Ciidamaddii xoogga dalka Somaliland maxay qabanayaan ee ay dalka uga badbaadin waayeen caruutan ku ciyaaraysa aayihii dalka‏ ?

0
July 10, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamaddii xoogga dalka Somaliland maxay qabanayaan ee ay dalka uga badbaadin waayeen caruutan ku ciyaaraysa aayihii dalka‏ ?

    Ciidamaddii xoogga dalka Somaliland maxay qabanayaan ee ay dalka uga badbaadin waayeen caruutan ku ciyaaraysa aayihii dalka‏ ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamaddii xoogga dalka Somaliland maxay qabanayaan ee ay dalka uga badbaadin waayeen caruutan ku ciyaaraysa aayihii dalka‏ ? Dalalka Somaliland ku xeeran waxa ka dhacay kacdoono shacab sida dalka Masar oo ay shacabkii ku kaceen kiligii taliyihii Xusbi Mubaarak , halkaas oo qalalaase badani ka dhacay iyo jaah wareer siyaasadeed , laakiin markii danbe waxa shaqadoodii qabsaday ciidanka xoogga dalka Masar oo la wareegay maamulkii iyo hogaankii dalka Masar , waxaanay qabteen madaxweynihii gaboobay ee magac u yaalka ahaa ee aan waxa dalka ka socda waxba kala socon , waxaana dalka Masar xiligaa ka talinayay kooxo ku xulufoobay in ay dalka iyo dadkaba dhacaan oo boobaan , laakiin ciidamadii qaranka waxay laaleen distuurkii dalka , waxaanay kala direen golihii baarlamaanka ee dalka Masar , waxaanay ku dhawaaqeen in ay muddo sanad gudihiiya ku qaban doonaan doorasho xor ah oo xalaal ah , , waxaanay dalkoodii ka badbaadiyeen un dagaalo sokeeye ka dhacaan , halka ay ciidankii xooga dalka Liibiya iska fadhiyeen oo iska daawanayeen wixii ka socday dalkooda , markii uu dhacay keligii taliyihii Qaddaafi , kadib waxa dhacay qas iyo khalkhal iyo xasilooni darro , waxay arintaasu sababtay in ay ka dhalato dalka Liibiya laba dawladood iyo shan jabhadood iyo dagaallo sokeeye oo aan la garanayn meel ay u socdaan iyo meel ay ku dhamaan doonaan toona .
Waxaana waxaas oo dhan sababay ciidanka xoogga dalka Liibiya oo aan maamulkii iyo taladii dalka la wareegin , , markii danbena ciidankii xoogga dalka Liibiya waxa uu ku kala biiray ciidamadii iyo jabhadihii arintaa ka dhashay
Dalka Tuuniisiya waxa iyadana ka dhacay kacdoon bulsho iyo tawrad ridday keligii taliyihii Zayn Al-caabidiin , waxa dhashay qas iyo nabad-gelyo darro , kadib markii ay in muddo ah socotay , waxa maamulkii iyo taladii iyo hogaankii dalka la wareegay ciidankii xoogga dalka Tuunis , waxaanay ka badbaadiyeen dalkoodii in ay ka dhacdo daggaallo sokeeye iyo xasilooni darro , aan la maarayn karayn sidii loo soo af-jari lahaa , sida ka dhacday dalka Yaman ee uu ciidankii xooga dalka Yamani ku dhex milmay jabhadaha faraha badan ee kala duwan ee dalkaa isku haya . Laakiin haddii uu markii hore ciidanka xoogga dalka Yamani la wareegi lahaa hogaanka iyo maamulka dalka , waxaa maanta ka taagani kamay taagnaadeen , kamanay dhaceen .
Hadaba waxa maanta ka taagan dalka Somaliland in sharcigii lagu tuntay oo xukuumadda Axmed Siilaanyo aanay doorashadii looga fadhiyay si badheedh ah u qaban wayday , muddo kordhin aan sharci ahayna golaha guurtidu u sameeyay , wixii ay saddexda xisbi qaran iyo madaxweyne ku-xigeenku ay wada saxeexeenna xashiishka lagu riday
Axsaabtii mucaaradka ahaydna waxay taagan tahay mawqif aad u adag , oo ay ku dhawaaqday inaanay xukuumadda Axmed Siilaanyo aqoon sanayn marka laga bilaalo 27/07/2015 ka , waxaanay ku talo jiraan asxaabta mucaaradku iyo golaha wadatashiga iyo kooxo kale oo badani in la sameeyo xukuumad gaadhsiisa dalka doorasho xor ah oo xalaal ah , kol haddii madaxweynihii dalka iyo ku xigeenkiisiiba aanay awood ku lahayn dalka ay ku maamulaan .
Hadaba waxa ciidanka xoogga dalka Somaliland la gudboon , waajibna ku ah in ay dalkooda ka badbaadiyaan in ay laba xukuumadood ka dhex samaysmaan , oo ay nabad-gelyadii iyo xasiloonidii dalka faraha ka baxdo .
Sidaa awgeed waxa ciidanka xoogga dalka Somaliland u taalla in ay talada iyo nmaamulka iyo hoggaanka dalka la wareegaan , oo ay doorasho xor ah oo xalaal ah gaadhsiiyaan , .
Maaha in ciidanka xoogga dalka Somaliland iska daawadaan waxa dalkooda ka socda .
Maaha in dushooda laysku qab qabsado , oo iyaguna iska fadh-fadhiyaan .
Maaha in ciidankii xoogga dalka Somaliland oo jira dalka uu dagaal sokeye ama khalkhal iyo xasilooni darro ka dhacdo .
Maaha in ciidankii dalka Somaliland oo gacan weyn ka gaysan kara badbaadada iyo sugidda amniga iyo vabad-=geluada uu iska daawado .
Maaha in ciidanka xoogga dalka Somaliland uu noqdo mid aan dalkiisa badbaadin karayn , markii loo baahan yahay in uu wax ka qabto oo badbaadiyo .
Waa i n ciidanka xoogga qaranka Somaliland la wareego talada iyo hoggaanka dalka , si uu uga badbaadiyo kooxahan isku dul haysta .
Maaha in ay sugaan dadkii dalkan lahaa ee u soo dagaalamay ee xoreeyay in dalkoodii oo sii burburaaya oo laga yaabo in dagaallo sokeeye ka soo curtaan , ay iska daawadaan oo iska fadh-fadhiyaan oo uu dalkoodii iyaga oo arka uu dushooda ku burburo .
Waa in ay hurdada ka soo kacaan oo wax ka qabtaan kooxdan aan danta ka lahayn in uu dalku8 burburo iyo in kale , ee hamigooda koobaad yahay sidii ay meedha u sii joogi mlahaayeen oo ay cashuurta dadka u sii urursan lahaayeen .
Hadaba ciidanka xoogga qaranka Somaliland iyo saraakiisha dalka u soo halgamay iyo cid kasta oo dalka danaynaysa waa in ay dalkooda maanta badbaadiyaan , oo ay nabadda iyo xasiloonida uu haysto ilaaliyaan
Waa in uu ciidanka xoogga qaranka Somaliland uu ka badbaadiyo dalka caruurtan ku dul ciyaaraysa aayihii iyo nabad-gelyadii iyo xasiloonidii dalka .


Cali Maxamed Biixi
caliwwelli@hotmail.co.uk


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online