka yurub ee ku bahawday lacagta (Euro) waxaanaynu qormadan si kooban ku guudmaridoonaa qodoba dhawra oo ay ay ka mid yihiin:

-Ahmiyada Giriigu u leeyahay ilbaxnimada reergalbeed gaar ahaan reer Yurub.

-midowga Yurub iyo dhibaatadan dhaqaale ee Giriiga.

-saamaynta dhibaada ee Giriigu ku yeelan karto (euro zone)





Ahmiyada Giriigu u leeyahay ilbaxnimada reer galbeed gaar ahaan reer Yurub
Taariikhda:markaynu eegno dhinaca taariikhda waxay yurub ka dab qaadataa waxa ay ugu yeedhaan(Hellenic heritage) amaba si kale u odhan karnaa waxay yurub ka dabqaadataa taariikhdeedii la xidhiidhay ilbaxnimadii Giriigii hore ( Aceint Greece )iyo dhaxalkii ay ka dhaxleen boqortooyadii Roomanka ( Roman Empire)

Diinta:
Dhinaca diinta hadaynu eegno, diinta ay Yurub ku abtirsataa waa diinta Misiixiga (Christianity) kitaabka muqadaska´ ka´ ah agtooda ee ( Bible)ku dabacaada ugu qadiimsan ee maanta la hayaa wuxuu ku qoranyahay luqada Giriiga, halkana kuma soo koobi karno saamayntu Giriigu ku lahaa yurub iyo kiristaan noqoshadeeda.

Aqoonta iyo Falsafada: waxaan filayaa dhinacaa aqoonta waynu ka wada dharegsanahay siduu saamaynt ugu leeyahay Giriigu waayo, ereybixinadaa cilmiga ah badi waxay yurub ugu abtirisaa Giriigii hore haday tahay sayniska iyo haday tahayba culuumta bulshada, balse waxaa kuugu filan saamaynta uu giriigu ku leeyhay bulshooyinka reer yurub (valeus) ka ama qiyamka ay ku faanaan waxaa ugu horeeya dimuquraadiyada ka mabda´ ahaan iyo ka ereybixin ahaanba wuxuu ka soo jeedaa giriigii hore. Dhinaca falsafadana waxaynu ognahayba in lagu naanayso Giriiga dhulkii falaasifada. Falaasifadii ugu caansanaynd ee saamaynta ugu badan ku yeeshay falsafada iyo qaab fikir dhaqameedka reer galbeedka ilaa hadana lagu dhigto jaamacadaha waxay ka soo baxeen dhulkaa Giriiga sida: Socrates,Aristo, Aflatoun iyo dhamaan falaasidii kala duwanayd ee waayadii kala duwanayd soo martay yurub.

Geopolitics:hadaynu dhinaca ahmida waxay u yaqaaniin (Geopolitics)ka wuxuu Giriigu dhacaa halka ay ku kulmaan diimaha Islaamka iyo Kiristaanku waayo waxaa xuduud la leh wadankii Islaamkaba hogaaminaayey ee Turkiya, kaas oo dagaal gaari uuba ka dhaxeeyo Giriiga oo ilaa maantana ay ku muransanyihiin jasiirada Cyprus.Dhinaca kale hadaynu eegno Giriigu wuxuu dhacaa halkii ay iska geli jireen labadii fikaradood ee dunida halista galiyey waa nidaamkii shuuciga ahaa ee bariga iyo nidaamkii hantigoosiga ahaa ee galbeedka sidaa darteed buu giriigu xad la leeyahay wadamadii hore u ahaan jiray shuuciyada, kolkaa wadanka Giriigu goobta uu dhacaa muhiim bay u tahay wadamada galbeedka yurub waayo labadaa waxba wuu kaga gudbanaa waa Islaamka Turkigu hogaamimnaayo iyo shuuciyadii reer Barigaba inkastoo hada shuuciyadii aanay jirin oo gabalkeedu dhacay.

Midowga yurub iyo ujeedaduu u taagan yahay.
Tan iyo markii la aasaasay ururka ay ku bahoobeen wadamada galbeedka yurub wuxuu u taagnaa ururku sidii dhibaatooyinka wadamada Yurub la iskaga kaashan lahaa , haday tahay dhibaato dhaqaale,amaandaro,dagaal iyo iwm. Waxaana ururka la soo dersay waayo kala gedisan tan iyo markii lahirgaliyey waxaana ka mid ahaa loolankii ka dhaxeeyey bari iyo galbeed kaas oo wadamada reer galbeed ka soo horjeesdeen sidii nidaamka Shuuciga ah looga hortagi lahaa. Hadaba suaashu waxay tahay hadii hada uu burburay nidaamkii bariga ee ay waajahayeen waa maxay sababta uu u taagan yahay midowga Yurub ?


