Silaanyo haduu caafimaad qabo amuurhan cakiran buu ka hadli lahaa by Abdi Mustafe‏

0
July 09, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silaanyo haduu caafimaad qabo amuurhan cakiran buu ka hadli lahaa by Abdi Mustafe‏

    Silaanyo haduu caafimaad qabo amuurhan cakiran buu ka hadli lahaa by Abdi Mustafe‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silaanyo haduu caafimaad qabo amuurhan cakiran buu ka hadli lahaa by Abdi Mustafe‏
Haduu Silaanyo bukooday ama gaboobay shicib kuna ma la mid bay noqdeen miyaanay fikarayn oo aanay is waydiinayn madaxweynihi dalka loo doortay halkuu ka dhacay iyo muxuu eedahan loo soo jeediyey uuga hadli waayay. 5 sanadood ayaa madaxweynha wax laga sheegaya ama Somaliland hoos u dhaceeda la hadal hayaa qofkii ka jawaabi lahaana waaisaga oo loo diidanyay in uu saxaafada la hadlo. Waagi beyaba waxa shicibku maqlaan wax ka yaabiya oo ay ka mid yihiin Wiilka uu sodoga u yahay ee aakhirkii safiirka emaaraatka loo magacaabay iyo dalkii oo meel walba la iibsaday iyo Wikkileaks oo shaacisay in Somaliland shir la gashay federaalka iyo dowlad goboleedo iyo komishankii oo loo sheegi kari waayay waqtiga doorasho dhacayso. Waxaas oo denbiya iyadoo dowladu ku jirto ayaa hadana niman guulwadayaal ihi ka difaacayaan dowlada iyagoo og in dalku meel halisa marayo. Niman kaasi hadhow marka Silaanyo tago siday bulshada uugu dhex noolaan doonaan ileyn waa denbiilayaal qaran e. Raggaa waxa ka mida Xirsi Xaaji Cali, Mohamed Biixi Yonis, Muse Biixi, Mohamed Cabdillahi,Cabdilaahi Jawaan, Osman Hindi iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha.Niman kaasi waxay aamin sanyiin in risiqa Silaanyo bixiyo oo ilaahay way ka fogaadeen oo waxba ma dhamaan kuwa maxkamadaha hor taagan ee yidhaa yaannu kiis uugu dhaarana si lacag yar loo siiyo. Isku soo xoori oo waxa dhacay oo dhan markaad iska dhaafto miyaanay kuu cadayn in madaxweyne bulshada la hadli kari waayay waxa hayaa aanay sahla-nayn. Rumayso ama ha rumaysan Silaanyo xaal kiisu ma fiicna oo wax la malaynayo maaha ee waa way muuqataa in aan xukun gacanta uugu jirin ee dad aan isna nasteex u ahayn oon u tudhayni ay dalka ka taliyaan oo ay uugu horeyso marwada madaxweynaha oo diidan in Silaanyo helo xanaano oo laga dhex saaro buuqan iyo sawaxabkan. Marwadu waxay madaxweynaha ka jarayso la garan maayo ee waxaad moodaa in ay ka aar goosanayso sababtuna tahay ummada oo dhan baa isku raacsan in aan Silaanyo xukun u baahnayn ee uu xanaano u baahanyay. Waa hubaal in cimriga dowladani aannu sii dheeraanayn ee intaan talo fara ka haadin Somaliland ha loo gurmado oo loo tashado malaha dhowrka qof ee Silaanyo magaciisa ku shaqeysanayaa e.
Madaxtooyaduna ha ogaato maalinta shicibku kaco inay kaba la'an kaga carari wadanka iminka weyba sheegeen oo waxay yidhaahdeen dhegaha ka fureysta e. If you are in disagreement that Silaanyo is sick, slow and incapacitated then you are either a tribalist, naive or mentally retarded.
Abdi Mustafe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online