Hadaynu iska dayno inaynu soo naqlino aragtiyaha mufakiriinta muslimiinta ah aynu isku dayno inaynu wax kasoo qaadano dadkooda indheer garadka ahi waxay ku tilmaamaan arinta Midowga Yurub, tusaale ahaan aynu soo qaadano mr Daved Icke oo ah wariye caan ah oo ka faalooda arimaha siyaasada dunida gaar ahaan ta reer galbeed sidoo kalena ah qoraa wuxuu yidhi maruu sharxaayey waxay wadamda reer yurub u samaysteen midowgan wuxuu yidhi ( There are simply too many people and locations to control.Instead you need to centralize the key decisions and the more you centralize, the more power you have to increase the pace of centralization) si kooban hadaynu u guud maro hadalkiisa oo dheeraa wuxuu ku fasiray isagu inay ujeedada ka danbaysaa tahay in kooxo yaryar waa (reer yurub) ay rabaan inay dunida kale u taliyaan sidaa darteed si ay ugu taliyaan dunida inteeda kale waa inay meesha goaankooda lagu sameeyo ee iyo awoodooda dhaqaale ciidan iyo siyaasadeedba hal meel iskugu geeyaan si ay xoog u yeeshaan waayo kali kali uguma talin karaan dunida maanta aynu ku nool nahay , waxaa kale oo xusid mudan inuu Midawga yurub yahay naadi ay ku bahoobeen wadamada masiixiga ah sababta Turkiya oo ka dhaqaale wacan kana dad badan kana muhiimsan loogu diidanyahay ku biiritaanka Midawga yurubna wax kale maaha ee waa diinteeda oo Islam ah halka wadamo kale oo ka faqiirsan qiimo badana aan ugu fadhiyin loogu soo daraayaana waa taas, sida ay khubaradu dhamaan isku wada waafaqsanyihiina waa sidas.

Midowga yurub dhibaatada dhaqaale ee Giriiga

markaynu dhaqaale ahaan eegno Giriigu muhiimad wayn uguma fadhiyo dhinaca wax soo saarka wadamada ku bahoobay lacagta (Euro)da waxaana lagu tilmaamaa xajmiga wax soosaarkiisu inuu u dhigmo 2,6% suuga wadamada(Euro)da isticmaala. Isagoo sidaasa ayey hadana ugusii darsantay mushkiladan oo bilaabantay 9/10/2009 taas oo maalinba maalinta ka sii danbaysa dhulka uu sii galaayey, inkastoo (mei 2010-jun2011) markii koowaad la caawiyey hadana mar labaad dayn kale la siiyey 2011 ilaa hada la waday dhamaan isku day´yadaasi ma aynoqon kuwo wax ku oola. Lacagta maanta lagu leeyahay wadanka Giriiguna waxay kor u dhaafaysaa 240milyar taas oo aanu aawood u lahayn dhaqaalaha wadankaa Giriigu inuu bixiyo taasina waxay khasaare wayn ku tahay wadamada Euro da hogaamiya ee kala ah Germany iyo France waana labada ugu daba orodka badan dhibaatadan Giriiga waayo baanan koodu lacago badan oo ay siiyeen ayaa cirka u tuura waxaa lagu qiyaasaa germany oo qudhi inay ilaa hada ka maqantaha lacag
han 187 Bilyan oo lacagta Euro da ah meeloo raacana maanta aanay jirin waayo wadankii la daymiyeyba wuu kacay.


Waxa la filaayo inay dhibaatada dhaqaale ee Giriigu horseedo

inkastoo ay tahay dhacdadani mid ku cusub tan iyo intii lacagta Euro ay soo baxday in wadan kamida wadamada isticmaalaa kaco, hadanase hadii aanay wadamada hogaamiya suuqayada lacagta Euro aanay siday tahay wax uga qaban waxaa dhici karta in wadamada kale ee sii hoobanaya ee haya wadada Giriiga sida Spain, Portugal, Irland, Italy kuwaas oo noqon doonaan kuwo qaada wadada giriiga kana baxa soohdima-wadareeda lacagta Euroda. Taas oo sababi karta jahowareer iyo dheelitir la´aan ku yimaada lacagta Euroda.



 Qore Ilyaas  Caantaynle


Somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online